Innehåll på denna sida

Barnaamijka dayactirka guryaha, dhisidda iyo dhismayaasha

Somaliska (SOM)

Barnaamijka dayactirka guryaha, dhisidda iyo dhismayaasha waxuu ku habboon yahay qofkii xiiseynaya inuu ka shaqeeyo dayactirka iyo hagaajinta guryaha iyo dhismooyinka kale haddii eey ahaan laheyd shaqo gudaha ah iyo mid bannaanka ah labadaba. Waxuu kaloo barnaamijkaan ku habbonyahay qofkii raba inuu ka shaqeeyo dhulka, beeraha iyo darjiinnada nasashada. Barnaamijkaan waxuu kaloo ku habboon yahay qofkii xiiseynaya inuu ka shaqeeyo adeegga bulshada maadaama aad la shaqeyn doontid dad kala duwan.

Waxaan ayaad barnaamijka ku baran doontaa

Waxaad tababar ku sameyneysaa su’aalo ku saabsan dayactirka guryaha iyo dhismooyinka. Barnaamijka wuxuu tababar kuu siinayaa sida loo dayactiro guryaha bannaanka iyo gudahaba.

Waxa laga sameynayo gudaha waxey ahaan karaan hagaajinta, nadiifinta iyo rinjiyeenta. Shaqooyinka bannaankana waxeey noqon karaan sameynta iyo hagaajinta dhulka, daryeelidda iyo beeraha nasashada.

Waxaad baraneysaa sida loo isticmaalo qalabyada kala duwan ee lagu hagaajiyo waxyaabaha kala duwan. Barnaamijka waxaad tababar ugu qaadaneysaa sidii aad dad kale ula shqeyn laheyd iyo sida aad adeeg fiican u siin kareyso dadka macaamiisha ah.

Su’aalaha la xiriira goobaha shaqada waa qeybo muhiim ah oo barnaamijka ka tirsan si uusan dhaawacyo kaaga soo gaarin shaqadaada mustaqbalka iyo si aad u heshid caafimaad wanaagsan.