Innehåll på denna sida

Barnaamijka farshaxanka
fanniga ah

Somaliska (SOM)

Barnaamijka farshaxanka fanniga ah waxuu ku habboonyahay qofkii raba inuu ka shaqeeyo masawiridda, muusikada, ciyaarta janiistikada iyo tiyaatarka.
Barnaamijka waxuu ku habboonyahay qofkii raba inuu ka shaqeeyo farshaxanka iyo hiddaha iyo dhaqanka.
Aqoontaada waxaad kaga shaqeyn kartaa iskoollada xanaanada carruurta ama goobaha lagu damaashaado xilli firaaqaha. waxeey kaloo aasaas u noqon kartaa haddii aad rabtid inaad waxbarashadaada farshaxanka sii wadatid.

Waxaan ayaad barnaamijka ku baran doontaa

Waxaad fursad u heleysaa inaad tababar ku sameysid sameynta howlaha farshaxanka la xiriira iyo inaad baratid siyaabo kala ee hadalka loo wanaajiyo.

Waxaad baraneysaa sida loo sameeyo iyo sida loo fahmo farshaxanka iyo hiddaha iyo dhaqanka. Waxbarashada waxaad kaloo ku baraneeysaa sida loo horumariyo khayaali aburidda, faduulinnimada iyo wax soo saaridda.

Waxaad horumarin ku sameyneysaa inaad kaligaa wax sameyn kartid iyo inaad bandhigid ku sameyn kartid waxa aad sameysid.
waxbarashadu waxeey ku siineysaa aqoon iyo khibrado kala duwan oo ku saabsan waxyaabaha aad sameysid sida qalabyada iyo alaabta nuucyadooda kala duwan.

Barnaamijka waxbarasho gudahiisa waxaad tababar ku sameyneysaa la shaqeynta iyo la kulmidda dadyow kala duwan xaalado kala duwan.