Innehåll på denna sida

Sfi - Iswiidhishka loogu talogalay dadka ajaanibka

Somaliska (SOM)

Loogu talogalay dadka 16 jirka ka weyn.

Waxbarashada iswiidhishka ajnabiga (sfi) waxa loogu talogalay qofka aqoon asaasi ah oo afka Iswiidhishka ah u baahan. Ujeedadu waxa weeye in la barto afka Iswiidhishka si qofku af iyo qoraal ahaanba isugu dabari karo luqadda, ugu isticmaali karo nolol maalmeedkiisa, bulshada shexdeeda, nolosha shaqada isla markaan wax ugu baran karo haddii uu taa doorto.

Qofka Iswiidhen ku cusub

Waxa jira waxbarashooyin kala duwan oo dadka waaweyn kala dooran karaan, waxbarashooyin lagu gaaraayo xirfad iyo waxbarashooyin kuu diyaarinaaya inaad wax ka sii barato kulliyada farsamada gacanta, kuliyad, ama jaamacad. Si aad u ogaato heerka ay waxbarashadii hore joogto ayaa la taliyayaasha waxbarashada iyo xirfada ee degmadaada ama dugsigaaga kaa caawin karaan si aqoontaada iyo khibradaada loogu qiimeeyo.

Waxa dugsiyada iyo degmooyinka jooga la taliye waxbarashada iyo xirfada kaas oo warbixin kaa siin kara waxbarashdaa iyo suuqa shaqada Iswiidhan labadaba.

Sfi - Iswiidhishka loogu talogalay dadka ajaanibka

Waxbarashada iswiidhishka ajnabiga (sfi) waxa loogu talogalay qofka aqoon asaasi ah oo afka Iswiidhishka ah u baahan. Ujeedadu waxa weeye in la barto afka Iswiidhishka si qofku af iyo qoraal ahaanba isugu dabari karo luqadda, ugu isticmaali karo nolol maalmeedkiisa, bulshada shexdeeda, nolosha shaqada isla markaan wax ugu baran karo haddii uu taa doorto. Qofka aan wax ku qori karin kuna aqrin karin afkiisa hooyo ayaa la siinayaa fursad uu taas ku barto.

Ayaa sfi wax ka dhigan kara?

Si aad wax uga barato sfi, waa inaad 16 sano jir tahay. Ma jirto xad daada sare ee qofku ku bilaabi karo dhigashada sfi. Waa inuu qofku deggen yahay Iswiidhen isla markaanu aanu heysan aqoonta asaasiga ee afka Iswiidhishka ee waxbarashada laga helaayo.

Sidan ayaa loo qorsheeyaa waxbarashada

Waxbarashada ayaa loo qorsheeyaa, loo qaabeeyaa oo isla markaana la waafajiyaa xaaladaada, baahidaada iyo hadafkaada. Maadaama oo sfi loogu talogalay dad leh waaya aragnimo kala duwan, xaalado kala duwan ee nolosha, aqoon iyo hadaf waxbarasho oo kala duwan ayaa koorasad ay dadka kala duwan ku qaataada mudo kala duwan. Koorsada ayaa sidaas darteed la bilaabaa oo lana dhameeyaa xilliyo kala duwan taasoo qofka ku xiran.

Ardayga ayaad haysataa ugu yaraan 15 saacadood oo casharo ah todobaadkii. Casharada ayaa laggu dhigaa afka Iswiidhishka laakiin barashada akhriska iyo qoridda ayaa lagu qaato afkaaga hooyo ama af kale ee aad ku hadasho. Waxaa sfi lagu dhex wadi karaa tusaale ahaan shaqo, baraaktiik, qiimeyn, waxbarasho kale ee laga qaato komvux ama waxbarasho gaar u ah dadka waaweyn (komvux som anpassad utbildning).

Ardey kastaa waa inuu lahaado qorshe waxbarasho oo gaar ah. Dugsiga ayaa wadajir adiga kula sameynaaya qorshaha waxbarashada ee gaarka ah. Waxa kaas ku cad waxa ka mid ah hadafka waxbarashada iyo inta ay waxbarashadu soconeyso.

Qorshaha waxbarasho ee shakhsi ahaaneed ayaa la baddali karaa haddii aad dooneyso inaad dhowr kooras dhigato ama aad beddesho hadafkaada waxbarasho mudada waxbarashadu socoto.

Dariiqyada waxbarasho iyo koorsooyinka

Sfi wuxuu leeyahay sadax dariiq oo wax lagu barto: 1, 2 iyo 3. Dariiqada waxbarasho 1 waxa loogu talogalay qofka aan waxna ku aqrin kuna qorin afkiisa hooyo ama leh waxbarasho gaaban halka dariiqada waxbarasho 3 loogu talogalay qofka horey wax u soo bartay. Dariiqo waxbarasho oo kasta waxey ka kooban tahay dhowr kooras.

Waxa sfi da dhexdeeda jira afar kooras (A, B, C iyo D) iyo saddex dariiqo oo waxbarasho (1, 2 iyo 3). Dhammaan dariiqooyinka waxbarasho waa ay is wataan waana qaar lagu saleeyey cidda loogu talogalay ee dhiganeysa.

  • Dariiqada waxbarasho 1 waxa loogu talogalay ardayda waxbarashadoodii hore yar tahay ama aan dugsi soo dhigan. Waxa dariiqada waxbarasho 1 lagu qaataa koorsooyinka A, B, C iyo D.
  • Dariiqada waxbarasho 2 waxa loogu talogalay ardayda soo dhigatay in ka yar inta lagu dhigto dugsiga sare Iswiidhan. Waxa dariiqada waxbarasho 2 lagu qaataa koorsooyinka B, C iyo D.
  • Dariiqada waxbarasho 3 waxa loogu talogalay ardayda dugsiga ay soo dhigteen u qalmo dugsiga sare Iswiidan ama soo qaatay waxbarasho jaamcadeed. Waxa dariiqada waxbarasho 3 lagu qaataa koorsooyinka C iyo D.

Qiimeynta iyo waxbarashada

Xilliga aad waxbarashada socoto ayaad si joogto ah warbixin uga heli doontaa waxaad baratay marka loo eego hadafka casharada.

Waa muhim inaad fahamsan tahay waxbarashadaada iyo adiga baahidaada aad horumar u qabto.

Miyaad rabtaa inaad wax dheeraad ah ogaato?

La xidhiidh waxbarashada dadka waaweyn/sfi ee degmadaada. Waxa jira la taliyaha waxbarashada iyo xirfadaha kaas oo kaa caawinaaya wixii talo iyo macluumaad dheeraad ah. Macuumaadka lagala xiriiraayo ayaad ka helaysaa bogga internedka ee kamuunka.

Sfi oo laga dhigto Dugsiyada la seexdo ee waxbarashada dadka waaweyn (Folkhögskola)

Waxa sidoo kale jirta fursad sfi loogaga baranaayo dugsiyada la seexdo ee waxbarashada dadka waaweyn. Haddii aad rabto inaad sfi ka dhigto dugsiyada la seexdo ee waxbarashada dadka waaweyn, weydii degmadaada waxay yihiin fursadaha jiraa.

Miyaad rabtaa inaad wax dheeraad ah ogaato?

La xiriir la taliyaha waxbarasho iyo xirfada ee jooga mid ka mida folkhögskolan si aad u ogaato waxa looga baahan yahay waxbarashada aad xiiseyneyso.