Fasalka dugsiga xannaanada, waxbarasho dugsi hoose-dhexe iyo guriga xilliga firaaqada

Carruuta u dhexeysa 6 iyo 16 sano.

Carruurta badankoodu waxay fasalka dugsiga xannaanada billaabaan marka ay yihiin lix sano jir. Fasalka dugsiga xannaanada ka dib waxaa billaabanaya dugsiga hoose-dhexe ee sagaalka sano soconaaya. Guriga xilliga firaaqadu wuxuu dhameystir u yahay fasalka dugsiga xannaanada iyo waxbarashada dugsiga hoose-dhexe, wuxuu ardayda siinayaa xilli firaaqo oo micne weyn leh inta ay waaliddiintu shaqeynayaan ama waxbaranayaan.

Carruuta deggan Iswiidhan waxaa waajib ku ah in ay iskool dhigtaan laga billaabo sanadka ay lix sano buuxinayaan. Markaas ayey carruurta badankoodu billaabaan fasalka dugsiga xannaanada. Fasalka dugsiga xannaanada ka dib waxay carruurtu billaabaan dugsi hoose-dhexe ama qaab iskooleed kale oo u dhigma. Sanad dugsiyeed kasta wuxuu u qeybsanyahay laba xilli dugsiyeed, mid deyrta ah iyo mid guga ah.

Iskoolladu waxay noqon karaan kuwa degmadu leedahay ama kuwa xor ah

Dugsiyada hoose-dhexe waxay noqon karaan kuwo degmada leedaha ama kuwa xor ah. Dugsiyada hoose-dhexe badankooda waxaa iska leh degmada, inta badanna carruurtu waxay dhigtaan iskoolka degmada ee gurigooda ugu dhaw.

Dugsi hoose-dhexe oo kasta wuxuu fursad u haysta in uu lahaado takhasusyo gooni ah, tusaale ahaan fasallo ingiriis ah, ama fasallo dhaqan- iyo isboorti ah.

Iskoollada xorta ah dhammaan wey u furanyihiin, waxa lagu dhigayana waa in ay u qalmaan waxa lagu bixiyo dugsiyada degmooyinka. Dugsiyada xorta ah waxaa leh cid kale (milkiile) oo aan degmada ahayn.

Fasalka dugsiga xannaanada

Dhammaan carruurtu waa in ay dhigata fasalka dugsiga xannaanada laga billaabo sanadka ay lix sano buuxinayaan laakin mararka qaarkood wuxuu ilmuhu billaabi karyaa isagoo jira shan sano ama toddoba sano. Fasalka dugsiga xannaanadu waa lacag la’aan, waxaana sanad dugsiyeedkiiba la dhigtaa 525 saacadood.

Waxa la dhigayo waa in ay dhiirri geliyaan horuumarka iyo waxbarashada ilmaha. Waa in sidoo kale ay u diyaariyaan waxbarasho sii wadasho. Ciyaar, wax abuurid iyo wax baarbaaris waa qeybo muhiim ah oo ka mid ah waxbarashada carruurta.

Hawlaha fasalka dugsig xannaanada

Waxbarashadu waa in ay ka duushaa aragti ah guud oo ay dhan walba ka aragto ardayga iyo baahidiisa. Fasalka dugsiga xannaanadu wuxuu sidoo kale u gol leeyahay in uu ilmaha siiyo fursad ah in uu horuumariyo xiriirradiisa saaxibbada kale iyo in uu dareemo ka mid ahaansho iyo kalsooni kooxda gudeheeda ah. Sidaas oo kale waa in waxbarashadu ay ardayga siisaa fursado ah horuumarinta kartiisa wada shaqyn iyadoo laga duulayo hab dhaqan dimuquraaddi ah oo naxariis kujirto

Waxbarashadu waxay ardayda fursad u siineysaa in ya horuumariyaan awooddooda ku aaddan in ay fikradahooda tijaabiyaan ayna hormariyaan, in ay dhibaatooyin xalliyaan iyo in ay fikradahooda wax qabad u beddelaan.

