Innehåll på denna sida

Xaqiiqda iyo talooyinka ku saabsan marka aad raadinayso oo isbarbardhigayegso dugsiyo xannaano

Somaliska (SOM)

Marka la gaaro xilliga ilmahaagu billaabayo dugsiga xannaanada ayaa adigaaga ah waalidka aad sheegaysaa dugsiga xannaano ee aad rabto in ilmahaagu dhigto. Halkan waxaan ku bixinaynaa hagid ah waxa fiicnaan karta in laga fikiro marka aad raadinayso ee isbarbardhigayso dugsiyo xannaano.

Förskolebarn med pedagog på 4H-gård.

Isku mid ahaanshooyinka iyo kala duwanaanshaha u dhaxeeya dugsiyada xannaano ee kala duwan

Dugsiyada xannaano oo dhan waxaa lagu socodsiiyaa qawaaniin isku mid ah, laakiin siday u shaqeeyaan waxay u eekaan kartaa siyaabo kala duwan. Tirada carruurta dhigata dugsi xannaano, koox carruur ah badnaanteedu inta ay leegtahay iyo waxbarashada shaqaalaha tusaale ahaan way kala duwanaan kartaa.

Manhajka waxbarasho ee dugsiga xannaanada waxaa ku qoran in ilmahaagu fursad u helo in lagu horumaro dhinacyada kala duwan, ay ka mid tahay luqadda, xisaabta, caafimaadka iyo horumarka waara.

Dugsiyo xannaano oo badan waxaa socodsiisa degmada, laakiin waxaa jira xitaa dugsiyo badan oo xannaano oo madax-bannaan. Taas waxay tahay in kuwaas ay socodsiiyaan mulkiile gaar ah. Dugsiyada xannaano waxay xitaa yeelan karaan jihooyin waxbarid oo kala duwan. Nidaamyada, deegaanka bannaanka, dhismayaasha iyo cuntadu sidoo kale way ku kala duwanaan karaan dugsiyada xannaanada.

Ka hor inta aanad dooran dugsi xannaano waxaa fiicnaan karta in laga fikiro haddii ay jirto wax si gaar ah muhiim u ah adiga ama ilmahaaga. Waxaa fiican in aad la xiriiro dugsiyada xannaano ee aad xiisaynayso si aad u hesho fikrad. Dugsiyo xannaano oo badan waxay leeyihiin booqashooyin la ballansado ama ”wakhti booqashadu furantahay”.

Su’aalaha aad weydiin karto dugsiga xannaano

  • Ma ka sheekayn kartaan waxbarashadiina?
  • Sidee ayaad uga shaqaysaan dhinacyada kala duwan ee manhajka waxbarasho, tusaale ahaan luqadda, xisaabta, caafimaadka iyo horumarka waara?

Inta ay leegtahay weynaanta dugsiga xannaano, kooxaha carruurta iyo isku geynta kooxaha carruurta

Dugsiyada xannaanada intay leegtahay weynaantoodu way kala duwanaan kartaa. Qaarkood waxay lahaan karaan koox carruur halka qaar kalena lahaan karaan kooxo badan oo kala duwan. Intay leegtahay weynaanta iyo isku geynta kooxaha carruurta xitaa way kala duwanaan kartaa. Dugsiyada xannaano qaarkood waxay carruurta u kala qaybiyaan da’da, halka kuwa kalena ay isku dhex daraan carruur da’doodu kala duwantahay.

Inta ay leegtahay weynaanta koox carruur ah waxay micno u leedahay amaanka, horumarka iyo waxbaridda ilmahaaga. Laakiin waxaa jira dhowr arrimood oo raad ku yeesha tayada, tusaale ahaan shaqaalaha aqoontooda, tirada shaqaalaha, kooxaha carruurta isku geyntooda iyo deegaanka bannaanka iyo gudaha.

Ku saabsan intay leegyihiin kooxaha carruurta iyo hadafka kuna qoran bogga intarnatka ee Wasaaradda Waxbarashada (boggan waa af Iswiidhish)

Su’aalaha aad is-weydiin karto keligaa

  • Ilmahaygu ma wuxuu ku qanacsanyahay koox faro badan oo leh saaxiibo badan misse koox yar oo leh xiriiryo yar?

Su’aalaha aad weydiin karto dugsiga xannaano

  • Immisa ah shaqaale waxbarasho haysta ayaa ka shaqeeya koox kasta oo ah carruur?
  • Immisa carruur ah ayaa ku jira koox kasta oo ah carruur?
  • Kooxaha carruurtu ma haystaan goobo ay si wadajir ah u leeyihiin, qaybo gaar ah misse labadaba?

Tirakoobka ku saabsan carruurta, shaqaalaha iyo kooxaha, bogga intarnatka ee Wasaaradda (boggan waa af Iswiidhish) External link, opens in new window.

Shaqaalaha jooga dugsiga xannaanada

Dugsiga xannaanada waxaa ka shaqeeya haween iyo rag labadaba. Badanaa waxaa jira noocyo xirfad oo kala duwan: macallin dugsi xannaano, carruur daryeelayaal iyo shaqaale kale, tusaale ahaan macallimiinta sawiridda, masraxa ama muusikada.

