Innehåll på denna sida

Jaamacada iyo kuliyadaha

Somaliska (SOM)

Qofka doonaya inuu jaamacad dhigto waxa uu u baahan yahay inuu buuxiyo shuruudaha lagu galo jaamacadaha. Waxbarashooyinka qaarkood ayaa dalbanaaya shuruudo khaasa ah taasoo micnaheedu yahay inaad soo dhigatay koorsooyin khaas ah oo loogu talogalay waxbarashooyinka qaarkood.

Buuxinta shuruudaha iyadoo la soo maraayo sanadka gundhiga/asaasiga ah

Hab qofku ku buuxin karo shuruudaha ayaa noqon kara sanadka gundhiga/asaasiga. Tani waa waxbarasho sanad socota oo heer dugsi sare oo loogu talogalay qofka doonaaya inuu buuxiyo shuruudaha khaaska ah ee waxbarashada jaamacadda qofku doonayo.

Buuxinta shuruudaha iyadoo la soo maraayo komvux ka

Waxaad sidoo kale xaq u leedahay inaad dhigato waxbarasho shuruud buuxina ee laga helo waxbarashada dadka waaweyn ee komvux, taasoo heer dugsi sare ah. Xuquuqdu waxay khuseysaa shuruudaha asaasiga iyo kuwa qaarka ah labadaba.

Hab kale oo shuruuda lagu buuxiyo

Xataa haddii aanad heysan waxbarasho buuxda oo dugsi sare waxaad haddana dalban kartaa kuliyad ama jaamacad. Haddii aad khibrad/ waaya aragnimo ama awood xirfadeed oo hore ee shaqo ama waxbarasho taas oo loo qiimeyn karo iney ku filnaato ayaad ku dalban kartaa jaamacada, laakiin waa inad markaas awood inaad tusi karto inaad xirfadaas leedahay. Waxaa laga yaabaa inaad xirfadaas koorsooyin hore aad ka heshay ama waaya aragnimo shaqo, hawlaha jaaliyadaha/ururada ama inaad dalka dibadiisa ku nooleyd mudo dheer. In la tuso inaad caddeyn karto inaad awood xirfadeed leedhay ayaa loogu yeeraa qiimeynta awood xirfadeedka. Warbixin intaa dheer oo ku saabsan meesha aad u diri karto codsigaada awood xirfadeedka dhabta ah si laguugu ogolaado waxbarashada kuliyadaha iyo jaamacadaha ka akhriso bogga internetka ee la talinta jaamacadaha antagning.se Linkiga bog internetka oo kale.

La talinta waxbarashada iyo xirfadaha

Waxay jaamacad kastaa leedahay la talinta waxbarashada iyo xirfadaha. Halkaas ayaa la xiriri kartaa haddii aad xiiseyneyso mid ka mida waxbarashada ay hayaan wanaanay sidoo kale ku siin karaan la talin guud oo heerka waxbarasho jaamacadeed ku saabsan. Bogga internetka ee la talinta jaamacadaha iy okuliyadaha studera.nu Linkiga bog internetka oo kale ayaad ka heleysaa warbixin ku qoran afaf kala duwan oo ku saabsan waxbarashada jaamacadaha iyo la talin waxbarashada iyo xirfadaha.

Waxbarashada jaamacadaha ayaa billowda guga iyo deyrta. Waxbarashada labada galin ah/buuxda ayaa la qaataa qiyaastii 40 saacadood todobaadkii. Waxa koorsooyin badan uu qofku dooran karaa inuu galin wax barto/waqti aan buuxin isagoo waxbaranaya boqolkii 50 ama 25. Markaas ayuu qofku wax baranayaa saacado ka tiro yar todobaadkii isagoona qaadanaya dhibco jaamacadeed oo ka yar. Waxbarashooyin iyo koorsooyin badan ayaa la qaataa adigoo aan jaamacadda la tegeynin/masaafad laga dhigtaa. Waxa sidoo kaloo jira casharo fiidkii ama sabtiga iyo axadda la qaato. Taasi waxey kuu sahleysaa in qofku shaqo iyo waxbarasho isku dhex wado.

Om du vill veta mer

  • Om du redan har en utländsk utbildning

    För dig med utländska betyg