Innehåll på denna sida

Barnaamijka hordhaca

Somaliska (SOM)

Barnaamijka hordhaca ayaa loogu talogalay ardayga aan u qalmin barnaamijada qaran ee dugsiga sare. Barnaamijka uu ardaygu gali karo waxay ku xiran tahay hadafka aad barnaamijka waxbarashada ka leedahay.

Tre gymnasieelever som står i bredd och ler.

Barnaamijka hordhaca waxa bedelkiisa la sameyn karaa in ilaa laba sano la sii dhigto dugsiga hoose/dhexe si loogu qalmo. Barnaamijka hordhaca ayaa loogu talogalay inuu qofka aan barnaamijka qaran u qalmin siiyo fursad uu ku soo galaayo barnaamij noocaas ah ama fursad kuu horseedeysa inaad shaqo hesho.

Waxbarashada barnaamijka hordhaca ahi waa inuu raacaa qorshe waxbarasho oo leh ujeedo, mudada ay socoto isla markaana leh maadooyin ugu weyn ee lagu dhigto. Qorshe waxbarasho oo gaar ah waa in arday kasta loo sameeyaa. Taas waxa loo qaabeynayaa adiga hadafkaaga waxbarasho, baahiyahaaga iyo waxaad xiiseyso.

Marka laga bilaabo deyrta 2019 ayaa waxa jira afar barnaamij hordhac oo kala duwan: Doorasho barnaamij ku wajahan, Hordhac xirfadeed, Beddelka gaar ahaaneed iyo hordhaca luqada. Barnaamijyadan ayaan midkooda shahaado lagu qaadaneynin, balse waxay ujeedadu tahay iney kugu hogaamiyaan barnaamij kale ee qaran ama shaqo.

Waxbarashadu waa mid labada galin ah/ wakhti buuxa ah iyadoona waxa ay ka kooban tahay ay ku xiran tahay qorshaha waxbarasho ee shakhsi ahaaneed. Qorshaha waxbarasho ee shakhsi ahaaneed ayaa laga bilaabo 1-da Luulyo 2019 sharaxaaya ujeedada waxbarashada, waxa ay ka kooban tahay ee ugu muhiimsan iyo dhererka. Hadafka waxbarashada ayaa ka dib saameynaaya sida uu u ekaanayo qorshaha waxbarasho ee shakhsigu. Ardayga dhameysta barnaamijka hordhaca ayaa helaaya shahaaddo dugsi sare.

Si adiga lagaaga caawiyo inaad ogaan barnaamijka kugu haboon, waxaad ayaad la hadli kartaa la taliyaha waxbarashada iyo xirfada ee dugsigaaga.

Afarta barnaamij hordhac ee kala duwan

Doorashada barnaamij ku wajahan

Doorashada barnaamij ku wajahan waxa loogu talogalay qofka doonaaya waxbarasho ku wajahan barnaamij khaasa ah oo qaran si aad sida ugu dhakhsaha badan laguugu qaato barnaamij qaran. Barnaamijka qaran ee waxbarashadu ku wajahan tahay ayaa noqon kara mid xirfadeed ama mid u diyaar gareynaaya barnaamij jaamacadeed.

Waa degmada aad deggen tahay cida ka masuulka ah in ardayda buuxisa shuruudaha u qalmida ee barnaamijka ku wajahan loo soo bandhigo barnaamijka.

Waxa u qalmaaya qofka

  • ku baasay Iswiidhishka ama Iswiidhishka luqada labaad ahaan ah
  • Xisaab iyo Ingiriisi iyo sadax maaddo oo kale, ama
  • Iswiidhish ama Iswiidhishka luqada labaad ah
  • Xisaab ama Ingiriisi iyo afar maaddo oo kale.

Hordhaca xirfada

Hordhaca xirfada waxa loogu talogalay qofka doonayo waxbarasho xirfad ku wajahan, balse aan ku baasin darajooyinka looga baahan yahay inu lagu dhigto barnaamij xirfadeed.

Hordhaca xirfada ayaa ka koobnaan kara waxbarasho si aad u hesho shaqo ama si aad u dalban karto barnaamij xirfadeed. Waxbarashada ayaa ka koobnaan karta maadooyinka dugsiga hoose/dhexe ee aanad ku baasin, koorsooyinka barnaamijka xirfadda, wax ka barasho goob shaqo (arbetsplatsförlagt lärande ama apl) ama baraktiik iyo waxqabad kale ee aad uga baahan tahay horumarinta aqoontiisa. Waxbarashada kadib wuxuu ardaygu raadsan karaa shaqo ama wuxuu sii wadan karaan barnaamijka xirfadda.

Ku beddel shakhsi ahaaneed

Ku beddel shakhsi ahaaneed waxa loogu talogalay qofka doonaaya waxbarasho si uu shaqo ugu helo ama waxbarasho dugsi sare ama waxbarasho kale ugu sii wato. Waxaanad ku baasin mid ka mida maadooyinka looga baahan yahay in lagu galo barnaamijka qaran.

Waxbarashadu waxay tusaalle ahaan ka koobnaan kartaa maadooyinka dugsiga hoose/dhexe ee aanad ku soo baasin, koorsooyinka barnaamijka qaran iyo waxqabadyada kale sida kuwa kordhiya niyada ama baraaktiiga. Waxbarashada ka dib ayaad shaqo raadsan kartaa ama aad dugsiga sare sii dhigan kartaa.

Hordhac luqada

Hordhac luqada ayaa qofka Iswiidhan ku cusub oo aan heysan shahaaddada looga baahan yahay in lagu dhigto barnaamijka qaran una baahan waxbarashada luqada iswiidhishka ah. Waxbarashada waxay ahmiyada saaraysaa afka Iswiidhishka si uu ardaygu ugu gudbo barnaamij kale ee hordhac ah, barnaamijka qaranka, waxbarashada dadka waaweyn ama xirfadda. Warbarashada ayaa la eegayaa isla markaana la waafajinayaa waayo aragnimada ardayga, aqoontiisa iyo hadafkiisa waxbarashada.

Lärare och elev som sitter och tittar i en bok.

Waxbarashadu waxay ka koobnaan doonta casharo Iswiidhisha iyo maadooyin kale ee dugsiga hoose/dhexe, koorsooyin barnaamijka qaran iyo waxqabadyo kale ee aad uga baahan tahay horumarka aqoontaada. Waxbarashada ka dib waxaad akhriyi kartaa dugsiga sare ama waxbarasho kale.

Innehåll på denna sida