Iskuulka iyo waxbarashada Sweden

Iskuullada Sweden waxa loogu tala galay dhamaan caruurta ku nool Sweden. Waa inuu amaan leeyahay isla markaana yahay goob deggen si ay dadkoo dhami mabsuud ugu noqdaan. Qeybtani waxey ka hadleysaa sida ay Sweden u shaqeeyaan dugsiyada xanaanada, kuwa hoose/dhexe iyo dugsiyada sare.

Första tiden i skolan

Waxbarashada ayaa ardayga siineysa aqoon iyo rabitaan si wax badan uga barto nolosha. Ardayga ayaa macalinka ka heleyo hagid iyo baraarujin si uu u buuxiyo shuruudaha aqoonta ee waxbarashada. Arday kasta ayaa laga filayaa inuu sameeyo horumar intii macquula iyadoo loo eegayo hadafka iyo shuruurdaha, tani ayaa sidoo kale quseysa ardayda ay u sahlan tahay iney wax bartaan isla markaana deg dega u buuxiya hadafka aqoonta marka loo eego ardayda kale.

Waxbarashada ayaa ku dhisan dimuqraadiyad iyadoo la ixtiraamayo xuquuqda baniaadanka asaasna looga dhigayo dimuqraadiyad. Ardayda oo dhan ayaa xaq u leh waxbarasho wanaagsan oo isku mida iyadoon loo eegin jinsi, aragtida nolosha, naafada, ciduu u galmoodo, qowmiyada qofku ka soo jeedo, diinta, dada ama meesha qofku kaga nool yahay Sweden. Iskuulka ayey ardayda oo dhami muhim u yihiin iyadoo iskuulku mar walba ka fekero waxa u wanaagsan ardayga marka la qorsheynayo howlaha iskuulka. Caruurta, ardayda iyo dadka waaweyn ayaa wadajir u shaqeynaya kana heshiinaya qaanuunka noo dhaxeeya si loo helo beyad shaqo oo wanaagsan.

Waxbarashada waa in lagu saleeyaa baahida arday kasta si ay fursad ugu helaan iney wax badan ka bartaan iskuulka. Ardaydda ku hadasha af kale ee aan aheyn afka iswiidhishka waxey xaq u yeelan karaan iney cashar ku helaan afkooda hooyo iyo hagid kalkaaliye waxbarasho oo ku hadla afkooda hooyo ama luqada ugu wanaagsan ee kuhaboon waxbarasho.

Qof walba boos ayuu ka helayaa iskuulka

Degmada aad ku nooshahay ayaa kugu wargelineysa iskuulada ka jira degmada. Waxaad codsan kartaa iskuulka aad dooneyso inuu ilmahaagu dhigto. Boggaan internetka ayaa ka arki kartaa iskuulada ku dhow degaanka aad ku nooshahay adigoo is barbar dhigi kara iskuulada kala duwan. Waxaad kalood halkan ka akhrisan kartaa sida ardayda iskuulka loogu meeleeyo ama waxad taa weydiin kartaa degmada aad ku nooshahay. Iskuulada oo dhami waa lacag laaan.

Haddii reerkaagu ku cusub yahay Sweden

Ardayda ku cusub Sweden, wuxuu iskuulku sameeyaa daraasad ku saabsan waxbarashadii horr uu ilmahaasi hore u soo dhigtay, aqoontiisa, waaya aragnimadiisa iyo waxa u xiiseeyo. Baaritaanka ayuu turjubaani ka qeyb qaadan karaa, turjubaankuna waa dhex dhexaad oo saameyna kuma laha qiimeynta. Haddii ilmahaagu ka weyn yahay todoba sano waxa qiimeynta loo fulin doonaa sida ugu dhakhsaha badan leh. Haddii ilmahaagu jiro todoba sano isla markaana bilaabay iskuulka ugu danbeynta tarmiinka deyrta sanadka ilmuhu buuxiyey todoba sano, markaa maamulaha iskuulka ayaa goaan ka gaari doono sanad dugsiyeedka iyo fasalka ilmahaagu lagu darayo.

