Hageha – Raadi oo isbarbar dhig dugsiyada hoose

Sawirada hageha ku yaala ayaa muujinayaa siday shaashadda kombiyuuterka ugu eegtahay.

Waxyaalaha ku saabsan aalada

Hel oo isbarbar dhig dugsiyada hoose waxa weeye aalad

  • lagu raadinaayo dugsiyada degmada ama gobol ku yaala
  • iyadoo dugsiyada la isbarbar dhigaayo marka lagu eego tirada ardayda, waxbarashada macallimiinta, natiijada shahaadooyinka iyo natiijada imtixaanka qaranka.

Waxaad halkan sidoo kale ka heli doontaa foomamka Kormeerka dugsiyada halkaas oo aad ku arki karto waxay ardayda iyo daryeelayaashu dugsiga ka qabaan.

Sidan samee

Raadi dugsiyada hoose adigoo isticmaalaya shaandhada raadinta ama adigoo godka waxa la doono lagu qoro kaga raadinaaya.

Hel macluumaad dugsi ku saabsan

Guji magaca dugsi si aad tusaale ahaan ugu aragto

  • tirada ardeyda
  • heerka waxbarasho ee macalimiinta
  • shahaadada
  • natiijada daraasada
  • foomka rayi ururinta ee dugsiga.

Hadii uu dugsigu leeyahay fasalka dugsiga ka horeeya ama gugsiga gaarka ah ayay iyagu darafkooda galayaan.

Dugsiyada Isbarbar dhig

Miyaad dooneysaa inaad dugsiyada isbarbar dhigto, waxaad markaas dooran kartaa ilaa saddex dugsi oo kala duwan adigoo badhanka Isbarbardhig gujinaaya.

Dugsiyada aad dooratey ayaa lagu soo ururinayaa Shaahada isbarbar dhiga. Guji badhanka Jämför ee shaashada.

Dugsiyada aad dooratey in la isbarbar dhigo ayaa laguu soo bandhigayaa. Hadii uu dugsigu leeyahay fasalka dugsiga ka horeeya ama gugsiga gaarka ah ayay iyagu darafkooda galayaan.

Senast uppdaterad 14 september 2022