Dugsiga hoose-dhex ee carruurta baahida gaarka ah leh

Somaliska (SOM)

Dugsiga hoose-dhexe ee carruurta baahida gaarka ah leh waxa loogu talogalay carruurta u dhexeysa 7 iyo 16 sano jir ee qaba naafanimo garaadka ama dhaawac maskaxdu ku dhacay.

Två elever vid en dator.

Dugsyada waxay noqon karaan kuwa degmadu leedahay ama kuwa xor ah

Dugsiyada hoose-dhexe waxay noqon karaan kuwo degmada leedaha ama kuwa xor ah. Dugsiyada hoose-dhexe badankooda waxa iska leh degmada, waxaana badiyaa caadi ah inay carruurtu dhigtaan dugsi degmadu leedahay oo gurigooda ugu dhaw.

Dugsi hoose-dhexe oo kasta waxa uu fursad u haysta in uu lahaado takhasusyo gooni ah, tusaale ahaan fasallo ingiriis ah, ama fasallo dhaqanka- iyo isboortiga ah.

Dugsiyada xorta ah ayaa cid kastaa loo ogol yahay iyadoo waxbarashadooduna ay u qalanto tan laga bixiyo dugsiyada degmada. Dugsiyada xorta ah ayaa leh milkiile kale oo degmada aheyn.

Dugsiga hoose-dhex ee carruurta baahida gaarka ah leh

Dugsiga hoose-dhexe ee carruurta baahida gaarka ah leh waxa loogu talogalay carruurta u dhexeysa 7 iyo 16 sano jir ee qaba naafanimo garaadka ama dhaawac maskaxdu ku dhacay. Dugsiga hooose-dhexe ee carruurta baahida gaarka ah leh waxa la waafajiyaa arday kasta duruufihiisa iyo baahidiisa. Waxbarashadu waa in ay ardayda siisaa aqoon oo ay gacanna ka geysataa horuumarkooda, dhexgalka bulshada oo ayna keentaa aasaas wanaagsan oo gaarsiisa in ay si firfircoon bulshada wax ula qeybsadaan.

Waxa lagu qabto dugsiga hoose-dhexe ee carruurta baahida gaarka ah leh

Dugsiga hoose-dhexe ee carruurta baahida gaarka ah leh waxa ku jira waxbarasho ku aaddan maaddooyin ama qaybta maaddoonka ama kuwaas oo la isku dhafay. Waxbarashada ayaa sidoo kale ku jiri karta maaddooyin ku saleysan manhajyada waxbarashada ee dugsiga hoose-dhexe. Waxyaabaha ay waxbarashadu ay tusaale ahaan ardayga siinayso waxa kamid ah aqoon iyo macne/miisaan, gacan ka geysato horumarka shakhsi ahaaneed, dhexgalka bulsho iyo in ay u dhigto aasaas fiican oo uu ardaygu bulshada wax kula wadaago.

Ardayda dhigata dugsiga hoose-dhexe ee carruurta baahida gaarka ah leh ee una baahan in ay guriga xilliga firaaqada aadaan waxay boos ka codsanayaa guriga xilliga firaaqada ee dugsiga hoose-dhexe ama dugsiga gaarka ah. Wax dheeraad ah ka akhriso cutubka ku saabsan guriga xilliga firaaqada ee hoos ku qoran.

Qorshaha waqtiga iyo manhajka waxbarashada ee dugsiga hoose-dhexe ee carruurta baahida gaarka ah leh

Qorshaha waqtiga ee dugsiga waxa ku qeexan maaddooyinka waxbarashada ku jira iyo sida loogu kala qeybinaayo sanad fasalada kala duduwan. Ardayda dhigata dugsiga hoose-dhexe ee carruurta baahida gaarka ah leh waxay xaq u leeyihiin tiro saacado wax loo dhigaayo oo la damaanad qaaday.