Iskuulka ayaa doonayo inuu kula shaqeeyo

Adiga ah waalidka ama ah masuulka sharciyeed ee caruurta waaxay masuuliyad kaa saaran tahay in ilmahaagu tago iskuulka. Iskuulka ayaa kugu wargelin doono meesha ay mareyso waxbarashada ilmahaaga isla markaana kulan kuugu yeeri doono si aad ula kulanto macalimiinta iyo masuuliyiinta kale ee sharciyeed. Waxa muhima inaad qaadato warbixinta aad hesho isla markaana ka qeyb qaadato kulamada. Waxaa mar kastaa jooga macalin iskuulka oo masuul ka ah ilmahaaga. La xiriir macalinka ilmahaaga haddii aad suaalo qabto.

Casharada iyo maalmaha iskuulka

Utbildning första tiden i skolan

Ardayda ayaa iskuulka taga isniin illaa iyo jimcaha. Waxey badanaa ardaydu la kulantaa macalimiin kala duwan maalinta ay iskuulka joogaan. Iskuulka ayaa siyaabo kala duwan ula shaqeeya ardayda isla markaana goaan ka gaadha/gaara qalabka waxbarasho ee ku quman casharada iskuulka.

Macalinka ayaa masuul ka ah waxa uu casharku ka kooban yahay isla markaana ka shaqeynaya iney ardaydu hesho siyaabo kala duwan ee loo shaqeeyo. Taa ayaa noqon karta in macalinku fasalka hortiisa wax ka sharxo, laakin waxa kaloo dhici karta in ardaydu kaligood shaqeeyaan. Mararka qaar ayey ardayda fasalka iyo macalimiintu sameeyaan booqasho waxbarasho ay ku booqanayaan goobo howlo ka socdaan oo iskuulka ka baxsan. Ardayga ayaa iskuulka ku qabta howlo aqooneed iyo farsamada gacanta labdaba inta iskuulka la joogo.

Skolmat i skolan

Ardayda ayaa mudada casharka isticmaalaya waaya aragnimadooda iyo waxa ay xiiseeyaan. Ardayda ayaa sidoo kale baranaya iney si dhaleeceyna u fikiraan, suaalo weydiiyaan isla markaana aqoon ku kasbadaan siyaabo kala duwan una eegaan dunida siyaabo kala duwan. Ardayda ayaa xilliga iskuulka waqtiga badankiisa ku howlan shaqo iskuul. Iskuulo badan ayaa ardayda siiya casharo guri kuwaasoo laga shaqeeynayo waqtiga iskuulka kadib. Ardayda ayaa maalin kasta qado bilaash ah ku leh iskuulka. Iskuulo badan ayey ardaydu kala dooran karaan cunto kala duwan. La hadal iskuulka ilmahaagu dhigto haddii ay jirto baahi cunto gaar ah.

Qorshe waxbarasho gaar ah

Ardayda dalka ku cusub ee sanad dugsiyeedka 7-9 iyo dhamaan ardayda dugsiga sare iyo dugsiga sare ee gaarka ah waxey heleyaan qorshe waxbarasho shakhsi. Qorshan ayaa la socon doona ardayga xilliga waxbarashada oo dhan iyadoona dib loo eegayo haddii loo baahdo. Badanaa hal macalin ayaa ardayga la diyaarayoa qorshaha, laakin waxa masuul ka ah iskuulka maamulaha si loo helo qorshe ardayguna uga qeyb qaato.

Qiimeyn iyo waxbarasho

Macalinka ayaa ardayga xilliga waxbarashada kala hadlaya waxa loo baahan yahay si kor loogu qaado waxbarashada iyadoo laga eegayo qiimeynta aqoonta ardaygu hore u lahaa. Macalinka, adiga iyo ardayda kale, ayaa bixin kara jawaab celin qeyb ka geysta horumarinta waxbarashada. Waa muhim inaad adigu fahamsan tahay waxbarashadaada iyo baahida aad u qabto horumar.

