Dugsiga aasaasiga iyo dugsiga xilliga firaaqada

Quseeyso carruurta da’dooda tahay 7 ilaa 15 sano.

Illustrerar grundskoleutbildning

Waa maxay dugsiga aasaasiga ahi?

Dugsiga aasaasiga in la dhigtaa waa ku qasab dammaanba carruurta, laga bilaabo xilliga deyrta ee ay buuxiyaan 7 sano, waana bilaash.
Dugsiga aasaasiga ahi waa 9 fasal oo dhigashidiisuna ay tahay mid qasab ah sagaalkaas sano.

Sannad dugsiyeedku wuxu u qeybsamaa laba xilli oo ah xilliga deyrta iyo xilliga gu`ga.

Waxbarashada dalku waa isku mid meel kasta oo uu ardeygu dugsiga ka dhigto.

Yaa dhigta dugsiga aasaasiga?

Iswiidhan carruurtu badanaa waxey bilaabaan fasalka 1-aad xilliga deyrta ee ay 7 sano buuxinayaan. Waa suurtagal in xataa carruurtu ay bilaabaan markay 6 sano buuxinayaan, xaaladaha qaarna 8 sano.

Carruurta ay maskaxdoodu gaabiso waxey dhigtaan dugsiga aasaasiga ee ardeyda maskaxdoodu gaabiso, oo wuxu u dhigmaa dugsiga aasaasiga.

Caruurta curyaanimo darteed ama sababo kale oo qaas ah aan dhigan karin dugsiga aasaasiga ah ama dugsiga aasaasiga ee ardeyda maskaxdooda gaabiso, waxa qaabilaya dugsiga qaaska ah.

Waa sidee qaabka loo shaqeeyaa?

Dugsiga aasaasiga ah waxaa mas’uul ka ahaan kara degmada ama wuu ka madax bannaanaan karaa. Inta ugu badan Iswiidhan dugsiyada aasaasiga waxa mas’uul ka ah degmada, oo caadiyan ardeyda waxey dhigtaan dugsiyada ay degmadu mas’uulka ka tahay oo gurigooda u dhow.

Dugsiyada aasaasiga ahi waxey haystaan fursad ay ku samaysan karaan astaan qaas u ah, ama waxyaabo qaas u ah, tusaale ahaan fasalo ingiriis, isboorti ama hido iyo dhaqan lagu barto.

Dugsiyada aasaasiga ee madaxa bannaani weey u furan yihiin dhammaan carruurta oo waxbarashaduna waa mid u dhiganta tan laga helo dugsiyada aasaasiga ee degmada.

Dugsiyada aasaasiga ee madaxa bannaan waxa mas’uul ka ah qof kale oo aan ahayn degmada. Qofkaasi wuxu ahaan karaa shirkad, hey’ad samafal ama urur.

Sidee loo bixiyaa shahaadada?

Shahaadada waxa la bixiyaa lixdii bilood hal mar, laga soo bilaabo fasalka 6 dhammaan maadooyinka inta aan ka ahayn luqadaha la doorto. Shahaadada luqadaha la doorto waxa la bixin karaa xilliga dayrta ee lagu jiro fasalka 7-aad. Shahaadada ugu dambeynta waxa la bixiyaa fasalka 9 –aad xilliga dhammaadka gu`ga. Shahaadada ugu dambeysa baa lagu codsan dugsiga sare.

Darajada shahaadadu waa lix tilaabo A ilaa F. A ilaa E waxey micnaheedu tahay waad ku baastay halka F micnaheedu ay tahay waad ku dhacday.

Hadii ardeyga maqnaanshihiisu aad u badan yahay oo aan shahaado la siin karin maadaama aan la qiimeyn karin aqoonta ardeyga, waxa la siin xariijin (-) oo waraaqada shahaadada lagu qori. Shahaado F iyo xariijin looma isticmaali karo dugsiga aasaasiga ee ardeyda maskaxdooda gaabiso ama dugsiga sare ee ardeyda maskaxdooda gaabiso.

Wada hadalka horumarinta ardeyga

Ugu yaraan halmar lixdii bilood waa inuu ardeyga, macallinka iyo ardeyga waalidkiisu isla kulmaan si ay uga wada hadlaan xaalada dugsigu sida ay tahay iyo siduu ardeygu ugu qanacsan yahay. Arrintaan waxa lagu magacaabaa wada hadalka horumarinta ardeyga. Wada hadalku waa inuu sawir balaaran ka bixiyaa horumarka aqoonta iyo ka xaga bulshada ee ardayga.

