Innehåll på denna sida

Dugsiga xannaanada

Somaliska (SOM)

Carruurta 1 iyo 6 sano jir u dhexeysa

Waxa dugsiga xannaanada loogu talogalay carruurta hal iyo lix sano jir u dhexeysa. Waa inuu dugsiga xannaanadu ahaadaa mid xiiso leh, aamaan ah oo carruurta halkaas dhigata oo dham waxku ool u ah.

Två förskolebarn utomhus.

Dugsiga xannaanadu waa mid aan qasab aheyn. Waxay ulajeedadu qeyb ahaan tahey in waalidka loo suurta geliyo inay waalidnimada shaqo ku dhex wataan, iyo inay qeyb ahaan carruurtu waxqabad dhiirri-gelin iyo horumar leh helaan.

Waa inuu dugsiga xannaanadu dhiiri galiyaa ilmaha hal abuurnimadiisa, rabitaanka ogaanshaha waxa cusub iyo isku kalsoonida. Waa inuu ilmahu helaa fursad uu ku horumarinaayo kartidiisa uu wax ku baarayo, xiriir ku sameynaayo oo uu dib wax uga jaleecanaayo/fikiraayo. Waxqabadka wax baristu waa in ay ilmaha ku dhiirri gelisaa inuu wax billaabo oo uu mas’uuliyad qaato, iyo sidoo kale siiyo fursad ay ugu shaqeynayaan iyagoo madax bannaan iyo si wadajir dadka kale.

Waa inay barayaashu dhiirri geliyaan, imtixaamaan/taxaddina ku sameeyaan carruurta si ay ugu tijaabiyaan iyaga aragtidooda iyo ta dadka kale, xalliyaan dhibaatooyin, oo ay fikradaha u rogaan wax qabad. Waxa taas tusaale ahaan lagu sameeyaa iyadoo la ciyaaraayo, la heesaayo, la dhaqdhaqaaqaayo, wada shaqeeyaan, wax rinjiyeyn, oo dabeecadda la baaraayo. Xilliyada cuntada ayaa dugsiga xannaanada ka tirsan iyagoo qeyb ka ah waxqabadyada waxbaridda. In la abuuro kalsooni iyo xiriirro wanwanaagsan oo carruurta kale iyo daryeelaha/masuulka lala leeyahay ayaa ah hawl muhiim u ah oo dugsiga xannaanadu leeyahay.

Durigsyada xannaanada ee xurta ah iyo kuwa ay degmadu leedaha

Waxa jira xadaanadaha kamuunka iyo kuwa gaarka labadaba. Dugsiyada xannaanada ee xorta ah waxaa tusaale ahaan lahaan karaa iskaashato waaliddiinta ama iskaashato shaqaale ah, urur samafal ama shirkad saamiga laysku darsaday.

Waa degmooyinka cidda ka mas’uulka ah in degmada gudeheeda laga helo boosas dugsi xannaano oo baahida u dhigma iyo in carruurta boos la siiyo. Waxa ay degmada sidoo kale mas’uul ka tahay in ay koontaroosho in dhammaan waxqabadyadu ay buuxinayaan shuruudaha tayada iyo ammaanka. Waxa dugsiyada xannaada ee xorta ah ka shaqeynaaya isla sharci la mid ah kan dugsiyada xannaanada ee degmada.

Yaa dusi xannaano dhigta?

Dugsiga xannaanadu waa mid aan qasab aheyn. Degmadu waa in ay dugsi xannaano siisaa carruurta marka laga billaabo 1 sano jir

  • marka ay waaliddiinu shaqeeyaan ama waxbartaan,
  • marka ay waaliddiintu shaqo la’aan yihiin ama fasaxa waalidka ku jiraan
  • haddii ilmuhu uu baahi gaar ah leeyahay iyadoo ay sabab taas u tahay xaaladda qoyska.

Carruurta ay dhaleen waaliddiinta shaqa la’aanta ah ama ku jira fasaxa waalidka waa in boos la siiyaa ugu yaraan 3 saac maalintiiba ah ama 15 saac todobaadkii. Degmooyinka qaar ayaa intaa wax ka badan bixiya.

Waxaa intaas dheer in ay tahay in ay degmadu dugsi xannaano siiyaan

  • dhammaan carruurta sanadka uu ilmuhu buuxinayo 3 sano jir (dugsiga xannaanada ee guud, 3 saac maalintiiba)
  • carruurta sababo jir ahaaneed, maskax ahaaneed ama sabab kale horumarkooda/koritaankooda taageero gaar ah ugu baahan.

Kharashka

Seddaxda saac maalintii ee dugsiga xannaanada ee guud waa lacag la’aan laga billaabo sanadka uu ilmuhu 3 sano jir buuxinaayo. Waqtiga ka badan seddaxdaas saacadood ayaa lacag ah. Waa degmada ama cidda waxqabadka xannaanada sameynaysa cidda go’aamineysa inta la iska qaadaayo/qiimaha uu booska dugsiga xannaanada yahay.

Qadarka lacagta ee la bixinaayaa waxa uu ku xiran yahay heerka dakhliga ee waaliddiinta. Waxay maanta dhammaan degmooyinka adeegsadaan nidaamka kharshka ugu badan (maxtaxa). Waxa uu maxtaxan micnahiisu yahay xadka ugu sareeya ee kharshka laga qaadaayo qoysaska kala duwan uu noqon doono.

Dugsiga xannaanada waxaa loogu talagalay ilmahaaga

Filin: Dugsiga xannaanada waxaa loogu talagalay ilmahaaga (wakhtiga 5:05 daqiiqo)

Sideebey tahay in la dhigto dugsi xannaano, muxuuse ubadkaagu halkaas ka baran karaa? Filinkan, waxaan hal maalin oo caadi ah kula socon doonnaa Amiir inta uu ku dugsiga xannaanada ku suganyahay. Filinkan waxaa loogu talagalay waaliddiinta ilmahoodu xannaanada billaabi doonaan, oona weli xiriir la yeelan goobaha xannaanadda ee dalka Iswiidhan. Halkan waxaad ka aqrisan kartaa jawaabta su`aalaha ugu caadiyeeysan ee goobaha xannaanada ku saabsan.