Innehåll på denna sida

Barnaamijka maamulka,
ganacsiga iyo maareynta
badeecadda

Somaliska (SOM)

Barnaamijka maamulka, ganacsiga iyo maareynta badeecadda waxuu ku habboonyahay qofkii raba inuu ka shaqeeyo ganacsiga, maamulka ama isgaarsiinta. Barnaamijkaan waxuu kaloo ku habboon yahay qofkii raba inuu ka shaqeeyo baqaaradaha waaweyn ee badeecadaha. Barnaamijkaan waxuu kaloo ku habboon yahay qofkii raba inuu ka shaqeeyo adeegga bulshada isla markaana jecel inuu la kulmo dad kala duwan.

Waxaan ayaad barnaamijka ku baran doontaa

Waxaad baraneysaa iibinta, soo gadidda iyo maareynta badeecadda. Waxaad baraneysaa badeeco raridda iyo qeybinta alaabta. Barnaamijka waxaad wax ugu baraneysaa suuq geynta.

Macluumaad la xiriira alaabta iyo faracyada xirfadaha kala duwan iyo Waxaad baraneysaa shaqooyinka maamulka la xiriira iyo maareynta dhaqaalaha shirkadaha iyo maamulyada guud ahaaneed.

Waxaad fursad u heleysaa inaad baratid isgaarsiinta iyo adeegga macaamiisha si aad u heshid aqon aad uga shqeyn kartid goobaha shirarka iyo ka shaqeynta goobaha so dhaweynta ee xafiisyada.

Waxaad kaloo baraneysaa macluumaad ku saabsan mashiinadda kala duwan iyo sida loogu isticmaaloi karo maamulka, ganacsiga iyo maareynta badeecadda.

Barnaamijka waxaad tababar ugu qaadaneysaa sidii aad dad kale ula shqeyn laheyd iyo sida aad adeeg fiican u siin kareyso dadka macaamiisha ah.

Su’aalaha la xiriira goobaha shaqada waa qeybo muhiim ah oo barnaamijka ka tirsan si uusan dhaawacyo kaaga soo gaarin shaqadaada mustaqbalka iyo si aad u heshid caafimaad wanaagsan.