Innehåll på denna sida

Barnaamijka keymaha, dhulka iyo xeeywaanka

Somaliska (SOM)

Barnaamijka keymaha, dhulka iyo xeeywaanka waxuu ku habboon yahay bqofkii raba inuu ka shaqeeya howlaha kala duwan ee dhowrista deegaanka.
Waxeey ahaan kartaa ka shaqeynta beeraha caadiga ah, beeraha nasashada iyo darjiinooyinka.
Waxeey kaloo ahaan kartaa ka shaqeynta xanaaneynta keymaha iyo duurka ama dhowrista dhulka iyo bay’adda.
Barnaamijkaan waxuu kaloo ku habboon yahay qofkii raba inuu xanaaneeyo xeeywaanka.

Waxaan ayaad barnaamijka ku baran doontaa

Waxad fursad u heleysaa inaad ka shaqeysid howlo kala duwan oo ku saabsan beeraha, keymaha iyo xanaaneynta xoolaha.
Waxaad wax ka baraneysaa dhirta iyo xeeywaannada.
Waxaad horumarin ku sameyneysaa xiriirka ka dhexeeya noolaha iyo deegaanka.
Tusaale ahaan waxaad baraneysaa sida loo hagaajiyo darjiinooyinka iyo beeraha
nasashada.

Waxaad baraneysaa cilmi ku saabsan abuurista ubaxyada iyo khudaarta.
Haddii aad rabtid inaad ka shaqeysid howlo la xiriira xeeywaannada, waxaa tusaale
ahaan fursad laguu siinayaa inaad kor u qaadid aqoonta aad u leedahay xanaaneynta
fardaha ama ka shaqeynta xeeywaannada beeraleyda ah.
Waxaad baraneysaa sida loo isticmaalo qalabka iyo mashiinnada loo isticmaalo
shaqooyinka aad sameyneysid.

Barnaamijka waxuu ku barayaa sida loola macaamiloodo dadka kale.
Su’aalaha la xiriira goobaha shaqada waa qeybo muhiim ah oo barnaamijka ka tirsan
si uusan dhaawacyo kaaga soo gaarin shaqadaada mustaqbalka iyo si aad u heshid
caafimaad wanaagsan.