Wada hadalka horumarka

Ugu yaraan hal mar teeram kasta ayaad adiga, macalinkaada iyo masuulkaada sharci ee ardayga aan qaan gaarka aheyn kulmeyaan iyadoo la eegayo waxbarashadaada iyo siduu mabsuud u tahay. Waxa wada hadalkan loogu yeeraa wada hadalka horumarka. Ardayda dugsiga xanaanada waxa iskuulku fuliyaa wada hadalka horumark hal mar sanadkii. Wada hadalka ayaa sawir ka bixinaya horumarkaaga aqooneed iyo kan bulsho.

Waxa laga wada hadli doonaa siduu iskuulku kaaga taageeri karo isla markaana kuugu baraarujin karo horumar iyo waxbarasho wanaagsan. Wada hadalkan ayaa adiga iyo masuulkaaga sharciba fursad idiin siinaya sidii aad ku saameyn laheydeen isla markaana aad masuuliyad uga qaadi laheyd waxbarashadaada. Waxaa kaloo looga hadlaa haddii aad qabto baahi la qabsiga iskuulka iyo haddaad u baahan tahay gargaar gaar ah

La qabsiga iyo taageerada

Ardayga khatarka ugu jirta inaaney gaarin hadafka casharka, ama qaba dhibaatooyin kale, waxey xaq u leeyihiin inuu iskuulku taageero. Ardayda oo dhan ayaa xaq u leh hagid iyo baraarujin la xiriirta casharada si ay u bartaan wax badan, iyagoo hadii loo baahda hela is waafijin iyo taageero dheeraad ah. Is waafijin iyo taageero dheeraad ah waxa tusaalle ahaan noqon kartaa in ardaygu helo warbixin saaid ah oo saafiya, tababar dheeraada ama caawin si uu u fahmo qoraalka. Ardayda degdeg/ dhakhsaha u buuxiya shuruudaha aqoonta waxey u baahan yihiin in la siiyo casharo yara adag si ay horumar u sameeyaan isla markaana wax badan u bartaan.

Qiimeyn iyo shahaaddo

Adiga iyo ilmahaagu waxaad heli doontaad warbixin is daba jooga oo ku saabsan horumarkiisa iskuulka. Sanad-dugsiyeedka 1 - 5 wuxuu ardaygu heli doonaa qiimeyn maaddo kasta ah. Waxa loogu tala galay taa in ilmahaagu iyo adiga masuulka ka ah caruurta heshaan meesha ay waxbarashadu u mareyso. Laga bilaabo sanad-dugsiyeedka 6 wuxuu ilmuhu helaya shahaaddo / teeram kasta. Shahaadadaa ayey macalimiintu ku qiimeynayaan aqoonta ilmahaagu kasbaday teeramka. Shahaadada ugu danbeysa ayuu ardaygu heleyaa markuu dhameysto maadooyinka oo dhan ee laga qaato dugsiga hoose/dhexe. Shahaadadaan ayaa la bixiyaa dhamaadka sanad-dugsiyeedka 9-aad. Shahaadada ugu danbeysa waa tan lagu dalbado dugsiga sare.

Darajada shahaadadu waa lix nooc: A - F. Natiijada baasida waxa lagu helaa A - E iyadoo shahaadada F ay tahay dhicitaan. Dugsiyada hoose/dhexe iyo kuwa sare ee gaarka ah lama isticmaalo shahaaddo. Eeg qoraalka ka hadlaya waxbarashada dugsiga hoose/dhexe iyo tan dugsiga sare ee ku qoran iskuulada gaarka ah.

