Innehåll på denna sida

Barnaamijka cilmiga barashada
bulshada, sayniska iyo luqadaha

Somaliska (SOM)

Barnaamijka barashada cilmiga bulshada, sayniska iyo luqadaha waxuu ku habboonyahay qofkii raba inuu si qoto dheer u barto sida uu mujtamaca u shaqeeyo iyo waxyaabaha saameynta ku sameeya bini’aadamka, dabeecadda iyo mujtamaca.
Waa inaad xiiso u qabtaa inaad wax ka ogaatid sida eey u noolaayeen dadkii hore iyo sida eey saameyn ugu sameeyeen nolol maalmeedkeena xaadirka ah.
Barnaamijka wuxuu ku habboon yahay qofkii raba inuu si qoto dheer wax uga barto wada shaqeynta ka dhaxeeysa bini’aadamka iyo dabeecadda, su’aalaha la xiriira deegaanka iyo horumar raagaya.
Luqadaha iyo isgaarsiinta waa qeybo muhiim ah oo waxbarashada barnaamijka ka mid ah.

Waxaan ayaad barnaamijka ku baran doontaa

Waxaad horumarin ku sameyn doontaa cilmiga aad ka leedahay xaaladaha bulshada
ee Iswiidhan iyo dunida.
Waxaad fikirkaada ka dhiibaneysaa su’aalo kala duwan oo la xiriira mujtamaca,
dimuquraadiyadda iyo doorka jinsiga.
Waxaad baraneysaa sida bini’aadamka uu u noolaay waagii hore iyo sida uu maanta
u noolyahay.
Barnaamijka waxaad ku baraneysaa habka eey isugu xiran yihiin qeybaha kala duwan
ee dabeecadda iyo sida eey u saameynayaan bay’adda.
Waxaad fikirkaada ka dhiibaneysaa su’aalo kala duwan oo la xiriira anshaxa iyo
bay’adda. Horumar ayaad ku sameyneysaa luqaddaada ayadoo sabab looga dhigaayo
akhrinta, dhageysiga iyo ka doodid aad ku sameyneysid buugaagtaada.
Waxaad kaloo qoreysaa qoraal aad adiga allifeeyso.
Waxaad kor u qaadeysaa ku hadalka luqadaha iswiidhishka iyo ingiriiska.