Innehåll på denna sida

Ku saabsan dugsiga xannaanada

Somaliska (SOM)

Dugsiga xannaanada waxaa loogu talagalay carruurta u dhaxaysa hal sano ilaa lix sano. Waa in carruurta dhigata oo dhan uu u ahaado meel xiiso badan, xasilloon oo waxbarasho leh.

Dugsiga xannaanadu wuxuu ilmahaaga siinayaa hawlqabad carcargelinaya oo horumar leh, adiga mas’uulka ahna wuxuu fursad kuu siinayaa in aad isku wadi karto nolosha qoyska iyo in aad shaqaysato ama waxbarato.

Dugsiga xannaanadu waxaa uu seeska u dhigayaa waxbarashada sii soconaysa.

Dugsiga xannaanadu waa tallaabada koowaad ee nadaamka waxbarasho ee Iswiidhan, waxaanu seeska u dhigayaa waxbarashada soconaysa inta nolosha ka hadhay. Dugsiga xannaanada waxay carruurtu ka helaysaa fursad ay ku koraan oo wax ku bartaan qaab ah ciyaar, wax abuurid iyo wax baarid – si iskood ah, si koox koox ah iyo iyaga oo la shaqaynaya dadka waaweynba.

Waxbaridda, waxaa hoggaaminaya macallimad xannaano oo heer jaamacadeed ah, waxase jiri kara shaqaale kale oo gacan ka geysta in carruurtu korto oo waxbarato, tusaale ahaan sida xannaaneeye carruureed.

Shaqaalaha dugsiga xannaanada (boggani waa af iswiidhish)

Dhammaan dugsiyada xannaanadu waxay ku shaqeeyaan qaanuunka iskuulka iyo manhajka xannaanada

Dhammaan dugsiyada xannaanadu, waxay raacayaan qaanuunka iskuullada iyo manhajka xannaanada.

Dugsiga xannaanadu, waxaa uu cutub gaar ah ku leeyahay qaanuunka iskuulka. Halkaa waxyaalaha ku dhigan, waxaa ka mid ah, go’aammo ku saabsan ujeeddada laga leeyahay waxbarashada, marka carruurta loo oggolyahay dugsiga xannaanada, qiyaasta kooxaha carruurta iyo deegaanka iyo wixii quseeya taageerada gaarka ah iyo ka wadahadalka horumarka ilmaha.

Manhajka dugsiga xannaanadu, wuxuu qeexayaa waxa ay carruurta oo dhami xaqa u leeyihiin inta ay dhiganayaan dugsiga xannaanada. Tusaale ahaan wuxuu dhahayaa, in waxbarashada dugsiga xannaanada loo fuliyo qaabab dimoqoraaddi ah iyo in ay carruurtu ciyaarto oo saamayn ku yeelato hawlmaalmeedkooda.

Sidoo kale manhajka dugsiga xannaanada, waxaa ku yaal in daryeelka, horumarka iyo barashadu ay is dhammaystirayaan. Cashar dhigiddu waxay ahaanaysaa mid sii qorshaysan ama mid golekafuul ah labadaba, sababtoo ah horumarka iyo barashada carruurtu waa joogto. Cashar dhigidda dugsiga xannaanada, waxa uu ilmahaagu fursad u helayaa horumar dhinacyo kala duwan ah sida luqadda, xisaabta, caafimaadka iyo horumar sii jiri kara. Sidoo kale wuu kula shaqaynayaa dugsiga xannaanadu, adiga oo ah qofka ilmaha ka mas’uulka ah.

Manhajka dugsiga xannaanada (boggani waa af iswiidhish) External link, opens in new window.

Xaq u lahaanta dugsi xannaano ee bogga skolverket (boggani waa af iswiidhish) External link, opens in new window.

Xiriirka lagula yeelanayo adigaaga mas’uulka ah (waa af iswiidhish boggu) External link, opens in new window.