Afka hooyo iyo svenska som andraspråk

Afka hooyo ayaa aad muhim ugu ah horumarka afka caruurta, aqoonsigooga, shakhsiyadooda iyo fakarkooda. Fursadda horumarka afka hooyo waxey sahashaa barashada af cusub iyo aqoontaba. Iskuulka ayuu xil ka saaran yahay abaabulka casharada ardayda afkoodu yahay af kale, si caruurtaasi fursad ugu hesho ay ku kobcin karaan afka (afka hooyo iyo afka iswiidhishka intaba) iyo aqoonta bar bar socota.

Casharka afka hooyo

Ardayda afkoodu hooyo yahay af aan iswiidhish aheyn waxey xaq u leeyihiin casharada afka hooyo. Helitaanka afka hooyo waxey sahashaa horumarinta afka iyo barashada maadooyinka kala duwan. Haddii aad dooneyso in ilmahaagu helo casharka afka hooyo waa inaad markaa u dalabtaa. Weydii iskuulka wadada la maro iyo shuruudaha la buuxinayo.

Caawiyaha waxbarashada ee afka hooyo

Ardaygu wuxuu caawimaad waxbarasho ee afkiisa hooyo heli karaa haddii ardaygu arrintaa u baahan yahay. Tan ayaan quseyn ardayda dalka ku cusub oo keliya. Ardayda dalka ku cusub waxey caawimaad waxbarasho ku heleyaan afka ay si wanaagsan ugu hadlaan iskuulka haddii uu yahay kaa af kale ee aan aheyn afkooda hooyo. Tusaalle ahaan waxa jira arday cusub kuwaasoo mudo badan qaxayey isla markaana iskuul ka soo dhigtay dal kale ee aan aheyn dalkooda hooyo isla wax ku soo dhigtay af kale oo aan aheyn afkooda hooyo. Ardaydani afkaas ayaa noqon kara afka ugu wanaagsan ee ilmuhu ku kobcin karo aqoontiisa. Caawiyaha waxbarashada ee afka hooyo ayaa ardayda ka caawinaya horumarinta aqoonta maadooyinka iskuulka iyo afka iswiidhishka.

Svenska som andraspråk

Waxbarashada maadaada iswiidhishka afka labaad (svenska som andraspråk) ayaa ardayda fursad u siineysa sidii ay ku hormarin lahaayeen afka iswiidhishka qoraal iyo akhris ahaanba iyagoo gaaraya heer ay afka ku soo gudbin karaan fikradahooda xaaladaha kala duwan iyo ujeedooyinka kala duwan. Casharadaa ayaa ardayga fursad siinaya uu ku hormariyo luqad ahaan iyo fikir ahaan, xiriir iyo barashadaba. Ardaygu waa inuu aaminaa luqadiisa. Casharada ayaa ardayga fursad u siinaya ku hadalka luqada iswiidhishka heerka af ahaaneed ee ardaygu taagan yahay, iyadoo aysan khasab aheyn in afku sax yahay dhinac kasta. Maamulaha ayaa goaan ka gaara inuu ardaygu helayo casharada. barashada maadaada iswiidhishka afka labaad.

Qaanuunada ka qeyb qaadashada ayey ku kala duwan yihiin dugsiga hoose/dhexe iyo kuwa sare. Ardayga doonayo inuu maadaada iswiidhishka afka labaad ku dhigto dugsiga hoose/dhexe waxa looga baahan yahay:

  • inuu afkiisa hooyo yahay af kale oo aan aheyn iswiidhish ama
  • ardayda af iswiidhishku yahay afkooda hooyo lakiin iskuul dalka dibadiisa wax ka bartay ama
  • arday ajnabi ah kaasoo afka iswiidhishka ugu baahan la hadalka masuul sharciyeed.

Midda kale waa in ardaygu u baahan yahay casharka barashada maadaada iswiidhishka afka labaad.

Arday dhigta dugsi sare isla markaana afkiisu hooyo yahay af kale aan iswiidhish aheyn wuxuu barashada maadaada iswiidhishka afka labaad ku dhigan karaa maadooyinka wadajirka ee dugsiga sare meesha uu ka qaadan lahaa maadada iswiidhishka.

