Innehåll på denna sida

Waxbarashada dadka waaweyn ee degmada – komvux

Somaliska (SOM)

Waxbarashada dadka waaweyn ee degmada (komvux) waxa loogu tala galay dadka waaweyn ee aan laheyn waxbarashada dugsiyada hoose/dhexe iyo sare. Komvux ayaad ku dhameystiran kartaa waxbarashadaadi hore ama waxad dooran kartaa inaad bilowdo jiho waxbarasho cusub. Laga bilaabo 1 juulaay sanadaka qofku buuxiyo 20 sano wuxuu bilaabi karaa inuu wax ka dhigto komvux.

Haga yaasha waxbarasho iyo kuwo xirfadeed ee iskuulada iyo degmooyinka ayaa warbixin intaa dheer oo ku saabsan waxbarashada kala duwan iyo suuqa shaqada iswiidhishka ku siin kara.

Qofka ku cusub Iswiidhen

Waxa jira waxbarasho kala nooca oo uu qofka qaan gaara dooran karo, waxbarasho kugu hogaamin karta xirfad iyo waxbarasho aad ugu diyaar garoobeyso sidii aad wax uga baran laheyd xirfad shaqo ama jaamacadaha kale. Si aad u ogaato heerka ay taagan tahay waxbarashada aad horey u heysatay waxaa qiimeynta aqoontaada iyo waaya aragnimada aad wadato kaa caawin kara hagaha waxbarasho iyo xirfadeed ee degmadaada ama iskuulkaada.

Haddii aad dooneyso inaad ka shaqeyso ama wax ku barato Iswiidhen waxad u baahan tahay barashada afka. Waxaad qaadan kartaa kooraska iswiidhishka ajaaniibta (SFI) adigoo ku bar bar wada maadooyin kale.

Haddii aad hore u laheyd waxbarasho waxad u baahan kartaa inaad dhameystirato taa si aad ama shaqo u hesho ama aad waxbarasho kale u sii wadato.
Waxaa iskuulada iyo degmooyinka laga heleyaa hage waxbarasho iyo mid xirfadeed oo warbixin intaa ka badan ku siin kara, haddii ay noqon laheyd waxbarashada ama suuqa shaqada Iswiidhen.

Waxbarashada dadka waaweyn ee degmada – komvux

Waxbarashada dadka waaweyn ee degmada (komvux) waxa loogu tala galay dadka waaweyn ee aan laheyn waxbarashada dugsiyada hoose/dhexe iyo sare. Komvux ayaad ku dhameystiran kartaa waxbarashadaadi hore ama waxad dooran kartaa inaad bilowdo jiho waxbarasho cusub. Waxaad kalood komvux ka dhigan kartaa afka iswiidhishka, waxbixin intaa dheer ka aqriso qeybta afka iswiidhishka ajnabiga (SFI) ee qoraalkan hoos ku qoran.

Markaad waxbarasho ka bilowdo komvux waxaad xaq u yeelaneysaa qorshe waxbarasho shakhsi. Dhamaan waxbarashada kala duwan ee degmadu masuulka ka tahay waxa lagu dhigtaa lacag laaan.

Waxaad komvux ka heli kartaa:

  • dhigashada sfi iyo koorsooyin u qalma kuwa dugsiyada hoose/dhexe iyo sare,
  • diyaarinta shahaaddo u qalanta dugsiga sare,
  • dhameystirka waxbarasho hore si aad u dhigan karto jaamacad ama jaamacad xirfadeed,
  • helidda waxbarasho xirfadeed,
  • baarintaanka aqoontaada ku saabsan maado,
  • helida sidii laguu qiimeyn lahaa aqoontaada hore.

Yaa wax ka dhigan kara komvux?

Laga bilaabo 1 juulaay sanadaka qofku buuxiyo 20 sano wuxuu bilaabi karaa inuu wax ka dhigto komvux. Qofka wax ka barayaan komvux waa inuu deggen yahay Iswiidhen, aanu laheyn aqoonta waxbarashdu siineyso iyo inuu karo inuu ku baaso waxbarashadaa. Waxa dhici karta mararka qaar inuu komvux-ka dhigto qof dadiisu ka yar tahay 20 sano.