Wada hadalku waa inuu noqdaa mid ku saabsan sidii uu dugsigu u caawin lahaa ardeyga ee uu u dhiiri gelin lahaa horumarkiisa. Wada hadalku wuxu u yahay ardeyga iyo waalidka fursad ay wax ku saameeyn karaan oo ay mas’uul ka qaadi karaan ardeyga waxbarashadiisa.

Fasalada aan shahaadada la bixin ardeyga waxa la siin qoraalka qorsheynta horumarinta shaqsiga, oo waxa la qoraa hal mar sanad dugsiyeedkiiba. Qoraalka qorsheynta horumarinta shaqsiga waa in ay ku qornaadaan qiimeyn kaas oo qorshaha mustaqbalka quseeya.

Dalbo dugsi

Illustrerar välja grundskola

Dhammaan carruurta iyo dhallinyarada waxey xaq u leeyahiin dugsi wanaagsan. Dhammaan waxey xitaa xaq u leeyihiin iney dalbadaan dugsiga ey rabaan iney dhigtaan, ayaadoo xisaabta lagu daraayo shuruudaha oo adiga ka akhrisankartid qeybta Xeerarka quseeyo doorashada dugsiga.

Xoriyada in la dalbankaro dugsi baa keentay in dugsiyada suubistaan aragti u gooni ah. Waxa kamid ahaan karo iney wax qaas ah ey ku sii fiicnaadaan sidey ardeyda u soo yiitaan. Dugsiyada waxey xitaa ku kala duwanaan karan ilaa inta ey gaaraan hadefyada aqoonta oo qaranka. Natiijada imtixaamada qaranka dugsiyada waa kala duwanaan kartaa iyo shahaadooyinka ardeyda. Arrintaan waxyaabo badan baa sabab u ahaan karo. Badanaa ardeyga asalkiisa baa sabab ahaan loo soo qaataa iney natiijada saameyneyso. Laakin ardeyga qofkoo rabo ahaado iyo dugsigoo rabo ha dhigto, waa in ey helaan waxbarasho wanaagsan iyo deeggan kaalsooni leh dhammaan carruurta. Dugsiga waa inuu dhammaan ardeyda caawiyaa sidey inta suurtagal ah ey horumar u gaarigaran. Waa muhiim in daryeelku iyo xaqa isku si ahaado.

Sidee baa lagu oggaan dugsiga wanaagsan? Sidaa sawir dhameystiran uga heshid dugsiyada waa inuu qofka warbixin badan raadiyo, oo markaas sawirka qeybihiisa isku geeyo. Waxa ugu muhiimsan inuu qofka koow is weeydiiyo maxaa aniga ii muhiimsan. Hey’adda dugsiyada internetkooda qeybta Dalbo dugsi waxey kaa caawin inaa hesho warbixino ku saabsan macallimiinta iyo natiijada ardeyda ey keenaan, sidaa dugsiyada isku la barbar dhigikartid. Waxa xitaa meeshaas ka heli su’aalo wanaagsan inaa dugsiga weeydiisid sidaa warbixin badan u heshid.

Xeerarka markii la dooranaayo dugsiga aasaasiga

Degmada aad ku nooshahay, oo ah degmada ardeyga ka diwaangalisan yahay, waa iney u xaliyaan dhammaan carruurta oo sida sharciga dugsiga ku qoran xaq u leh iney dhigtaan dugsiga aasaasiga. Ardeyga wuxu xaq u leeyahay inuu doorto dugsiga oo rabo dhammaan degmada, ma ahan kaliya qeybta oo degmada kaga nool yahay ama xaafada uu k nool yahay kaliya.

Waa degmada waxa go’aaminaayo inta ardey oo boos ka helaayo dugsikasto. Degmada waa iney gacanta koowad fiiriso waalidka meesha ey soo doorteen, markey noqoto meesha ardeyga boos laga siinaayo. Laakin waalidka doorashada ey dugsiga soo doorteen kama muhiimsana canug kale xuquuqdiisa oo ah inuu bilaabikaro dugsiga ugu dhow gurigiisa (xeerka darisnimada).

Ardeyga wuxu xaq u lee yahay inuu bilaabikaro dugsiga ugu dhaw gurigiisa. Waxa degmada ka jiro karo dhowr dugsi oo la dhihi karo waa u dhaw yihiin guriga. Markey tirada inta ardey oo rabo iney dugsiga bilaawdo ey ka badato inta boos , waxa degmada qasab ku ah iney fiiriso ardeyda oo la dhihikaro gacanta koowad xaq weey u leeyihiin in dugsiga boos laga siiyo.