Fasalka diyaar garoowga

Si uu afka iswiidhishka dhaqso dhakhso ugu barto ardayga dalka ku cusub wuxuu dhigan karaa fasalka diyaar garoowga isla marka uu cashar ka qaadanayoa fasalka caadiga ah. Fasalka diyaar garoowga waxey ardaydu ku dhigtaan maadooyinka lagu qaato sanad-dugsiyeedka ardaygu dhigto. Ardaydu waxey fasalka diyaar garoowga dhigan karaan ugu badnaan laba sano. Ujeedadu waa in ardaydu sida ugu dhakhsaha badan ugu akhriyaan karaan dhammaan maaddooyinka ku jira fasalkooda caadiga ah. Maamulaha ayaa goaan ka gaaraya goorta aan loo baahneyn casharada fasalka diyaar garoowga.

Barasho iyo hagitaan xirfadeed

Dhamaan ardayda iskuulada kala duwan, marka laga reebo dugsiga xanaanada iyo fasalka ka horeeya kan koowaad, waxey xaq u leeyihiin hagid waxbarasho iyo mid xirfadeed. Hagidda waxbarasho iyo tan xirfadeed ayuu si joogto ardaygu ugu heleyaa taageero, warbixin iyo hagid si ardaygu ugu tijaabiyo fursadaha kala duwan si uu uhelo goaanka kama danbeyska ah. Taa waxey ku xiran tahay in la helo warbixin iyo aqoon ku saabsan nidaamka waxbarasho, ama nolosha shaqada iyo suuqada shaqada. Hagida waxbarasho iyo tan xirfadeed ayaa sidaa darteed udub dhexaad u ah siduu arday kastaa u qorsheyn lahaa mustaqbalkiisa.

Guriga xilliga firaaqada

Guriga xilliga firaaqada waxaa loogu talagalay inuu dhiirri geliyaa horumarka ardayda iyo waxbarashadooda wuxuuna dhameystir u yahay waxbarashada iskoolka iyo fasalka xanaanada. Guriga xilliga firaaqada waxaa loogu tala galay inuu ardayda siiyo waqti firaaqo oo micno fiican leh iyada oo laga shaqeynayo luqad, wax soo saarid, dabeecadda iyo dhaqdhaqaaq jireed. Guriga xilliga firaaqada wuxuu iskoolka ka hor iyo iskoolka kadib iyo waqtiyada fasaxa ahba u furan yahay ardayda oo idil illaa teeramka guga ee sanadka ey buuxinayaan saddax iyo toban sano. Taasina waxey u suurta gelinayaa waaliddiinta in ay shaqeystaan ama wax bartaan. Guriga xilliyada firaaqada wuxuu badanaa ku yaal isla dhismaha iskoolka ama agagaarka iskoolka.

Dugsiga xilliga firaaqada ayaa ardayda ku dhiiri gelinaya horumarinta iyo waxbarashada isla markaana u dhameystiraya casharada laga soo qaato iskuulka iyo fasalka ka horeeya ka koowaad. Dugsiga xilliga firaaqada ayey tahay iney bixiyaan waqti firaaqo micno leh iyagoo ka shaqeynaya afka, wax abuurka, beyadda iyo dhaq dhaqaada jirka. Dugsiga xilliga firaaqada wuxuu u furan yahay ardayda ilaa iyo tarmiinka guga sanadka ay buuxiyaan 13 sano waxa ka horeeya kana danbeeya waqtiyada iskuulka iyo fasaxyada iskuulka. Tani waxey waalidka suura gal uga dhigtaa iney shaqeeyaan ama wax bartaan. Dugsiga xilliga firaaqada wuxuu badanaa ku yaal isla dhismaha iskuulka ardayga ama meel u dhow iskuulkaa.