Sidan ayaa loo qorsheeyaa waxbarashada

Waxa jiri karta fursad waxbarasho oo saacado buuxa ah ama mid qeyb ah. Waxad wax ku dhigan kartaa iskuulka, ka qeyb qaadasho waxbarasho adigoon joogin iskuulka ama adigoo labada isku dara. Waxaa kaloo jiri karta fursad ah inaad koorsooyinka qaar ama qeybo ka mida ku qaadato goob shaqo.

Waxa la isku dhex wadi karaa waxbarasho heerkeedu kala duwan yahay. Tusaalle ahaan waxa la wada dhigan karaa barashada luqadda iswiidhishka ee ajaanibta (sfi) iyo waxbarasho kale ee laga qaato waxbarashada dadka waaweyn (komvux).

Warbixin intaa dheer ee ku saabsan koorsooyinka ka jira komvux-ka degmadaada ka la xiriir hagaha waxbarasho iyo xirfadeed ee dugsiga waxbarashada dadka waaweyn aad dooneyso inaad dhigato ama degmada aad ku nooshahay.

Qiimeynta iyo waxbarashada

Mudada waxbarashadu socoto waxaad si joogto ah u heli doontaa warbixinta waxa aad baratay marka loo eego hadafka casharada. Waxaa muhima inaad fahamto inaad wax baraneyso iyo baahida aad u qabto horumarka.

Shahaaddo

Waxaa waxbarashada dadka waaweyn laga isticmaalaa shahaaddo leh darajada A-F, sida tusaalle ahaan tan laga isticmaalo dugsiyada hoose/dhexe iyo sare. A ayaa ah darajada ugu sareysa iyadoo E ay tahay tan ugu hooseysa ee baasidda. Shahaaddada F ayaa la helaa marka qofku guul dareysto. Macalinkaaga ayaa bixiya shahaaddada kadib markuu kooras kasta dhamaado.

Imtixaamid– sidan ayey u shaqeysaa

Imtixaanka ayaa loola jeedaa in la qiimeeyo aqoontaada iyadoo loo eegayo shuruudaha aqoonta si aad u hesho shahaaddada maadada ama kooraska aad qaadatay. Waxaad xaq u leedahay inaad imtixaan ku gasho dhamaan maadooyinka iyo koorsooyinka shahaaddada lagu bixiyo. Imtixaanka waxa sameyn kara oo keliya degmada masuulka ka ah kooraska aad qaadaneyso. Si aad u sameyso imtixaanka waa inaad ku nooshahay Iswiidhen.

Ujeedada imtixaanka ayaa ah in la ogaado aqoonta ardayga ee qeybaha kala duwan ee shuruudaha aqoonta maaddada ama kooraska. Sida loo fuliyo taa waxa goaan ka gaaro iskuulka. Sidoo kale iskuulka ayaa goaan ka gaara sida iyo goorta la sameynayo imtixaanka. Ardaygu isagu ma dooran karo inuu imtixaanka sameeyo waqti ugaar ah


Waxaa imtixaan loo gali karaa aqoonta dugsiyada hoose/dhexe, sare iyo dugsiyada waxbarashada dadka waaweyn. Waa imtixaanka lagu heli karaa dhamaan darajooyinka kala duwan ee shahaaddada. Haddii aad horey u heysatay shahaaddo baasid ah ee kooras, balse aad dooneyso inaad imtixaan sameyso si aad sare ugu qaado shahaaddada, markaa wuxuu iskuulku xaq u leeyahay inuu kharsh kaa qaado. Kharashka ayaa ugu badnaan ah 500 oo karoon.

Qiimeyn– helida qiimeynta aqoontaadi hore

Qiimeynta waxa loola jeeda baaritaanka iyo qiimeynta aqoontu qofku leeyahay. Waxa jirta fursad qofka loogu qiimeyn karo aqoontiisii iyo waaya aragnimadiisii hore. Ujeedada qiimeyntu waxey noqon kartaa inaad:

  • inaad bilowdo waxbarasho iyadoona bilowga la is waafijinayo heerka aqoonta si aad uga maaranto inaad ku celiso wax aad horey u taqaaney.
  • in la dhimo waqtiga ay waxbarashadu kugu qaadan karto, ama
  • la diiwaan geliyo aqoontaada si aad ugu qaadan karto taa tusaalle ahaan wareysi shaqo.

Haddii aad dooneyso qiimeynta aqoontaada, la xiriir degmadaada.

Innehåll på denna sida