Innehåll på denna sida

Barnaamijka hoteelka,
makhaayadda iyo macmacaanka

Somaliska (SOM)

Barnaamijka hoteelka, makhaayadda iyo macmacaanka waxuu ku habboon yahay qofkii raba inuu ka shaqeeyo cunto karis, dubidda iyo raashinka.
Barnaamijkaan waad dalban kartaa haddii aad jeceshahay inaad marti ku soortid hoteellada iyo makhaayadaha.
Waa inaad jeceshahay inaad ka shaqeeysid adeega bulshada isla markaana aad xiiseyneysid inaad dadyow kala duwan la kulantid

Waxaan ayaad barnaamijka ku baran doontaa

Waxaad baraneysaa cunto karis, dubidda iyo cunto soo dhigidda.
Waxaad baraneysaa sida loo xanaaneeyo raashinka iyo sida looga shaqeeyo kijjooyinka kala duwan.

Barnaamijka waxaad ku baraneysaa aqoon ku saabsan nadaafadda, cuntada isbishaalaha ah iyo diyaarinta khamriga.
Waxaad ka shaqeyneysaa howlo kala duwan oo kuu diyaarinaya ka shaqeynta hoteellada.

Waxaad ka shaqeyneysaa sida adeeg fiican loo siiyo macaamiisha iyo martida.
Su’aalaha la xiriira goobaha shaqada waa qeybo muhiim ah oo barnaamijka ka tirsan
si uusan dhaawacyo kaaga soo gaarin shaqadaada mustaqbalka iyo si aad u heshid
caafimaad wanaagsan