Innehåll på denna sida

Waxbarashada kuliyada farsamada gacanta

Somaliska (SOM)

Kuliyada farsamada gacanta (YH) ayuu qofku ka baran doonaa xirfad kadib markuu soo dhameysto dugsiga sare ama waxbarashada dadka waaweyn ee (komvux). Waxa jira xirfado badan oo la kala door-dooran karro. Waxbarashooyinku waxay inta badan u dhaxeeyaan hal ilaa saddex sano iyagoo isku dara tiyorii dugsiga laga qaato iyo baraktiig goobta shaqada laga qaato.

Waxa shuruud ah inaad aqoon fiican oo af Iswiidhishka leedahay si aad waxbarashada uga baxdo waana dugsiga cida go'aamineysa haddii ay ku filan tahay. Dugsiyada qaar ayaa bixiya taageero af iswiidhishka xirfada ku wajahan.

Maxaa la iskaga baahan yahay si aad ugu codsato waxbarashada kuliyada farsamada gacanta?

Waxaad kuliyada farsamada gacanta codsan kartaa haddii

  • aad haysato shahaado dugsi sare ee Iswiidhan oo aad ka qaadatay dugsiga sare ama komvux (waxbarashada dadka waaweyn ee degmada)
  • aad haysto waxbarasho wadan kale aad ka soo qaadatey taas oo u dhiganta shahaado dugsi sare.
  • aad leedahay awooda aad kaga baxayso waxbarashada iyadoo la isticmaalaayo waxbarashada iswiidhishka ama ajaanibka ah, khibrad farsamada gacanta laga qabanaayo ama xaalado kale darteed.

Qofka aanad buuxin shuruudaha rasmiga

Haddii aanad shuruudaha rasmiga ah ee ku xidhan ogolaanshaha ayay jiri karaan inaad hesho fursad waxbarashada laguugu qaadanaayo. Kuliyadaha ayaa mararka qaarkood taa sameeya haddii loo arko in ardaygu ka bixi karo waxbarashada kuna shaqeynayo karo xirfadda waxbarashada laga helaayo. La xiriir kuliyada oo weydii waxa halkaan looga baahan yahay.

Sidan ayaa loo dalban karaa

Kuliyad kasta iyadaa maamusha qaadashada ardayda waxbarashadooda. Toos ula xiriir sidaas darteed kuliyada, maarkaas ayaad ogaaneysaa xeerarka halkaas ka shaqeynaaya.

Waxbarashada kuliyada farsamada gacanta waxay ku taalaa halkan: yrkeshogskolan.se