Fasalka dugsiga xannaanada waxay ardaydu ku baraneysaa in ay af ahaan iyo qoraal ahaan xiriir ku sameeyaan. Qaabab farshaxan oo kala duduwan ayey carruurtu ku baranaan in ay xiriir sameeyaan iyagoo tusaale ahaan kaashanaya jilitaan, qoob ka ciyaar, muusiko, sawir iyo qaabab kale. Waxyaabaha lagu dhigto fasalka dugsiga xannaanada waxaa ka mid ah adeegsiga erayada xisaabta ee micnaha weyn leh si dhibaato loo xalliyo iyo in la baarbaaro, lana sharraxo dhacdooyin iyo waxyaabo isku xiran oo xagga dabiicada ah ama meelo kale oo uu fasalka dugsiga xannaanadu booqanayo. Fasalka dugsiga xannaanadu wuxuu ardayda fursad u siinayaa in ay bii’o kala duwan dhaqdhaqaaqyo ku sameeyaan si ay markaas u fahmaan waxa saameynaya caafimaadka iyo wacnaashho ku noolaashada. Hawsha fasalka dugsiga xannaanadu waxay socon kartaa ugu badnaan 6 saacadood maalintiiba.

Waa degmooyinka cidda mas’uulka ka ah in ardayda lagu casuumo fasal dugsi xannaano. Fasalka dugsiga xannaanada ee ay leeyihiin iskoollada xorta ah waa wax beddel ahaan la dooran karo halki laga dhigan lahaa fasalka dugsiga xannaanada ee degmada.

Waxbarashada dugsiga hoose-dhexe

Illustrerar grundskoleutbildning

Waxbarashada dugsiga hoose-dhexe waxaa lagu bixin karaa qaabab kale oo iskool oo kala duduwan, marka laga reebo dugsiga hoose-dhexe, dugsiga hoose-dhexe ee carruurta xagga cagliga naafada ka ah, iskoolka gaarka ah, iskoolka saamaha ama waxbarashada qoobka ciyaarka ee diyaargareynta. Waxbarashada dugsiga hoose-dhexe waxaa xitaa qaabab kala duduwan loogu dhigi karaa waddanka dibaddiisa.

Hawlaha dugsiga hoose-dhexe

Dugsiga hoose-dhexe waa in uu ardayda siiyaa aqoon iyo in uu horuumariyo awooddooda ku aaddan in ay si madax bannaan aqoon u raadsadaan. Waxbarashada dugsiga hoose-dhexe waa in ay ardayda aqoon siisaa iyo in ay gacan ka geysato horuumarka qof ahaaneed ee ardayda. Waa in ay ardayda u diyirsaa doorasho nololeed oo firfircoon, xoojisaa xiriirro dhinac walba leh iyo wadajir bulshonimo, ayna siisaa aasaas wanaagsan oo lagu gaari karo si firfircoon uga qeyb qaadashada nolosha bulshada. Dugsiga hoose-dhexe waa in uu ardayga u sameeyaa aasaas wanaagsan oo uu waxbarasho ku sii wadan karyo.

Qorshaha waqtiga ee dugsiga hoose-dhexe iyo manhajka waxbarashada

Qorshaha waqtiga ee iskoolka waxaa ku qeexan maaddooyinka waxbarashada ku jira iyo sida loogu qeybinayo sanad dugsiyeedyada kala duduwan ee sanadka. Ardayda dhigata dugsiga hoose-dhexe waxay xaq u leeyihiin tiro saacado ah oo wax loo dhigayo oo damaanad qaadan. Sanad dugsiyeed kasta wuxuu u qeybsanyahay laba xilli dugsiyeedyo, mid deryta ah iyo mid guga ah.

Ardayda dhigata dugsiga hoose-dhexe waxay dhiganeysaa iswiidhish ama iswiidhihska luqad labaad ahaan ah, xisaab, ingiriis, maaddooyin farshaxan-gacan ka qabad ah, farsamo, maaddooyinka cilmiga bulshada, maddooyinka sayniska, afka hooyo iyo luqadaha casriga ah.

Maaddo kasta ee iskoolka lagu dhigu waxay leedahay manhaj waxbarasho. Wuxuu manhajku tilmaamayaa ula jeeddada laga leeyahay wax barashada iyo aqoonta ilmahaaga la siiyo si uu maaddada ugu horumarro.

