Innehåll på denna sida

Folkhögskola (Dugsiyada la seexdo ee waxbarashada dadk waaweyn)

Somaliska (SOM)

Waxa uu Folkhögskolan u furan qofka dadiisu 18 sano jir ka weyn tahay.

Koorsooyinka guud ee folkhögskolan laga dhigto

Waxa koorsooyinka guud loogu talogalay qofka aan heysan waxbarashada dugsiga hoose/dhexe iyo kan sare oo ay sidaas daraadeedna ku adag tahay inuu waxbarasho sii wato ama ka qeybqaato suuqa shaqada. Waxyaabaha ay koorsooyinku ka kooban yihiin iyo dhererkooda ayaa loo eegayaa aqoonta hore ee ardayga iyo hamigiisa. Ka dib markaad koorsada dhameysato ayaad waxbarasho ka sii wadan kartaa kuliyada farsamada gacanta, kuliyad ama jaamacad.

Waxbarashada xirfadaha

Dugsiyada Folkhögskolan ayaa sidoo kale leh waxbarashooyinka xirfada oo kala duwan. Waxbarashada xirfadda suxifinimada, hogaamiye dugsiga xilliga firaaqada iyo turjubaanka luqadaha dhagoolaha/faraha looga hadlo ayaa ah qaar ka mida ah xirfadahaa.

Koorsooyinka qofka ku cusub dalka

Koorsooyinka qaar ayaa loogu talogalay dadka waaweyn ee dhowaan Iswiidhan yimid. Kooraska asaasiga ee dadka dalka ku cusub loogu talogalay ayaa laga dhigtaa dhowr folkhögskola-da ka mida ah.

Miyaad rabtaa inaad wax dheeraad ah ogaato?

La xiriir la taliyaha waxbarasho iyo xirfada ee jooga mid ka mida folkhögskolan si aad u ogaato waxa looga baahan yahay waxbarashada aad xiiseyneyso.