Innehåll på denna sida

Fasalka dugsiga xannaanada

Somaliska (SOM)

Carruurta badankoodu waxay fasalka dugsiga xannaanada billaabaan marka ay yihiin lix sano jir. Fasalka dugsiga xannaanada ka dib waxaa billaabanaya dugsiga hoose-dhexe ee sagaalka sano soconaaya.

Två barn i förskoleklass som tittar på ett papper.

Carruuta deggan Iswiidhan waxaa waajib ku ah in ay iskool dhigtaan laga billaabo sanadka ay lix sano buuxinayaan. Markaas ayey carruurta badankoodu billaabaan fasalka dugsiga xannaanada. Fasalka dugsiga xannaanada ka dib waxay carruurtu billaabaan dugsi hoose-dhexe ama qaab iskooleed kale oo u dhigma. Sanad dugsiyeed kasta wuxuu u qeybsanyahay laba xilli dugsiyeed, mid deyrta ah iyo mid guga ah.

Iskoolladu waxay noqon karaan kuwa degmadu leedahay ama kuwa xor ah

Dugsiyada hoose-dhexe waxay noqon karaan kuwo degmada leedaha ama kuwa xor ah. Dugsiyada hoose-dhexe badankooda waxaa iska leh degmada, inta badanna carruurtu waxay dhigtaan iskoolka degmada ee gurigooda ugu dhaw.

Dugsi hoose-dhexe oo kasta wuxuu fursad u haysta in uu lahaado takhasusyo gooni ah, tusaale ahaan fasallo ingiriis ah, ama fasallo dhaqan- iyo isboorti ah.

Iskoollada xorta ah dhammaan wey u furanyihiin, waxa lagu dhigayana waa in ay u qalmaan waxa lagu bixiyo dugsiyada degmooyinka. Dugsiyada xorta ah waxaa leh cid kale (milkiile) oo aan degmada ahayn.

Fasalka dugsiga xannaanada

Dhammaan carruurtu waa in ay dhigata fasalka dugsiga xannaanada laga billaabo sanadka ay lix sano buuxinayaan laakin mararka qaarkood wuxuu ilmuhu billaabi karyaa isagoo jira shan sano ama toddoba sano. Fasalka dugsiga xannaanadu waa lacag la’aan, waxaana sanad dugsiyeedkiiba la dhigtaa 525 saacadood.

Waxa la dhigayo waa in ay dhiirri geliyaan horuumarka iyo waxbarashada ilmaha. Waa in sidoo kale ay u diyaariyaan waxbarasho sii wadasho. Ciyaar, wax abuurid iyo wax baarbaaris waa qeybo muhiim ah oo ka mid ah waxbarashada carruurta.

Hawlaha fasalka dugsig xannaanada

Waxbarashadu waa in ay ka duushaa aragti ah guud oo ay dhan walba ka aragto ardayga iyo baahidiisa. Fasalka dugsiga xannaanadu wuxuu sidoo kale u gol leeyahay in uu ilmaha siiyo fursad ah in uu horuumariyo xiriirradiisa saaxibbada kale iyo in uu dareemo ka mid ahaansho iyo kalsooni kooxda gudeheeda ah. Sidaas oo kale waa in waxbarashadu ay ardayga siisaa fursado ah horuumarinta kartiisa wada shaqyn iyadoo laga duulayo hab dhaqan dimuquraaddi ah oo naxariis kujirto

Waxbarashadu waxay ardayda fursad u siineysaa in ya horuumariyaan awooddooda ku aaddan in ay fikradahooda tijaabiyaan ayna hormariyaan, in ay dhibaatooyin xalliyaan iyo in ay fikradahooda wax qabad u beddelaan.

Fasalka dugsiga xannaanada waxay ardaydu ku baraneysaa in ay af ahaan iyo qoraal ahaan xiriir ku sameeyaan. Qaabab farshaxan oo kala duduwan ayey carruurtu ku baranaan in ay xiriir sameeyaan iyagoo tusaale ahaan kaashanaya jilitaan, qoob ka ciyaar, muusiko, sawir iyo qaabab kale. Waxyaabaha lagu dhigto fasalka dugsiga xannaanada waxaa ka mid ah adeegsiga erayada xisaabta ee micnaha weyn leh si dhibaato loo xalliyo iyo in la baarbaaro, lana sharraxo dhacdooyin iyo waxyaabo isku xiran oo xagga dabiicada ah ama meelo kale oo uu fasalka dugsiga xannaanadu booqanayo. Fasalka dugsiga xannaanadu wuxuu ardayda fursad u siinayaa in ay bii’o kala duwan dhaqdhaqaaqyo ku sameeyaan si ay markaas u fahmaan waxa saameynaya caafimaadka iyo wacnaashho ku noolaashada. Hawsha fasalka dugsiga xannaanadu waxay socon kartaa ugu badnaan 6 saacadood maalintiiba.

Waa degmooyinka cidda mas’uulka ka ah in ardayda lagu casuumo fasal dugsi xannaano. Fasalka dugsiga xannaanada ee ay leeyihiin iskoollada xorta ah waa wax beddel ahaan la dooran karo halki laga dhigan lahaa fasalka dugsiga xannaanada ee degmada.