Degmada kuma ahaan qasab iney waalidka doorashadooda dugsiga fuliso hadii ey arrintaas qorsheeynta waxbarashada ama dhaqliga degmada dib adag u geysaneyso, ama ardeyda kale kalsoonidooda iyo waxbarashadooda ey saameyneyso.

Ardeyga wuu dalbankara dugsi madax bannaan oo ku yaal degmada ama degmo kale. Xeerka ugu muhiimsan waxey heesheegaayaan in dugsiyada oo madax bannaan dhammaan ardeyda oo dugsiga aasaasiga dhigto ey u wada furanyihiin. Hadii ardeyda boos eysa wada siin karin waa in ey kala soo cida ahaataa sida Hey’adda baaritaanka dugsiyada ey go’aamisay.

Marmar ardeyga wuxu xaq u leeyahay in degmo aan eheen degmada ardeyga ey qaabisho.

Faafaahin intaan ka badan oo ku saabsan doorashada dugsiga ka akhriso internetka Hey’adda dugsiyada.

Talooyinka su’aalaha

Markaa adiga la xiriireyso ama booqaneysid dugsi waxa koow fiirisaa warbixin ku Dalbo dugsi. Adigoo isticmaalaayo warbixintaas baa su’aalo weeydiint karta dusgiga, tusaale ahaan natiijada ey ardeyda keenan ama macallimiinta.

Waxyaabo badan baa jiro eysa cabirin Hey’adda dugsiyada oo tirakoobka kamid eheen. Inta baa ku soo hadal qaadeynaa dhowr mowduuc oo wanaagsan inaa kala hadashid. Ka fiirso su’aalooyinka adiga muhiimka kuu ah iyo kuwaa adiga rabtid inaa jawaab ka heshid markaa la xiriireyso dugsiga ama tageysid Maalinta dugsiga waalidiinta u furan yahay.

  • Ma yahay dugsiga mid rabo inuu dhammaan ardeyda horumar gaarsiiyo?
  • Siduu yahay qorshaha dugsiga iney dhammaan ardeyda gaaraan hadefka?
  • Hadii oo jiro ardey rabo inuu ka hormaro ardeyda kale - maxuu yahay qorsha dugsiga?
  • Ardeyda oo u baahan caawinaad qaas ah – sidee buu dugsiga ula shaqeeyaa ardeydaas?
  • Sidee buu dugsiga uga shaqeyaa arrintaa in xisadaha eysa ahaan buuq la’aan?
  • Miyaa dugsi yar mise mid weey, kee igu habboon aniga?
  • Inta ey dugsiga iyo guriga isku jiraan iyo wadada safarka.
  • Hadii aad rabo dugsi oo waxyaabo qaas ku ah – ka wardoon ilaa inta saac ey madadaas qaaska ey isku mashquuliyaan.
  • Waa sidee sida dugsigaan u shaqeeyo? Ma waxa jiro wax qaas ah uu dugsiga rabo inuu soo hadal qaado?
  • Miyoo dugsiga lee yahay qorsho ka hortagida arrimaha kadeedida iyo sumcad xumeynta?
  • Sidee bey u eg yihiin qolalka maadooyinka kala duwan lagu dhigto, xilliga nasashada iyo barxada dugsiga? Dhammaan dugsiga qolalkiisa ma hal meel bey ku yaalaan misa dhowr meel oo kala duwan?
  • Cuntada dugsiga – maxa loo kariyaa? Miyey joogtaa lacag (dugsiga sare)? Miyey haystaan qolka cuntada ama ardetda waxa la siin waraaqada cuntada?
  • Ilaa heerke bey ardeyda oo dhigto dugsiga ku qanacsanyihiin waxbarashada iyo deeggaanka? Weeydii natiijada baaritaanka foomka su’aalaha ama baaritaano kale.
  • Miyey macallimiinta ku qanacsanyihiin, shaqaalaha ma la babadalaa?
  • Miyuu lee yahay dugsiga daryeelka caafimaadka oo dugsiyada, talo bixiye, dhakhtarka cilmiga nafta iyo talo bixiye barashada iyo shaqooyinka?
  • Hoggaaminta maamulaha dugsiga, maamulaha dugsiga mowduucyadii buu lee yahay waa muhiim?
  • Hey’adda baaritaanka dugsiyada baaritaanki ugu dambeyay ey ku suubisay dugsiga maxa ku qoran?

