Innehåll på denna sida

Dugsiga sare ee carruurta baahida gaarka ah leh

Somaliska (SOM)

Dugsiga sare ee carruurta baahida gaarka ah leh waa waxbarasho socota afar sano oo loogu talogalay ardayda da'doodu u dhaxeyso 16 iyo 20 sano jir ee qaba naafanimo garaadka ama dhaawac maskaxdu ku dhacay. Dugsiga sare ee carruurta baahida gaarka ah leh wuxuu ka kooban yahay barnaamijka qaran ahaaneed iyo barnaamij shakhsi ahaaneed.

Två elever och en lärare i skyddshjälmar utomhus.

Barnaamijyada qaran iyo ka shakhsi ahaaneed

Waxa dugsiga sare ee carruurta baahida gaarka ah leh ka jira sagaal barnaamij qaran. Dhamaantood waa kuwo xirfad u diyaarina ah oo ujeedadooduna tahay iney ardayda u diyaariyaan nolosha shaqada. Barnaamijka howlaha farshaxanka (estetik) iyo barnaamijka bulshada, sayniska iyo luqada ayaa sidoo kale loogu diyaaraa waxbarasho la sii wato oo tusaale ahaan laga qaato dugsiga la seexdo ee dadka waaweyn ee folkhögskola. Barnaamijyada qaran waa kuwo gaar ahaan loogu diyaariyo xirfado. Barnaamij qaran ayaa xataa loo fulin karaa sidii waxbarasho goob shaqo oo dugsiga sare, halkaas oo ugu yaraan waxbarashada barkeed ay ka dhaceyso mid ama dhowr goobood oo shaqo.

Ardayda oo dhami waa inay xitaa sameeyaan shaqo dugsi sare oo gaarka ah, halkaas oo uu ardaygu tusaayo inuu fulin karo howlo shaqo caadi ah oo ku jira dhinacyada xirfadeed ee barnaamijka.

Barnaamijyada gaarka ah waxa loogu talogalay ardayda aan ka qeybqaadan karin casharada barnaamijka qaran. Waxa uu barnaamij kasta soconayaa afar sano wuxuuna ka kooban yahay qeybaha maadooyinka.

Xataa shaqo baraaktiik ah ayaa ka mid noqon karta barnaamijyada shakhsi ahaaneed.

Codsiga barnaamijka dugsiga sare ee carruurta baahida gaarka ah leh

Codsiga barnaamijyada qaran ama shakhsi ee dugsiga sare ee carruurta baahida gaarka ah leh waxa loo gudbinayaa degmada la degan yahay kuwaas oo eegaaya codsiga oo markaana go'aan ka gaaraaya codsiga.

Qiimeynta iyo waxbarashada dugsiga sare ee gaarka ah

Waxaad dusgsiga ka heleysaa warbixin joogta ah ee ku saabsan waxa aad baratay marka loo eego hadafyada barnaamijyada iyo hadafka casharada.

Macalinka, adiga laftaada iyo ardayda kale ayaa jawaab celin siin kara taas oo adiga kuu saamixi karta sare u qaadida waxbarashadaada. Waxaad sidoo kale barahaaga wadahadal kula sameyn kartaa sida aad ugu horumarineyso waxbarashadaada iyadoo la qiimeynayo waxaad u baahan tahay iyo waxaad taqaano. Waa muhim inaad adiga laftaadu fahamsan tahay adigu waxbarashadaada iyo baahidaada aad horumar u qabto.

Wada hadalka horumarka dugsiga sare ee gaarka ah

Ugu yaraan hal mar xilli dugsiyeed kasta waa inaad adiga, macalinkaaga, iyo daryeelaha/masuulku ay kulmaan si ay iskula eegaan sidaad dugsiga ugu dhigato iyo sidaas uga hesho. Waxa loo yaqaanaa wadahadalka horumarka ardayga. Wadahadalka ayaa sawir ka bixinaya horumarkaaga aqooneed iyo kan bulsho ahaaneed.

Inta uu wadahadalku socdo waa inaad ka wada hadshaan sida uu dugsigu kuu taageeri karo oo uu una dhiirri gelin karo waxbarashadaada. Wada hadalkan ayaa adiga iyo masuulkaagaba siin doona fursad aad ku saameyn doonto oo aad masuuliyad uga qaadeyso waxbarashadaada. Halkan waxa ka mid ah waxyaalaha la isla soo qaadaayo wixii baahida la qabsiga dugsiga ah iyo haddii gargaar gaar ah loo baahan yahay.

Qiimeynta iyo shahaaddada dugsiga sare ee gaarka ah

Ardayda barnaamijka qaran dhigataa waxay heleyaan shahaaddo markay koorso kasta dhameeyaan. Waxa kooraso kasta uu leeyahay shuruuddo aqooneed oo sheegaya waxa loo baahan yahay in gaadho. Ardayga dhigtay barnaamij qaran ama mid gaarka ah waxay markay barnaamijka dhameeyaan helaan cadeyn dugsi sare ee carruurta baahida gaarka ah leh ah.

Waxa darajo ahaan la isticmaalaa xuruufta A-E. Darajada ugu sareysa waa A halka tan ugu hooseysaa ay E tahay. Barnaamijyada gaarka ah shahaaddo laguma bixiyo ee waxaa la qiimeeyaa aqoontaada ka dib marka la gaaro heerka waxa la iska rabo

Miyaad rabtaa inaad wax dheeraad ah ogaato?

La xiriir la taliyaha waxbarashada iyo xirfada ee dugsigaaga si aad u hesho talo iyo waxbixin ku saabsan barnaamijka kugu haboon.