Innehåll på denna sida

Waxbarashada dadka waaweyn ee baahida gaarka ah leh

Somaliska (SOM)

Waxbarashada dadka waaweyn ee baahida gaarka ah leh waxa loogu talogalay qofka qaba naafanimo dhanka garaadka ah ama uu ku dhacay dhaawac maskaxdu oo aan isla markaana heysan waxbarashada gaarka dugsiga hoose/dhexe ama sare ama tan dugsiga hoose/dhexe iyo kan sare. Laga bilaabo 1 Luulyo sanadaka qofku buuxiyo 20 sano ayuu bilaabi karaa inuu komvux som anpassad utbildning wax ka dhigto.

Qofka Iswiidhen ku cusub

Waxa jira waxbarashooyin kala duwan oo dadka waaweyn kala dooran karaan, waxbarashooyin lagu gaaraayo xirfad iyo waxbarashooyin kuu diyaarinaaya inaad wax ka sii barato kulliyada farsamada gacanta, kuliyad, ama jaamacad. Si aad u ogaato heerka ay waxbarashadii hore joogto ayaa la taliyayaasha waxbarashada iyo xirfada ee degmadaada ama dugsigaaga kaa caawin karaan si aqoontaada iyo khibradaada loogu qiimeeyo.

Waxa dugsiyada iyo degmooyinka jooga la taliye waxbarashada iyo xirfada kaas oo warbixin kaa siin kara waxbarashdaa iyo suuqa shaqada Iswiidhan labadaba.

Waxbarashada dadka waaweyn ee baahida gaarka ah leh – (Komvux som anpassad utbildning)

Waxaad komvux som anpassad utbildning ka dhigan kartaa koorsooyinka maadooyin kala duwan iyo iyadoo halkaa lagu qiimeeyo aqoonta qofka horey u watay. Waxaad heleysaa qorshe waxbarasho oo shakhsi ah kaas oo soo koobaaya hadafka aad ka leedahay waxbarashada iyo koorsooyinka la qaato.

Maxaad sameyn kartaa waxbarashada dadka waaweyn ee baahida gaarka ah leh

Waxaad waxbarashada dadka waaweyn ee baahida gaarka ah leh ka

  • baran kartaa waxbarasho heer dugsi hoose ama dugsi sare ah
  • kala dooran kartaa koorsooyin kala duwan
  • ku dhigan kartaa Iswiidhishka loogu talogalay dadka ajaanibka ah
  • heli kartaa waxbarasho xirfad ku wajahan
  • ka dhigan kartaa shahaaddo u dhiganta ta dugsiga sare ee dadka waaweyn ee baahida gaarka ah leh
  • aad hesho in aqoontaadii hore laguu qiimeeyo.

Yaa wax ka dhigan kara waxbarashada dadka waaweyn ee baahida gaarka ah leh ?

Waxbarashada dadka waaweyn ee baahida gaarka ah leh waxa loogu talogalay qofka qaba dhibaato koritaanka/naafanimo dhanka garaadka ah ama uu ku dhacay dhaawac maskaxdu oo aan isla markaana heysan waxbarashada gaarka dugsiga hoose/dhexe ama sare ama tan dugsiga hoose/dhexe iyo kan sare. Waxa kaloo komvux som anpassad utbildning loogu talogalay dadka waaweyn ee doonaaya inay dhameystiraan waxbarasho hore, ama doonaya iney beddelaan xirfad ama doonaya iney afka iswiidhishka bartaan.

Laga bilaabo 1 Luulyo sanadaka qofku buuxiyo 20 sano ayuu bilaabi karaa inuu komvux som anpassad utbildning wax ka dhigto. Si aad komvux som anpassad utbildning wax uga barato waa inaad sidoo kale Iswiidhan deggen tahay, oo aanad haysan aqoonta waxbarashda ee laga helaayo oo aad leedahay awooda aad waxbarashada kaga baxayso. Marmarka qaar ayaa la bilaabi karaa xitaa aad 20 sano jir ka tahay.

Sidan ayaa loo qorsheeyaa waxbarashada

Waxa jiri karta fursad waxbarasho wakhti laba galin ah/wakhti dhan ama mid galin/qeyb ah lagu qaadanaayo. Waxaa kaloo jiri karta fursad ah inaad koorsooyinka qaar ama qeybo ka mida koorsooyinka ku qaadato goob shaqo.

Waxa suurtogal ah in waxbarasho heerar kala duwan ah la isku wado. Tusaalle ahaan waxaad isku wadi kartaa barashada luqadda iswiidhishka loogu talogalay dadka ajaanibka ah (sfi) iyo waxbarashooyinka kale ee komvux som anpassad utbildning-ka laga qaato.

Warbixin intaa dheer ee ku saabsan koorsooyinka ka jira komvux-ka degmadaada ka la xiriir la taliyaha waxbarasho iyo xirfada ee degaankaaga wixii ku saabsan koorsooyinka kale duwan ee komvux som anpassad utbildning-ka degaankaaga lagu dhigto.

Qiimeynta iyo waxbarashada

Xilliga aad waxbarashada socoto ayaad si joogto ah warbixin uga heli doontaa waxaad baratay marka loo eego hadafka casharada.

Waa muhim inaad fahamsan tahay waxbarashadaada iyo adiga baahidaada aad horumar u qabto.

Shahaadada

Ardayda dhammaysata koorsooyinka ayaa darajo heli doona. Heerarka darajada ahaa kala ah A-E, A ayaa ah darajada ugu sareysa iyadoo ay E tahay ta ugu hooseysa.

Miyaad rabtaa inaad wax dheeraad ah ogaato?

La xiriir degmadaada. Waxaad macluumaadka aad kala xiriireyso ka heleysaa bogga internetka ee degmada.