Nabadgelyo iyo caafimaad

Illustrerar säkerhet och hälsa

Waa iney nabadgelyo ka jirtaa iskuulka isla markaana lagu helaa degenaasho si uu u noqdo goob lagu shaqeyn karro mabsuudna lagu yahay. Shaqaalaha iskuulka iyo ardayda ayaa si joogto ah uga wadda shaqaynaya inuu iskuulku noqdo goob nabadgelyo leh oo lagu kulmo iyadoo la is ixtiraamayo. Caruur, arday iyo dadka waaweyn intaba ayaa si wadajira u shaqeynaya kana heshiinaya qawaaniinta wadajirka ee beyad wanaagsan ee shaqo.

Lama oggola in lagu ciqaabo dhaqan meel ka dhac ah/ foolxun. Sidaa darteed ayuu iskuulku leeyahay nidaam gooni ah iyo qorshe arrintaa la xiriira. Haddii qofi ilmahaaga si xun ula dhaqmo iskuulka waa inaad marka hore la xiriirta shaqaalaha iskuulka. Haddii dhibaatadu halkeeda ka sii socotana waxaad la xiriiri kartaa degmada ama milkiilaha iskuulka hadduu iskuulku yahay mid gaar loo leeyahay.

Waajib ayaa saaran iney baaraan waxa dhacay. Haddii ay u arkaan in loo baahan yahay in wax laga qabto waa iney arrinta wax ka qabtaan. Haddii aadan wali taa ku qanacsaneyn waxaad la xiriiri kartaa Heyadda kormeerka iskuulka.

Caafimaadka ardayda

Iskuulka ayaa ka shaqeeya ka hor tagga caafimaad darada ardayda. Waa inuu iskuulku leeyahay koox caafimaad arday oo ay ka mid yihiin kalkaaliso caafimaad, dhaqtar iskuul, dhaqtarka cilmu nafsiga, la taliye iyo shaqaale aqoon u leh baridda gaarka ah.

Laga bilaabo fasalka ka horeeya ka koowaad ilaa iyo fasalka 9-aad waxey ardaydu heleyaan baaritaan caafimaad ugu yaraan sadax jeer. Kalkaalisada caafimaad ee iskuulka ayaa ardayda ka caawisa arrimaha fudud ee caafimaad saacadaha iskuulka, laakin haddii ilmahaagu buko ama u baahan yahay daryeel caafimaad waxaad la xiriiri kartaa daryeelka bukaanka iyo caafimaadka ee ka baxsan iskuulka.

Iskuulku waa inuu ka wargeliyaa haddii arday dhibaato soo gaarto

Dhibaatada soo gaari karta ubadka waxaa ka mida inaanu ilmuhu heysan nolol fiican iyadoo ay taasi ugu wacan tahay tusaale daryeel xumo ama gacan qaad guriga looga geysto, ama gacan qaad ka dhaca iskuulka. Hadduu iskuulku ka shakiyo in ilmuhu dhibaato soo gaartey waxa waajib ku ah inuu wargeliyo taa xafiiska adeegga bulshada. Xafiiska adeegga bulshada ayaa masuul ka ah in caruurta iyo dhalinyarada degmadu ku koraan nolol nabada. Marka ashkato la soo wargeliyo xafiiska arimaha bulshada waxey badanaa xaaladda kala hadlaan iskuulka iyo guriga caruurta si loo helo xal wadajir ah. Waxa dhici karta inuu xafiiska arimaha bulshadu baaritaan kadib goaan ku gaaro inaan loo baahneyn in arrinta wax laga qabto, taasi micnaheedu ma aha in qofka wargelinta u gudbiyey xafiiska adeegga bulshadu qaladsameeyey. Dhamaan shaqaalaha iskuulka waxaa waajib ku ah iney sida ugu dhakhsaha badan soo sheegaan isla marka ay ka shakiyaan in ilmaha dhib soo gaaray, xitaa haddii kadib la ogoaado inaaney dhibaato soo gaarin ilmaha iyo wax laga walwalo.

Senast uppdaterad 26 maj 2020