Waxa iskoolka la qabanayo waa in uu waafaqsanyahay qiyamka bulshada ee dimuquraadiyadda, dhammaan dadka iskoolka ka shaqeynayana waa in ay ixtiraamaan isku qiime ahaanta bani’aadanka iyo deegaankeenna. Dhammaan ardaydu waa in ay dareemaan kalsooni iyo in la ixtiraamayo, waana in iskoolka lagu siiyaa duruufo isku mid ah.

Qiimeynta iyo waxbarashada dugsiga hoose-dhexe

Iskoolka waxaa ardayda lagu siinayaa macluumaad joogto ah oo ku aaddan waxa ay tahay in uu barto ama ay barato marka loo eego hadafka laga leeyahay waxa la dhigayo. Macallinka, ardayga naftirkiisa iyo ardayda kale wey ku war celin karaan ardayga taas oo gacan ka geysaneysa in ardaygu uu waxbarashada horay ugu sii socda. Macallinka iyo ardaygu sidoo kale waxay ka wada hadlayaan sida ay tahay in uu ardaygu wax u sameeyo si uu waxbarashadiisa horay ugu sii socdo iyadoo laga duulayo qiimeynta waxa uu ardaygu u baahanyahay iyo waxa uu horbaba yaqaanno. Waxaa muhiim ah in ardayga naftirkiisu uu faham u yeesho waxbarashadiisa iyo baahidiisa horuumarid.

Wadahadalka horumarka ardayga ee dugsiga hoose-dhexe
Ugu yaraan hal jeer xilli dugsiyeed kasta waa in ardayga, macallinka iyo waaliddiintu ay kulmaan si ay isula eegaan sida uu iskoolku ugu socdo iyo sida uu ardaygu ugu qanacsanyahay. Waxaa taas loogu yeeraa wadahadalka horuumarka ardayga. Wadahadalku wuxuu sawir ka bixin karyaa horuumarka aqooneed ee ardayga iyo horuumarka bulshaynimo.

Inta wadahadalku socdo waa in laga hadlaa sida uu iskoolku u taageeri karyo, una dhiirri gelin karyo horuumarka ardayga iyo waxbarashadiisa. Wadahadalku wuxuu ardayga iyo waalidka siinayaa fursad ah in ay saameyn ku yeeshaan, qaataanna mas’uuliyaddooda ku aaddan iskool dhigashada ardayga. Halkan waxaa tusaale ahaan leesla soo qaadaa baahida laga yaabo in uu ardaygu u qabyo in sii dheeraad waxbarashada loo waafajiyo baahidiisa iyo in taageero gaar ah la siiyo.

Sanad dugsiyeedyada aan shahaaddo la bixin waa in la bixiyaa qiimeyn qof ahaaneed oo qoraal ah oo la qoraayo hal jeer sanadkiiba. Qorshaha qof ahaaneed ee horuumar waa in uu ka koobnaadaa qiimeyn qoraal ah iyo qorshe ku aaddan horay u sii socoshada ardayga ee iskoolka.

Shahaaddo iyo buundo saaridda dugsiga hoose-dhexe

Dhammaadka xilli dugsiyeed kasta laga billaabo fasalka 6 waxay ardaydu shahaaddo ku helayaan maaddooyinka waxbarashooda ku jira. Shahaaddada ugu dambeysa waxaa loo saarayaa marka uu fasalka 9 dhamaanayo maxaa yeelay markaas ardaygu wuu dhameynayaa dugsiga hoose-dhexe. Shahaaddada ugu dambeysa ayuu codsanayaa in uu ku galo dugsi sare.

Derejooyinka shahaaddadu waxay leedahay jaranjarooyin ah: A – F. A-E waxay u taaganyihiin baasitaan, F-na waxay u taagantahay dhicitaan. Xarriijin ayaa shahaaddada la saarayaa haddii ardayga maqnaashadiisu ay aad u badneydd oo uusan macallinku shahaaddo saari karin.

