Innehåll på denna sida

Kani waa dugsiga Iswiidhishka

Somaliska (SOM)

Laga bilaabo dugsiga xannaanada ilaa jaamacada.

Laga billaabo marka uu ilmuhu 1 sano jir buuxiyo ayuu ilmahu dugsi xannaanada dhigan karaa. Dhigashada dugsiga xannaanadu waa mid aan qasab aheyn. Laga billaabo deyrta uu ilmahaagu buuxinayo seddax sano jir ayuu ilmuhu xaq u leeyahay dugsiga xannaanada ee guud. Dugsiga xannaanada ee guud waxaa la dhigan karaa 15 saacadood todobaadkii isagoo lacag la’aan ah. Waxa uu dugsiga xannaanada ilmuhu fursad ugu helayaa in uu horumar sameeyo oo uuna wax barto iyadoo ciyaarta iyo wax abuurid la isticmaalaayo, isagoo iskiis wax u sameynaya iyo isagoo koox ku jira labadaba iyo isagoo wadajir ahaan dadka waaweyn wax ula sameynaaya.

Waa qasab inuu ilmahu marka laga bilaabo 6 sano jir luu fasalka dugsiga xannaanada (sannadka ka horreeya inta aanu ilmuhu dugsiga bilaabin) bilaabo. Fasalka dugsiga xannaanada ka dib ayuu ilmahu billaabayaa dugsi hoose-dhexe ama wax qaab dugsi ahaan u dhigma. Waxay ardayda u dhexeysaa 6 iyo 13 sano jir haystaan guriga xilliga firaaqada kaas oo u furan waqtiga dugsiga ka hor iyo ka dib iyo fasaxyada dugsiga, isagoo bixinaaya waxqabadyo faa'iido leh xilliga ay waaliddiintu shaqeynayaan ama waxbaranayaan.

Waxbarashada dugsiga hoose-dhexe ayaa dhamaan carruurta ku qasab ah. Waxa Iswiidhan ka jira waajibaadka dugsiga ee fasalka dugsiga xannaanada iyo dugsiga hoose-dhexe fasallada 1-9, waxa loola jeedaa muddo 10 sano ah.

Markaas ka dib waxay dhallinyarada badankoodu saddex sanno dhigtaan dugsi sare. Haddii aad Iswiidhan ku cusub tahay oo aadna heshay sharci degganaasho oo rasmi ah ayaad xaq u leedahay inaad waxbarashada dugsi sare bilowdid haddii aad ka gaartid inaad bilowdid inta lagu jiro xilli dugsiyeedka ku aaddan xilliga guga ee sanadka aad 20 sano jir buuxineysid. Haddii aad qof magangalyo doon ah tahay ayaad xaq u leedahay inaad bilowdo waxbarashada dugsiga sare ka hor inta aanad 18 sano jir gaarin, laakiin shuruudaha qaarkood oo khuseeya shahaadooyin lagu soo gudbay ayaa shaqeynaaya. Waxa uu dugsiga sare qofka u diyaarin karyaa in uu toos shaqo u billaabo, ama in uu waxbarasho ka sii wato kuliyada farsamada, kuliyad ama jaamacad.

Laga bilaabo dugsiga xannaanada ilaa jaamacada sidan oo kale ayay iskugu xidhan tahay

Nidaamka waxbarashada ee Iswiidhishku waxa uu ka kooban yahay dugsiyo iyo waxbarashooyin noocyo badan leh, halkan ayaad ka arki kartaa sida ay isugu xiran yihiin.