Dugsiga xannaanada, waa muhiim Ciyaariddu

Dugsiga xannaanada waxay ciyaartu ku leedahay boos muhiim ah dhammaan casharrada la bixinayo, haddii ay tahay ciyaarta ay carruurtu iska dheesho iyo ciyaarta ay shaqaaluhu soo jeediyaan. Ciyaarta waxay ku dhalinaysaa carruurta in ay ka shaqaysiiyaan oo ku kobciyaan khiyaalkooda, halabuurkooda iyo kartida wada shaqaynta iyo xiriirka.

Daryeel, horumarin, iyo barasho

Dugsiga xannaanada, waxaa is dhammaystiraya daryeelka, horumarka iyo barashada. Dhammaan carruurtu waa in ay kulmaan, isla ciyaaraan oo wax wada bartaan. Cashar dhigiddu waxay ahaanaysaa mid sii qorshaysan ama mid golekafuul ah sababtoo ah horumarka iyo barashada carruurtu waa joogto. Cashar dhigidda dugsiga xannaanada waxa uu ilmahaagu fursad u helayaa horumar dhinacyo kala duwan ah sida luqadda, xisaabta, caafimaadka iyo horumar sii jiri kara. Sidoo kale in xasillooni loo abuuro carruurta iyo mas’uuliintoodaba, waa shaqo muhiim ah oo u taal dugsiga xannaanada. Sidaa darteed waa in dugsiga xannaanadu la shaqeeyo cidda ka mas’uulka ah carruurta.

Dugsiga xannaanadu wuxuu ku shaqaynayaa seeska qiyamka

Dugsiga xannaanadu wuxuu u dhigayaa seeska in ay carruurtu fahmaan waxa ay dimoqoraaddiyaddu tahay. Waxaa ka mid ah in ay carruurtu xaq u leeyihiin ka qaybgelidda iyo saamayn yeelashada iyo in ay mas’uul ka yihiin wixii ay sameeyaan. Dugsiga xannaanada waxa ay carruurtu ku kobcinayaan awooddooda naxariseed iyo danaynta dadka kale. Carruurta oo dhami waxay helayaan fursado isku mid ah iyo shuruudo isu dhigma si ay u kobciyaan awoodahooda iyo xiisahooda. Sidoo kale dugsiga xannaanadu wuxuu si firfircoon uga shaqaynayaan sinnaanta gabdhaha iyo wiilasha

Horumarinta afka

Dugsiga xannaanada, waxa ay carruurtu ku horumarinayaan luqadda Iswiidhishka. Carruurta leh luqad hooyo oo aan Iswiidhishka ahayn, waxay fursad u helayaan in ay horumariyaan luqaddaas. Carruurta horumarisa afkooda hooyo, waxay sidoo kale fursado fiican u leeyihiin in ay bartaan Afka iswiidhishka. Carruurta waxaa la siinayaa deegaan luqadeed oo carcar geliya, sida in la dhegaysto wax kor loo akhriyayo iyo in laga hadlo wax qoran.

Carruurta dhegaha la’, carruurta dhegaha culus iyo carruurta siyaabo kale ugu baahan luqadda dhegooleyaasha, waxaa lagaga saacidayaa kobcinta luqaddooda, luqadda dhagooleyaasha ee Iswiidhishka ah.

Carruurta qoomiyadaha waddaniga ah ee laga tirada badanyahay, waxay taageerada kobcinta luqadda ku helayaan afkooda waddaniga ah. Waxa kale oo ay heli taageero ah in ay horumariyaan aqoonsigooda dhaqan ahaaneed. Qoomiyadaha laga tiro badanyahay ee Iswiidhan, waa Yahuudda, Roomaanka, Dadka dhulka loogu yimid ee Saamerka, Finishka reer Iswiidhan iyo reer Tuunedool. Ilmaha deggen aag lagu maamulo Af finish, af meänkieli ama af Saamer, waxay xaq u leeyihiin dugsi xannaano oo si buuxda ama si weyn ugu shaqeeya afafkaa waddaniga ah ee laga tiro badanyahay.

Xuquuqda uu u leeyahay in uu dugsiga xannaanada ku kobciyo afkiisa waddaniga ah ee laga tiro badanyahay, bogga Skolvetket (boggu waa af Iswiidhish). External link, opens in new window.