Dugsiga hoose-dhex ee carruurta baahiyaha gaarka ah qaba

Dugsiga hoose-dhexe ee carruurta baahiyaha gaarka ah qaba waxaa loogu tala galay carruurta u dhexeysa 7 iyo 16 jir ee qaba jiha wareer xagga horuumarka ah/ naafanimo ama maskaxda ka dhaawacmay. Dugsiga hooose-dhexe ee carruurta caqliga dhiman waxaa la waafajiyaa arday kasta duruufihiisa iyo baahidiisa. Waxbarashadu waa in ay ardayda aqoon siisaa, gacanna ka geysataa horuumarkooda, wadajirnimadooda bulshonimo, una sameysaa aasaas wanaagsan oo gaarsiisa in ay si firfircoon bulshada wax ula qeybsadaan.

Waxa lagu qabto dugsiga hoose-dhexe ee carruurta caqliga dhiman

Dugsiga hoose-dhexe ee carruurta caqliga dhiman waxaa ku jira waxbarasho ku aaddan maaddooyin ama aagag maaddoonka ama wax kuwaas laga soo qaatay oo leesu geeyay. Waxbarashada waxaa sidoo kale ku jiri karaa maaddooyin ku saleysan manhajyada waxbarashada eed dugsiga hoose-dhexe. Waxbarashadu waa in ay tusaale ahaan ardayga siisaa aqoon iyo qiyam, gacan ka geysataa horuumar shakhsi ahaaneed, wadajir bulshonimo iyo in ay u dhigto aasaas fiican oo uu ardaygu bulshada wax kula wadaago.

Ardayda dhigata dugsiga hoose-dhexe ee carruurta caqliga dhiman, una baahan in ay aadaan guriga xilliga firaaqada waxay boos ka codsanayaa guriga xilliga firaaqada ee dugsiga hoose-dhexe ama iskoolka gaarka ah. Wax dheeraad ah ka akhriso cutubka ku saabsan guriga xilliga firaaqada ee hoos ku qoran.

Qorshaha waqtiga ee dugsiga hoose-dhexe ee carruurta maanta doorsoon iyo manhajka waxbarashada

Qorshaha waqtiga ee iskoolka waxaa ku qeexan maaddooyinka waxbarashada ku jira iyo sida loogu qeybinayo sanad dugsiyeedyada kala duduwan ee sanadka. Ardayda dhigata dugsiga hoose-dhexe ee carruurta caqliga dhiman waxay xaq u leeyihiin tiro saacado ah oo wax loo dhigayo oo damaanad qaadan. Sanad dugsiyeed kasta wuxuu u qeybsanyahay laba xilli dugsiyeedyo, mid deryta ah iyo mid guga ah.

Ardayda dhigata dugsiga hoose-dhexe waxay dhigtaan maaddooyin ama aagag maaddooyin. Maaddooyinka ku jira waa iswiidhish ama iswiidhihska luqad labaad ahaan ah, xisaab, ingiriis, maaddooyin farshaxan-gacan ka qabad ah, farsamo, maaddooyinka cilmiga bulshada, maddooyinka sayniska. Kuwa aan awoodi karin in ay maaddooyinkaas dhigtaa waxay dhigan karaan aagagga ee dhaqdhaqaaqa maalinlaha ah iyo fahamka xaqiiqada nolosha.

Maaddo kasta ee iskoolka lagu dhigu waxay leedahay manhaj waxbarasho. Wuxuu manhajku tilmaamayaa ula jeeddada laga leeyahay wax barashada iyo aqoonta ilmaha la siiyo si uu maaddada ugu hor maro.

Waxa iskoolka la qabanayo waa in ay waafaqsanyihiin qiyamka bulshada ee dimuquraadiyadda, dhammaan dadka iskoolka ka shaqeynayana waa in ay ixtiraamaan isku qiime ahaanta bani’aadanka iyo deegaanka . Dhammaan ardaydu waa in ay dareemaan kalsooni iyo in la ixtiraamayo, waana in iskoolka lagu siiyaa duruufo isku mid ah.

