Innehåll på denna sida

Waxqabadyada waxbarid ee kale

Somaliska (SOM)

Waxqabadyada waxbarid ee kale waxa weeye xanaanada carruurta oo loogu tala galay carruurta 1 iyo 12 sano jir u dhaxeysa.

Lärare som spelar gitarr och elever i förskoleklass som dansar.

Waxqabadyada kale ee waxbaridu qasab ma aha. Waxay ulajeedadu qeyb ahaan tahey in waalidka loo suurta geliyo inay waalidnimada shaqo ku dhex wataan, iyo inay qeyb ahaan carruurtu waxqabad dhiirri-gelin iyo horumar leh helaan.

Waxa jira afar nuuc oo kala duduwan oo waxqabadyada waxbarida ee kale ah:

  • Xannaanada waxbaridda
  • xanaano waqtiga maalintii ee aanay dugsiyada xanaanadu furneyn ama guriga xilliga firaaqad aan la bixineynin
  • xadaanada dadweynaha
  • Waxqabadyada xilliga firaaqada ee furan.

Xannaanada waxbaridda

Waxa xannaanada waxbaridda la siin karaa waaliddiinta taas raba, halkii ay carruurtoodu ka aadi lahaayeen dugsi xannaano iyo guriga xilliga firaaqada. Waxa xannaanada waxbaridda lagu bixin karaa guriga shaqaalaha, goob/lookaal kale ama xal ay qoysas badani wada helaan.

Sida ku xusan xeerka dugsiyada waa in kooxda carruurtu ay si habboon isugu dhafan yihiin, iyadoo ay tiradooda iyo goobahu/lookaaladu loogu talagalay arrinkaas. Waa inay sidoo kale joogaan shaqaale leh waxbarasho ama khibrad dabooli karta hawlaha waxbarid ee ay carruurtu u baahan yihiin. Waxqabadku waa inuu ka shidaal qaadanaayo ilme walba baahidiisa, waana in loona qaabeeyo si xoojineysa xiriirro dhinac walba leh iyo dhexgalka bulshada.

Yaa furan kara xannaano waxbarid?

Xannaano waxbarid waxaa furan kara degmo ama qof gaar ah. Degmadu waa in ay ku dadaasho in ay bixiso xannaano waxbarid oo kale halkii ay ka bixin laheyd dugsi xannaano ama guriga xilliga firaaqada haddii ay jiraan waaliddiin taas doonaysaa.

Kharashka

Degmooyinku kharash macquul ah ayay ka qaadan karaan booska xannaanada waxbaridda. Maanta ayay dhammaan degmooyinku xanaanad caruurta adeegsadaan nidaam kharashka ugu badan (maxtaxa) ah. waxa kharashka ugu badan micnahiisu yahay inta xadka ugu sareeya ee qoysaska laga qaadi karaa ay noqonayso, taas oo lagu saleynaayo dakhliga waaliddiinta. Maxtaxan waxay xitaa khuseysaa xannaanada waxbaridda, kuwa ay degmadu leedahay iyo kuwa gaarka loo leeyahay labadaba.

Xannaanada xilliga aanay dugsiyada xannaanada iyo guriga xilliga firaaqadu furneyn

Xannaanada waqtiyada aysan furneyn dugsiyada xannaanada iyo guryaha xilliga firaaqadu, waxaa tusaale ahaan lasiinkaraa fiidadki, habeennadi ama fasaxyada usbuuca.

Degmadu waa in ay ku dadaasho in ay carruurta xannaano u soo bandhigto waqtiga aysan furneyn dugsiga xannaanada iyo guriga xilliga firaaqada ilaa inta loo baahan yahay iyadoo la tixgelinayo shaqada waaliddiinta iyo sideeda kale xaaladda qoyska.

Xadaanada dadweynaha

Dugsiga xannaanada ee furan waxa loogu talagalay carruurta aan dugsi xannaanada ku qorneyn. Hal waalid ama qof weyn oo kale ayaa ilmaha dugsiga xannaanada ee furan u raacaaya Dugsiga xannaanada ee furan waxay carruurta siinayaa waxqabad waxbarid oo koox ahaaneed iyadoo dadka waaweyni la joogaan. Isla mar ahaantaas ayay dadka waaweyni wakhti lagu wada sheekeysto/bulshada lala qaato helayaan. Carruurtu meesha kuma qorna ee waaliddiinta ayaa go’aaminaya inta uu ilmuhu ka qeybqaadanaayo.

Waxqabadyada xilliga firaaqada ee furan

Waxqabadyada xilliga firaaqada ee furan waxa loogu talagalay 10–12 sano jirrada ee aan u baahneyn xannaanada iyo ka warhaynta la isku siiyo guriga xilliga firaaqada ama xannaanada waxbaridda. Qoysaska ayaa go’aaminaaya goorta iyo inta jeer ee ay carruurtu ka qeybqaadaneyso. Waxqabadyada xilliga firaaqada ee furan ayaa badiyaa lala diyaariyaa dugsiga, guryaha xilliga firaaqada iyo/ama waxqabadyada xilliga firaaqada ee degmada ee loogu talagalay carruurta iyo dhallinyarada.