Waa maxay dugsiga qaaska ah?

Carruurta curyaanimo darteed ama sababo kale aan dhigan karin dugsiga aasaasiga ama dugsiga aasaasiga ee ardeyda maskaxdooda gaabiso, waa in boos laga siiyaa dugsiga qaaska, hadii tusaale ahaan ay yihiin dhagool ama dhowr lixaad uu curyaan ka yahay. Waxbarashada si ku wanaagsan baa baahidooda loo waafajiyay.

Dugsiga qaaska wuxuu ka kooban yahay 10 fasal.

Yaa dhigta dugsiga qaaska ah?

Carruurta curyaanimo darteed ama sababo kale aan dhigan karin dugsiga aasaasiga ama dugsiga aasaasiga ee ardeyda maskaxdooda gaabiso waa in boos laga siiyaa dugsiga qaaska.

Sidee loo bixiyaa shahaadada?

Shahaado waxa la bixin laga bilaabo fasalka 7 oo dugsiga qaaska ah. Darajada shahaadada waa lix tilaabo A, B, C, D, E iyo F. A ilaa E waxey micnaheeda tahay waad ku baastay halka F micnaheedu yahay waad ku dhacday. Hadii ardeyga maqnaanshihiisu aad u badan yahay oo aan shahaado la siin kari maadaama aan la qiimeyn karin aqoonta ardeyga, waxa la siin xariijin (-) oo waraaqada shahaadada lagu qori. Dhammaadka xilliga dayrta waxa ardeyga la siin shahaada xilligaas, ta kama dambeysta ahna waxa la siin dhammaadk xilliga gu`ga.

Wada hadalka horumarinta ardeyga

Ugu yaraan halmar lixdii bilood waa inuu ardeyga, macallinka iyo ardeyga waalidkiisa isla kulmaan si ay uga wada hadlaan xaalada dugsigu sida ay tahay iyo siduu ardeygu ugu qanacsan yahay. Arrintaan baa waxa loogu magacaabaa wada hadalka horumarinta ardeyga. Wada hadalku waa inuu sawir balaaran ka bixiyaa horumarka aqoonta iyo ka xaga bulshada ee ardayga.

Wada hadalku waa inuu noqdaa mid ku saabsan sidii uu dugsigu u caawin lahaa ardeyga ee uu u dhiiri gelin lahaa horumarkiisa. Wada hadalka wuxu u yahay ardeyga iyo waalidka fursad ay wax ku saameeyn karaan oo ay mas’uul ka qaadi karaan ardeyga waxbarashadiisa.

Fasalada aan shahaadada la bixin ardeyga waxa la siin qoraalka qorsheynta horumarinta shaqsiga, oo waxa la qoraa hal mar sanad dugsiyeedkiiba. Qoraalka qorsheynta horumarinta shaqsiga waa in ay ku qornaadaan qiimeyn kaas oo qorshaha mustaqbalka quseeya.

Sharcigee lagu dhaqmaa?

Baarlamaanka iyo dowlada ayaa go’aamiya sharciyada iyo xeerarka guud. Degmada ama dugsiyada ka madax bannaan iyo maamulaha dugsiga baa mas’uul ka ah hawl maalmeedka joogtada ah.

Si loo maamulikaro hawl maalmeedka waxaa jira wax la dhaho dukumentiga maamulka oo dhowr tusaale lagu saa qaadanayo halkan:

Sharciga dugsiga
Sharciga dugsiga, ee uu dejiyo baarlamaanku, waxaa ku qoran go’aamada aasaasiga ee ku saabsan dugsiga aasaasiga iyo dugsiyada kale. Sharciga dugsiga wuxuu si isku mid ah u khuseeyaa dugsiyada madax bannaan iyo dugsiyada degmada.

Xeerar
Xeer waxa uu ka kooban yahay go`aamo ay dowladu go`amisay. Waxa jiro dhowr xeer oo quseeya dugsiga aasaasiga, tusaale ahaan xeerka dugsiga iyo xeerka in carruurta iyo ardeydu ka qeyb-qaataan qorsheynta howl maalmeedka iyo qorshaha in ardeyda isku si loo daryeelo, oo taasna caawineeyso shaqada ka hortagida arrinta midabtakoorka iyo arrimaha af’lagaadeenta.