Xisaabta, sayniska iyo farsamada

Dugsiga xannaanada waxay carruurtu baari doonaan xisaabta, sayniska iyo farsamada gacanta. Waxa ay sidaa samayn doonaan iyaga oo baaraya oo ka figfikiraya tusaale ahaan ereybixinta kala duwan iyo dhibaatooyinka maalinlaha ah. Sidoo kale carruurtu waxay kobcinayaan aqoontooda dhijitaalka, waxayna baranayaan in ay noqdaan qaar wax naqdiyo oo xil kas ah dhinaca firsamada dhijitaalka.

Kuwee dhiganaya dugsiga xannaanada?

Dugsiga xannaanadu waa ikhtiyaari balse degmo-deegaanku waa in ay ilmaha ku casuunto booska dugsiga xannaanada, laga bilaabo gu jirkiisa.

  • Marka ay mas’uuliinta ilmuhu shaqaynayaan ama waxbarasho ku jiraan
  • Marka ay waalidiintu bilaa shaqo yihiin ama fasax waalidnimo ku jiraan
  • Haddii ilmuhu qabo baahi gaar ah oo ay keentay xaaladda qoysku

Carruurta ay mas’uulka ka yihiin dad bilaa shaqo ah ama fasax waalid ku jira, waxaa lagu casuumayaa boos ugu yaraan saddex saacadood maalintii ama 15 saanacadood wiiggii. Degmooyinka qaar ayaa bixiya wakhti intaa ka badan.

Weliba degmo-deegaanku waxay ku casuumaysaa dugsi xannaano:

  • Dhammaan carruurta, marka ay buuxiyaan saddex sano (maalintiiba saddex saacadood)
  • Carruurta u baahan in si gaar ah looga taageero koritaanka, sabab jireed, mid maskaxeed ama sabab kale darteed.

Haddii ilmahaagu, marka uu buuxiyo saddex sano, aanu haysan boos dugsi xannaano, waxay degmo-deegaanku u ku casuumaysaa ilmahaaga boos dugsi xannaano:

  • Haddii ilmahaagu ku dhashay dal kale oo uu Iswiidhan joogay ugu badnaan shan sano
  • Haddii aad adigu waalid ahaan ku dhalatay dal kale balse aad Iswiidhan deggentahay ugu badnaan shan sano.

Degmo-deegaanku waxay kuu xejinaysaa booska, ugu badnaan hal bil oo ka bilaabanta marka ugu horraysa ee uu ilmahaagu bilaabi karo. Xaq baad u leedahay in aad diiddo booska. Haddii aannu ilmahaagu bilaabin dugsiga xannaanada, waxaa xilli-dayreed kasta lagugu casuumayaa boos, ilaa uu ilmuhu buuxinayo shan sano.

Goorma ayuu ilmuhu xaq u yeelanayaa dugsi xannaano? Bogga Skolverket (boggani waa af Iswiidhish) External link, opens in new window.

Waa immisa qarashka booska dugsiga xannaanadu?

Waxaa bilaash ah 525 saacadood/sannadkiiba oo ka bilawda xillidugsiyeedka dayrta ee uu ilmuhu buuxinayo saddex jir. Idinku, haddii aad tihiin waalidiinta, waxaad bixinaysaan saacadahaas wixii dheer qarashkooda.

Waa degmo-deegaanka ama cidda diyaarisay dugsiga xannaanada, cidda go’aaminaysa qarashka halka boos ee dugsiga xannaanada. Qarashku waxaa uu ku xiranyahay inta uu leegyahay dakhliga dadka carruurta ka mas’uulka ahi. Balse waxaa jira heer aanu dhaafi karin qarashka dugsiga xannaanadu. Waxaa lagu magacaabaa ”maxtax” (inta ugu badan ee la bixin karo).

Khidamadehee ayaa jira dusgiga xannaanada?, bogga Skolverket (boggani waa af iswiidhish) External link, opens in new window.

