Innehåll på denna sida

Barnaamijka caafimaadka, xanaanada iyo daryeelka

Somaliska (SOM)

Barnaamijka caafimaadka, xanaanada iyo daryeelka waxuu ku habboon yahay qofkii
raba inuu ka shaqeeyo howlo dadka wax loogu qabanaayo dadkaasoo da’doodu iyo
xaaladahooduba kala duwantahay.
Waxeey ahaan kartaa ka shaqeynta goobaha xilli firaaqaha iyo iskoollada xanaanada
carruurta.
Waxeey kaloo ahaan kartaa ka shaqeynta goobaha lagu daryeelo dadka da’da weyn.
Barnaamijka waxuu kaloo ku habboon yahay qofkii jecel inuu ka shaqeeyo sameynta
cuntada saxda ah iyo aalamiitada iyo sida eey saameyn ugu sameeyaan bini’aadamka.
Waa inaad jeceshahay inaad dad kale la shaqeysid isla markaana aad daneyneysid
adeeg wanaaga.

Waxaan ayaad barnaamijka ku baran doontaa

Waxaad baraneysaa horumarka bini’aadamka iyo baahida kala duwan oo eey dadka
qabaan, carruur iyo waayeelba.
Waxaad baraneysaa qaababka kala duwan ee cuuriyannimada iyo xanaaneynta iyo
daryeellida.
Waxaad fursad u heleysaa inaad baratid caafimaadka iyo caafimaad darrida.
Waxaad kaloo baraneysaa sida doorashada qaab nololeedka uu saameyn ugu sameyn karo caafimaadka.
Waxaad barnaamijka ku baraneysaa xuquuqul insaanka iyo dimuquraadiyadnimada
iyo su’aalo ku saabsan anshaxa.
Su’aalaha la xiriira goobaha shaqada waa qeybo muhiim ah oo barnaamijka ka tirsan
si uusan dhaawacyo kaaga soo gaarin shaqadaada mustaqbalka iyo si aad u heshid
caafimaad wanaagsan