Manhajka waxbarashada
Dhammaan manhajyada waxbarashada waxey kamid yihiin xeerarka. Manhajka waxbarashada bey ku qoran tahay dugsiga hadafkiisa iyo ujeedadiisu. Meeshaas bey ku qoran tahay xeerarka iyo qiimaha dadka, hadafka aqoonta iyo ardeydu waxyaabaha ay mas’uulka ka yihiin iyo waxyaabaha ey go’aamin karaan. Qeybahaan oo manhajka waxbarashada waxa soo go`aamisa dowlada. Manhajka waxbarashada waxa kale oo ku qoran qorshaha koorsooyinka iyo koorsada hadafkeeda, oo taasna dhigida maaddooyinku ka muuqaneyso. Qorshaha koorsooyinka waxey muujin sidey maaddadu u horumarin karto ardeyga, si uu u gaaro hadafka aqoonta sida ku qoran manhajka waxbarashada.

Dugsiga xilliga firaaqada waxa la tagaa markay xiisadaha dugsigu ey dhammaadan

Illustrerar fritidshem

Waa maxay dugsiga xilliga firaaqadu?

Dugsiga xilliga firaaqadu wuxu dhameystiraa dugsiga oo sanadka oo dhan wuu furan yahay. Dugsiga xilliga firaaqada ujeedadiisu waa in carruurtu ay helaan deegaan barbaarid wanaagsan leh, oo carruurta ka caawiya sidey waalidka ugu suurta geli lahayd in ay isku daraan waalidnimo iyo shaqo.

Degmooyinka ayaa mas’uul ka ah in ay ardeyda ku martiqaadaan dugsiga xilliga firaaqada ilaa ay ka gaaraayaan 13 sano, haddii waalidkood ay shaqeeyaan, wax bartaan amaba ay jirto baahi kale oo qoyska u gaar ah.

Degmadu waxa ay xataa u diyaarin kartaa carruurta 10 ilaa 13 jir ah goobo furan oo xilliga firaaqada ah.

Dugsiga xilliga firaaqadu waa waxbarasho koox ahaan oo quseeysa ardeyda 6 sano jirka ilaa gu`ga sanadka ay buuxinaayaan 13 sano. Ujeedaduna waa in uu dugsigu dhameystiro oo uu ardeyda siiyo wax wanaagsan oo ay waqtigooda firaaqada sameeyaan. Isla mar ahaantaana waa in dugsiga xilliga firaaqadu ahaadaa mid u suurta gelinaya waalidiinta in ay shaqo ama waxbarasho aadaan.

Dugsiga xilliga firaaqadu laba si ayuu u dhameystiri dugsiga:

  • Waqti ahaan inuu qaabili karo ardeyda maalintii marka aanay joogin dugsiga iyo waqtiyada fasaxa ah.
  • Aqoon ahaan in uu ardeyda siin karo khibrad iyo aqoon aan caadi ahaan laga helin dugsiga. Dugsiga iyo dugsiga xilliga firaaqadu waa in ay ka wada shaqeeyaan sidey ardeyga u siin lahaayeen horumar iyo waxbarasho dhameystiran.

Waxbarashadu waa in ay dhiiri gelisaa jaceylka uu ardeygu u hayo inuu wax barto. Waa in waxbarashadu ku salaysnaataa, oo la waafajiyaa xiisaha iyo waayo aragnimada ardeyga, iyada oo laga fekerayo in ay baahiyahoodu kala duwanaan karaan.

Dugsiga xilliga firaaqadu sanadka oo dhan wuu furan yahay. Sacaadaha maalintii uu furan yahay waxa la waafajin kuwa ay waalidku shaqeeyaan ama ay wax bartaan iyo baahida ardeyga.

Dugsiga xilliga firaaqadu badanaa wuxu la shaqeeyaa dugsiga. Wada shaqeynta waxey quseeyn kartaa shaqaalaha, qolalka iyo waxa la sameynayo.

Yaa dhigta dugsiga xilliga firaaqada?

Waa ku qasab degmooyinka in ay diyaariyaan waxbarashada dugsiga firaaqada oo ay ku marti qaadaan ardeyda laga bilaabo sanadka ay 6 sano gaaraan ilaa sanadka ardeygu buuxinaayo 13 sano, kuwaas oo ay waalidkood shaqeeyaan ama ay wax bartaan amaba uu ardeygu u qabo baahi gaar ah oo ay sababtay xaalada qoysku.