Dugsiyada xannaanada ee ay degmadu leedahay iyo kuwa madaxabannaan

Waxaa jira dugsiyo xannaano oo ay degmadu leedahay iyo qaar madax bannaan. Haddii uu dugsiga xannaanadu yahay mid ay degmadu leedahay, waxaa ka mas’uul ah isla degmada. Dusgsi xannaano oo madaxbannaan, waxaa ka mas’uul noqon kara tusaale ahaan shirkad saamiley ah, mu’assasad waqaf ah ama urur. Dugsiyada madaxabannaan, waxaa quseeya isla sharciyada quseeya dugsiyada degmada.

Degmo-deegaanku waxa ay ka mas’uul tahay:

  • In ay dhammaan, carruurta u baahan, u diyaariyaan boosas dugsi xannaano
  • In ilmaha lagu casuumo boos dugsi xannaano
  • In la kontoroolo in dhammaan hawlqabadyadu ay buuxinayaan shardiga tayada wanaagsan iyo nabadgelyada.

Hay’adda kormeerka dugsiyadu waxay kontorooshaa dugsiyada xannaanada ee degmadu leedahay iyo xilkasnimada degmooyinka ee ku aaddan hawlaha dugsiyada xannaanada iyo fursadaha la siiyo.

Jihooyinka barbaarineed ee dugsiga xannaanada

Dugsiyada xannaanadu, waxay lahaan karaan amaba saamayn kara, jihooyin kala duwan oo barbaarineed. Taas macneheedu waxaa weeye, in ay ka duulayaan afkaar aasaasi ah oo kala duwan oo ku saabsan bina-aadanka iyo sida ay carruurtu wax ugu bartaan hawlqabadka maalinlaha ah. Siday doonto ha noqoto, jihada barbaarineed e, waa in ay dhammaan dugsiyada xannaanadu ku shaqeeyaan manhajka dugsiyada xannaanada.

Jihooyinka barbaarineed ee dugsiyada xannaanada (boggani waa af iswiidhish) External link, opens in new window.

Dalbashada boos dugsi xannaano

Degmo-deegaankaagu, waxay warbixin ka hayaan dugsiyada xannaanada ee ay degmadu leedahay. La xiriir degmo-deegaankaaga si aad u ogaato sida aad boos uga dalbanayso dugsi xannaano oo degmadu leedahay. Haddii aad doonayso in ilmahaagu dhigto dugsi xannaano oo madaxbannaan, waxaad la xiriiraysaa isla dugsigaas.

Hel oo isbarbardhig dugsiyada xannaanada

Maxaa adiga kuu ah mihiim ah, haddii aad tahay mas’uulka ilmaha, marka aad ilmahaaga u doorayso dusgi xannaano? Waxaannu soo ururinnay warbixin ku saabsan waxa fiican ee ay tahay in aad maskaxda ku hayso iyo soo jeedin aannu kuu soo jeedinayno su’aalaha aad adigu is waydiin karto iyo kuwa aad waydiinayso dugsiga xannaanada.

Xaqiiqooyin iyo talooyin quseeya marka aad raadinayso dugsi xannaano iyo isbarbardhiggooda (boggani waa af Iswiidhish). External link, opens in new window.

Dugsiga xannaanada waxaa loogu talagalay ilmahaaga

Filin: Dugsiga xannaanada waxaa loogu talagalay ilmahaaga (wakhtiga 5:05 daqiiqo)

Sideebey tahay in la dhigto dugsi xannaano, muxuuse ubadkaagu halkaas ka baran karaa? Filinkan, waxaan hal maalin oo caadi ah kula socon doonnaa Amiir inta uu ku dugsiga xannaanada ku suganyahay. Filinkan waxaa loogu talagalay waaliddiinta ilmahoodu xannaanada billaabi doonaan, oona weli xiriir la yeelan goobaha xannaanadda ee dalka Iswiidhan. Halkan waxaad ka aqrisan kartaa jawaabta su`aalaha ugu caadiyeeysan ee goobaha xannaanada ku saabsan.