Qiimeynta iyo waxbarashada dugsiga hoose-dhexe ee carruurta caqliga dhiman

Iskoolka waxaa ardayda lagu siinayaa macluumaad joogto ah oo ku aaddan waxa ay tahay in uu barto ama ay barato marka loo eego hadafka laga leeyahay waxa la dhigayo. Macallinka, ardayga naftirkiisa iyo ardayda kale wey ku war celin karaan ardayga taas oo gacan ka geysaneysa in ardaygu uu waxbarashada horay ugu sii socda. Macallinka iyo ardaygu sidoo kale waxay ka wada hadlayaan sida ay tahay in uu ardaygu wax u sameeyo si uu waxbarashadiisa horay ugu sii socdo iyadoo laga duulayo qiimeynta waxa uu ardaygu u baahanyahay iyo waxa uu horbaba uyaqaanay. Waxaa muhiim ah in ardayga naftirkiisu uu faham u yeesho waxbarashadiisa iyo baahidiisa horuumarid.

Wadahadalka horuumarka ardayga ee dugsiga hoose-dhexe ee carruurta caqliga dhiman

Ugu yaraan hal jeer xilli dugsiyeed kasta waa in ardayga, macallinka iyo waaliddiintu ay kulmaan si ay isula eegaan sida uu iskoolku ugu socdo iyo sida uu ardaygu ugu qanacsanyahay. Waxaa taas loogu yeeraa wadahadalka horuumarka ardayga. Wadahadalku wuxuu sawir ka bixin karyaa horuumarka aqooneed ee ardayga iyo horuumarka bulshaynimo.

Inta wadahadalku socdo waa in laga hadlaa sida uu iskoolku u taageeri karyo, una dhiirri gelin karyo horuumarka ardayga iyo waxbarashadiisa. Wadahadalku wuxuu ardayga iyo waalidka siinayaa fursad ah in ay saameyn ku yeeshaan, qaataanna mas’uuliyaddooda ku aaddan iskool dhigashada ardayga.

Marka la yeelanayo wadahadalka horuumarka ardayga waa in ardayda dhigata fasallada 1-5 goonidooda loogu qoraa qorshe shakhsi ahaaneed oo horuumarid ardayda dhigata fasallada 1-5, ardayda dhigata fasallada 6-9 ee aan shahaaddo qaadanena goonidooda loogu qoraa. Qorshaha horuumarid ee qof ahaaneed waa in uu ka koobnaadaa qiimeyn iyo qorshe ku jeeda mustaqbalka.

Shahaaddo iyo buundo saaridda dugsiga hoose-dhexe ee carruurta caqliga dhiman

Dugsiga hoose-dhexe ee carruurta caqliga dhima waxaa maaddooyinka shahaaddo loo saaraa oo keliya haddii ay taas dalbadaan waalidka iyo ardaygu. Taasi ma khuseyso maaddooyinka aagaaga aan shahaaddo lagu bixin. Derejooyinka shahaaddadu waxay leedahay jaranjarooyin ah: A – F. A waa waxa ugu sarreeya ee lagu baaso, E-na waa waxa ugu hooseeya ee lagu baaso. Haddii ardaygu uusan gaarin inta layska rabo buundada E wax shahaadoo ah lama siinayo

Guriga xilliga firaaqada

Illustrerar fritidshem

Guriga xilliga firaaqada waxaa loogu tala galay ardayda u dhexeysa lix iyo 13 sano. Wuxuu furanyahay waqtiga iskoolka ka hor iyo ka dib iyo fasaxyada iskoolka marka ay waaliddiintu shaqeeyaan ama waxbartaan.

Guriga xilliga firaaqadu wuxuu dhameystir u yahay fasalka dugsiga xannaanada iyo iskoolka ilaa iyo fasalka lixaad. Ulajeeddada laga leeyahay guriga xilliga firaaqadu waa in uu dhiirri geliyaa horuumarka ardayda iyo waxbarashadooda iyo in uu siiyo waqti firaaqo oo micno fiican leh. Isla mar ahaantaasna wuxuu guriga xilliga firaaqadu u suurta gelinayaa waaliddiinta in ay waalid ahaadaan shaqadoodana qabsadaan.

Hawlaha wax qabadka ee guriga xilliga firaaqada

Guriga xilliga firaaqadu laba si ayuu dhameystir ugu yahay iskoolka:

  • Isagoo qaabilaya ardayda inta maalintii ah ee aan iskoolka la joogin iyo inta fasaxyada lagu jiro.
  • Iasagoo ardayda qeyb ahaan siinaya khibrado iyo aqoon aysan iskoolka ku heli karin.