Degmooyinka waxa qasab ku ah in ay ku marti qaadaan waxbarashada dugsiga xilliga firaaqada ardeyda wixii ka bilaawda sanadka ay 6 sano gaaraan iyo ilaa sanadka ardeygu buuxinaayo 13 sano, oo waalidkood shaqeeyaan ama wax bartaan ama hadii ardeyga baahi qaas ah u qabo oo xaalada qoyska sideeda kale sabab u tahay.

Waxbarashada dugsiga xilliga firaaqada ah waxa ardeyga lagu martiqaadi isla marka la ogaado in uu ardeygu baahi u qabo. Waxbarashada waa in ardeyga laga siiyaa meel u dhow dugsiga ardeygu dhigto ilaa inta suurtagal ah.

Ardeyda jir ahaan, maskax ahaan ama sababo kale dartood u baahan kaalmo dheerad ah oo ku saabsan xaga horumarka waxabarashadooda, waa in lagu martiqaadaa waxbarashada dugsiga xilliga firaaqada.

Sharcigee lagu dhaqmaa dugsiga xilliga firaaqada?

Dugsiga xilliga firaaqada waxaa maamula sharciga dugsiga. Waxa intaa dheer in dugsiga xilliga firaaqada ah qeybo kamid ah manhajka waxbarashada ee dugsiga aasaasiga, fasalka ardeyda lix sano jirka ah iyo dugsiga xilliga firaaqada ah uu ku dhaqmaa. Dugsiga xilliga firaaqada oo ku yaal dugsiga qaaska ah waxey ku dhaqmaayaan manhajka waxbarashada oo dugsiga qaaska ah.

Qarashka

Qarash caqli gal ah ayey degmooyinku ka qaadayaan booska dugsiga xilliga firaaqada ah, Degmooyinka weey qaadan karaan qarash caqligal ah oo aad ka bixinayso booska dugsiga xilliga firaaqada. Dhammaan degmooyinka waxey isticmaalan nidaamka qarashka xadka leh. Qarashka xadka leh waxa looga jeedaa in xad loo yeelay inta ugu sareysa ee uu qarashka qoysaska kala duwan laga qaadayaa uu noqon karo.

Sharcigee lagu dhaqmaa?

Illustrerar vad som gäller för grundskola

Baarlamaanka iyo dowlada ayaa go’aamiya sharciyada iyo xeerarka guud. Degmada ama dugsiyada ka madax bannaan iyo maamulaha dugsiga ayaa mas’uul ka ah in hawl maalmeedka joogtada ah.

Si loo maamulikaro hawl maalmeedka waxaa jira wax la dhaho dukumentiga maamulka oo dhowr tusaale lagu saa qaadanayo halkan:

Sharciga dugsiga

Sharciga dugsiga, ee uu dejiyo baarlamaanku, waxaa ku qoran go’aamada aasaasiga ee ku saabsan dugsiga aasaasiga iyo dugsiyada kale. Sharciga dugsiga wuxuu si isku mid ah u khuseeyaa dugsiyada madax bannaan iyo dugsiyada degmada.

Xeerar

Xeer waxa uu ka kooban yahay go`aamo ay dowladu go`amisay. Waxa jiro dhowr xeer oo quseeya dugsiga aasaasiga, tusaale ahaan xeerka dugsiga iyo xeerka in carruurta iyo ardeydu ka qeyb-qaataan qorsheynta howl maalmeedka iyo qorshaha in ardeyda isku si loo daryeelo, oo taasna caawineeyso shaqada ka hortagida arrinta midabtakoorka iyo arrimaha af’lagaadeenta.

Manhajka waxbarashada

Dhammaan manhajyada waxbarashada waxey ka mid yihiin xeerarka. Manhajka waxbarashada ayey ku qoran tahay dugsiga hadafkiisa iyo sida loo gaarayo. Meeshaas ayey ku qoran tahay xeerarka iyo qiimaha dadka, hadafka aqoonta iyo ardeydu waxyaabaha ay mas’uulka ka yihiin iyo go`aamada ay ka qeyb geli karaan. Qeybahaan manhajka waxbarashada waxa soo go`aamisa dowlada. Manhajka waxbarashada waxa kale oo ku qoran qorshaha koorsooyinka iyo koorsada hadafkeeda, oo taasna dhigida maaddooyinku ka muuqaneyso. Qorshaha koorsooyinka waxey muujin sidey maaddadu u horumarin karto ardeyga, si uu u gaaro hadafka aqoonta sida ku qoran manhajka waxbarashada.

Senast uppdaterad 27 mars 2020