Innehåll på denna sida

Barnaamijka farsama gacanta
iyo wax soosaarka

Somaliska (SOM)

Barnaamijka farsama gacanta iyo wax soosaarka waxuu ku habboonyahay qofkii raba inuu ka shqeeyo farsamo gacameed ama wax soosaarka nuucyihiisa kala duwan. Barnaamijka waxuu ku habboonyahay qofkii xiiseynaya inuu ka shaqeeyo shaqo gacameed lagu soo saaro alaab.

Waxaan ayaad barnaamijka ku baran doontaa

Waxaad ka shaqeyneysaa howlo la xiriira farsamo gacmeedka iyo wax soosaarka.
Waxaad baraneysaa qaabka loo sameeyo shaqooyinka farsamo gacmeedka iyo wax
soosaarka iyo mashiinnada la isticmaalo. Waxyaabaha la sameynaayo waxeey noqon
karaan sameynta shey farsamo gacameed ah, rakibidda iyo alxamidda/alxanka.
Waxaad baraneysaa sida loo isticmaalo qalabyada kala duwan iyo in loo isticmaalo si
tixaddar leh.

Waxaad baraneysaa siyaabo kala ee wax loo soosaaro iyo cilmi ku saabsan walxaha
kala duwan ee farsamo gacmeedka iyo wax soosaarka.

Barnaamijka waxaad tababar ugu qaadaneysaa sidii aad dad kale ula shqeyn laheyd
iyo sida aad adeeg fiican u siin kareyso dadka macaamiisha ah.
Su’aalaha la xiriira goobaha shaqada waa qeybo muhiim ah oo barnaamijka ka tirsan
si uusan dhaawacyo kaaga soo gaarin shaqadaada mustaqbalka iyo si aad u heshid
caafimaad wanaagsan.