Ardayda dhigata dugsiga hoose ee carruurta baahida gaarka ah leh waxay dhigtaan maadooyin ama qaybta maadadda. Maaddooyinka ku jira waa Iswiidhish ama Iswiidhihska oo luqad labaad ahaan ah, Xisaab, Ingiriis, maaddooyin farshaxan-gacan laga qabto ah, farsamada, maaddooyinka cilmiga bulshada, maddooyinka sayniska. Kuwa aan awoodin in ay maaddooyinkaas dhigtaa waxay dhigan karaan qaybta maadadda, waxqabadka maalinlaha ah iyo fahamka xaqiiqada.

Waxay maado kasta oo dugsigu leedahay manhaj waxbarasho. Waxa uu manhajku qeexayaa ula jeeddada laga leeyahay waxbarashada iyo aqoonta ilmahaaga la siiyo si uu maaddada ugu horumarro.

Waxqabadka dugsigu waa inuu waafaqsanyahay qiyamka dimuquraadiyadda ee bulshada, dhammaan dadka dugsiga ka shaqeynayana waa inuu ixtiraamaa qiimeha qof kasta iyo deegaankeenna. Dhammaan ardaydu waa in ay dareemaan kalsooni iyo in la ixtiraamayo, waana in shuruudo/duruufo isku mid ah dugsiga lagu siiyaa.

Qiimeynta iyo waxbarashada dugsiga hoose-dhexe ee carruurta baahida gaarka ah leh

Waxa dugsiga ardayda lagu siinayaa macluumaad joogto ah oo ku saabsan waxa ay tahay inuu isagu ama iyadu barato marka loo eego hadafka laga leeyahay waxa la dhigayo.

Macalinka, ardayga laftiisa iyo ardayda kale ayaa jawaab celin kiin kara taas oo ardayga u saamixi karta sare u qaadida waxbarashadooda. Macalinka iyo ardayga ayaa sidoo kale ka wada hadlaya sida uu ardaygu ugu hormari lahaa waxbarashdiisa iyadoo ku saleysan qiimeyn lagu sameeyey waxa ardaygu u baahan yahay iyo waxa uu hore u yiqiiney. Waxa muhiim ah in ardayga laftiisu uu fahmo waxbarashadiisa iyo baahida horumarka.

Wadahadalka horumarka ardayga ee dugsiga hoose-dhexe ee carruurta baahida gaarka ah leh

Ugu yaraan hal mar xilli dugsiyeed kasta waa in ardeyga, macalinka, iyo daryeelaha/masuulku ay kulmaan si ay iskula eegaan sida ardayga waxbarashiisu u socoto iyo ku qanacsanaanta ardaygu dugsiga ku qanacsan yahay. Waxa loo yaqaanaa wadahadalka horumarka ardayga. Wadahadalku waa inuu bixiyaa sawir dhinacyo badan leh oo horuumarka aqooneed ee ardayga iyo horuumarka bulshada ah.

Inta uu wadahadalku socdo waa in laga hadlaa sida uu dugsigu u taageeri karo oo uu una dhiirri gelin karo horumarka ardayga. Wadahadalku waxa uu ardayga iyo daryeelaha/masuulka siinayaa fursad ay ku saameeyaan.

Marka uu wadahadalka horumarka socdo waa in qorshe horumar oo shakhsi ahaaneed loo sameeyaa qeyb ahaan ardayda dhigata fasallada 1-5 iyo qeyb ahaan ardayda fasallada 6-9 aan shahaaddo heli doonin. Qorshaha horumarid ee shakhsi ahaaneed waa in uu ka koobnaado qiimeyn iyo qorshe ku wajahan mustaqbalka.

Shahaaddo iyo darajo siinta dugsiga hoose-dhexe ee carruurta baahida gaarka ah leh

Dugsiga hoose-dhexe ee carruurta baahida gaarka ah leh ayaa maaddooyinka darajo la siinayaa keliya haddii ay taas dalbadaan waalidka iyo ardaygu uun. Taasi ma khuseyso qaybta maaddooyinka halkaas oo aan darajo la siineynin. Derejooyinka shahaaddadu waxay leedahay shan jaraanjaro: A, B, C, D iyo E. A ayaa ah darajada ugu sarreeya iyadoo ay E-na tahay waa darajada ugu hooseysa ee lagu baaso. Haddii ardaygu aanu gaarin inta layska rabo darajada E ayaan wax darajo ah la siin doonin.

Senast uppdaterad 11 april 2022