Fasalka dugsiga xannaanada, iskoolka iyo guriga xilliga firaaqadu waxay si wada jir ah gacan uga geysanayaan in uu ardaygu helo horuumar iyo waxbarasho dhan walba leh. Waxbarashadu waa in ay ahaataa mid ku la socota rabitaanka ardayda ee wax barashada, waana in ay ka duushaa baahida, danta iyo khibradaha ardayga. Waxa la qabanayo waa in la waafajiyaa duruufaha kala duduwan ee ardayda.

Guriga xilliga firaaqada wuxuu furanyahay sanadka oo dhan marka laga reebo ciidaha waaweyn ee iswiidhishka iyo sabti-axad. Ardaydu waxay fursad u haystaan in in maalinti halkaas joogaan waqtiga iskoolka ka hor iyo ka dib, waxaana la waafajinayaa waaliddiinta shaqadooda iyo waxbarashadooda iyo baahida ardayda.

Guriga xilliga firaaqada wuxuu badanaa la abaabulanyahay iskoolka. La abaabulnaantu waxay khuseyn kartaa shaqaalaha, maqsinnada iyo hawlaha waxbaridda.

Xagga ardayda da’doodu u dhexeyso 10 illa iyo 13 sano waxay degmadu xitaa u furi kartaa goobo la tago xilliga firaaqada. Meelaha xilliga firaaqada ee furan waa hawlo waxbarid oo koox ahaaneed oo loogu tala galay ardayda dhigata fasalka 4 - 6. Meelaha xilliga firaaqada ee furan maaha khasab in la tago, waana in ay hawlo waxbarid ku dhameystiraan waxbarashada dugsiga hoose-dhexe iyo qaab iskool oo u dhigma. Waxqabadyada kuma jiraan xannaano iyo ka warheyn la mid ah sida kuwa guriga firaaqada ee waxay bixisaa hawlo dhaqdhaqaaq oo waafaqsan hadba kooxda da’aaddeeda.

Yaa aada guriga xilliga firaaqada?

Degmada waxaa waajib ku ah in ay waxbarasho ku siiso guriga xilliga firaaqada laga billaabo xillid dugsiyeedka guga ee u ilmuhu 6 sano buuxinayo ilaa iyo inta uu ardaygu 13 sano ka gaarayo haddii ay waaliddiintu shaqeynayaan ama wax bartaan, ama uu ardaygu u baahanyahay sabab la xiriirta xaaladda qoyska.

Waxbarashada guriga xilliga firaaqda waxaa leesi siinayaa sida ugu dhakhsi badan ee uu ardaygu ugu baahanyahay boos nuucaas ah. Waxbarashada waxaa leeska siinayaa meel u dhaw iskoolka uu ilmuhu dhigto. Ardayda sabab jir ahaaneed, maskax ahaaneed ama sabab kale ugu baahan taageero gaar ah oo xagga horuumarka ah waa in waxbarasho lagu siiyaa guriga xilliga firaaqada.

Kharrashaad

Degmooyinku kharash macquul ah ayey ku qaadan karaan xannaanada waxbaridda. Maanta waxay dhammaan degmooyinka oo dhan adeegsadaan nidaam la dhaho maxtaxa oo loogu tala galay xannaanada carruurta. Maxtaxan wuxuu ka dhiganyahay xad sare oo aan ka badan qoysaska laga qaadi karin, waxaan lagu saleeyaa dakhliga waaliddiinta. Maxtaxan wey khuseysaa xitaa xannaanada waxbaridda, kuwa ay degmadu leedahay iyo kuwa gaarka loo leeyahay labadaba.

Iskool gaar ah

Iskool gaar ah waxaa loogu tala galay ardayda dhegaha, indhaha la’, kuwa qaba doorsoomid xagga luqadda ah iyo ama doorsoomido badan oo leesku daray. Wax barashada waxaa la waafajinayaa baahid iyo fursadha ardayga. Waxbarashadu waxay inta badan u dhigantaa waxbarashada lagu bixiyo dugsi hoose-dhexe. Iskoolka gaarka ah wuxuu ka koobanyahay 10 sanad dugsiyeed.

Waxaa jira toban iskool oo gaar ah waddanka oo dhan oo leh takhasusyo kala dudwan. Iskoolladaas kala duduwan waxaa loogu tal galay:

  • Ardayda dhegaha la’
  • Ardayda luqada ka arbushan
  • Ardayda indhaha la’ iyo kuwan intaas ka badan qaba iyo
  • Ardayda dhagoolka ah, qabana jiha wareer xagga korriinshada iyo ardayda dhagoolnimada ku dhalatay.

Sidee loo dalban karaa iskoolka gaarka ah

Dalabka waxa loo dirayaa hey’adda waxbarista gaarka ah (SPSM) taasoo go’aan ka gaaraysa in ardayga lagu qorayo iskoolka gaarka ah.

Qaabka loo dalbanayo iskoolka iyo warbixin dheeri ah oo ku saabsan hey’adda SPSM waxaad ka heleysaa cinwaanka hoose.

Dalabka iskoolka gaarka ah ee fasallada 1-10 waxa laga sammeyn karaa bogga internetka ee hey’adda iskoolaadka gaarka ah.

https://www.spsm.se/skolalternativ/undervisning-i-specialskola/ansokan-till-specialskola/external link

Qiimmeynta iyo habka wax baridda ee iskoolka gaarka ah

Inta uu ardaygu dhiganayo iskoolka waxa si aan kala go laheyn loo siinayaa warbixin ku saabsan waxa uu amma bartay/baratay iyadoo lala xiriirinayo yoolka waxbarashada

Macalinka, ardayga iyo ardayda kale ayaa isa siinaya talocelin u saamixi karta ardayda sare u qaadid waxbarasho. Macalinka iyo ardayga waxay ka wada hadlayaan sida uu ardaygu ugu hormari lahaa waxbarashdiisa iyadoo la qiimmeynayo waxa ardaygu u baahan yahay iyo waxa uu hore u yiqiiney. Waxa kale oo muhiim ah in ardaygu fahamsanyahay habka uu wax u baran karo iyo baahida horukaciisa.

Kulanka horukaca ardayga ee iskoolka gaarka ah

Ugu yaraan hal mar xilli dugsiyeed kasta waxa macalinka, ardayga iyo waalidku ay kulmayaan si ay iskula eegaan sida ardayga waxbarashiisu u socoto iyo ku qanacsanaanta ardaygu ku qanacsan yahay iskoolka. Waxa lagu magacaabaa kulanka horumarka ardayga. Kulanka waxa lagu sharaxayaa horumarka waxbarasho iyo kan bulsho ee ardayga iyadoo la eegayo manhajka, qorshaha waxbarashada iyo shuruudaha aqoonta. Kulanka waxa looga hadlayaa sida iskoolku u caawin karo una gaagixin karo horumarka ardayga iyo waxbarashadiisa. Kulanka wuxuu ardayga iyo waalidka/mas’uulka siinayaa fursad ay saammeyn ugu yeeshaan una qaataan mas’uuliyadda iskool dhigashada ardayga. Kulanka waxa kale oo lagu soo qaadayaa baahiyaha kale ee ardayga sida is waafajinta iyo taageerada gaarka ah. Sannad dugsiyeedyada aan ardayda la siin shahaaddo waxa bedelkeeda uu ardayga sannadkiiba mar la siin doonaa qiimmeyn qoraal ah oo qorshe waxbarasho ah. Qorshe shaqsiyeedka horumarka waxa uu ka koobnaan doonaa qiimmeyn qoraal ah iyo qorshe ku saabsan waxa iskoolka,ardayga iyo waalidka/Mas’uulka ay sammeyn karaan si ardaygu horukac u sammeeyo sida ugu fog ee suurtagalka ah.

Shahaaddada iyo shahaaddo saarista iskoolka gaarka ah

Iskoolka gaarka ah waxa shahaaddo la bixiyaa dhammaadka fasalka 7. Shahaaddadu waxay leedahay lix derejo oo ka billowda A illaa Ftaasoo F u taagantahay natiijo aan aqbal aheyn.

Dhamaadka fasalka 10naad ayaa la bixiyaa shahaaddo dhammeystiran.

Senast uppdaterad 30 juni 2020