Shaqaalaha waxbarashadooda way ku kala duwanaan karaan dugsiyada xannaanada. Waxaa tusaale ahaan jiri karta tiro badan ama tiro yar oo ah qaybta macalimiinta ee waxbarasho haysta. Macallimiinta dugsiga xannaanada waxaa saaran mas’uuliyad gaar ah dhinaca waxbarashada iyo nuxurka waxbarid ee waxbarashada. Waxbarashadan waxaa hogaamiya macalimiinta dugsiga xannaanada iyo xitaa carruur daryeelayaasha oo shaqaalaha kale way ka qaybqaadan karaan.

Si aad u fahanto xiriirka u dhaxeeya tirada carruurta iyo tirada shaqaalaha jooga dugsi xannaano waxaad fiirin kartaa cabbirka dugsiga xannaano ee tirada carruur ah calaa hal qof oo shaqaale buuxa ah. Tani micnaheedu waa in wixii shaqaale nus ahaan shaqeeya ee jooga dugsiga xannaanada la xisaabiyay inay yihiin wakhtiyo buuxa.

Inta ay leegtahay baddalka shaqaalaha, sida dugsiga xannaanadu sameeyo marka ay u baahdaan inay soo qaataan shaqaale buuxiya booska qof maqan iyo sida shaqaaluhu u helaan inay horumariyaan aqoontooda, xitaa taas siyaabo kala duwan ayay ahaan kartaa dhinaca dugsiyada xannaano ee kala duwan.

Su’aalaha aad weydiin karto dugsiga xannaano

  • Immisa ah macallimiin dugsi xannaano ayaa jooga dugsigan xannaano?
  • Sidee ayaad samaysaan markaad u baahataa inaad soo qaadataan shaqaale buuxiya booska qof maqan?
  • Sidee ayaad uga shaqaysaan si shaqaaluhu u horumariyo aqoontooda?

Dugsiyada xannaano ee degmadu leedahay iyo kuwa madaxa-bannaan

Waxaa jira dugsiyo xannaano oo degmadu leedahay iyo kuwo madax-bannaan. Waxaa badanaa caadi ah in dugsiga xannaano ay socodsiiso degmadu. Dugsiyada xannaano ee madaxa-bannaan waxaa socodsiiya tusaale ahaan shirkad saami, urur caqiido aaminsan, urur, urur dhaqaale ama sidii iskaashato ay waalid wada leeyihiin.

Waxbarashadu waa inay mar walba ahaato mid aan ahayn diini, micnihii mid xor ka ah arrimo diin ah.

Su’aalaha aad is-weydiin karto keligaa

  • Waa kuwee dugsiyada xannaano ee ku yaala meesha annagu aanu degganahay?
  • Ma muhiim ayay aniga ii tahay haddii ilmahaygu dhigto dugsi xannaano ay degmadu leedahay ama mid madax-bannaan?
  • Ma muhiim ayay aniga ii tahay nooca dugsiga xannaano loo socodsiiyo, tusaale ahaan iskaashato waalid wada leeyahay ama urur caqiido aaminsan?

Su’aalaha aad weydiin karto dugsiga xannaano

  • Haddii dugsiga xannaano uu socodsiiyo urur caqiido aaminsan, miyay ka muuqataa hawshan oo haddii ay saas tahayna sidee?
  • Haddii ay tahay iskaashato waalid wada leeyahay, intee in leeg ayaa aniga waalid ahaan la iga filayaa inaan caawimaad ka gaysto dhinaca cunto karinta, nadiifinta iyo hawlaha kale?

Jihooyinka waxbarasho ee dugsiga xannaano

Dugsiyada xannaano waxay lahaan karaan ama fikrad u ahaan kara jihooyin waxbarasho oo kala duwan. Tani waxay tahay inay ka shidaal qaataan fikrado aasaasi ah oo kala duwan kuna saabsan bani’aadamka iyo sida carruur ay wax uga bartaan hawsha maalinlaha ah.

Iyadoo aanay ku xirnayn jihada waxbarasho ayay khasab tahay in dugsi xannaano raaco manhajka waxbarasho ee dugsiyada xannaanada. Dhammaan carruurta dhigata dugsiga xannaanada waa inay dareemaan amaan, wakhti xiise leh wada qaataan oo helaan horumar.

Halkan ayaad ka akhrin kartaa dheeraad ku saabsan dhowr tusaale oo ah jihooyinka waxbarasho:

Su’aalaha aad adigu is-weydiin karto keligaa

  • Maxaa muhiim u ah aniga iyo ilmahayga markay noqoto jihada waxbarasho?

Su’aalaha aad weydiin karto dugsiga xannnaano

  • Miyaad u shaqaysaan si ku salaysan jiho waxbarasho oo gaar ah?
  • Waa kuwee qiimeynaha aasaaska ah ee ka dambeeya jihadan?
  • Maxaa micno ah oo jihadan u leedahay dugsiga xannaanada?

Wakhtiga ugu horeeya ee dugsiga xannaanada

Marka ilmahaagu billaabo dugsiga xannaanada badanaaba wakhtiga ugu horeeya waa hordhac ama la qabsasho. Tani waxay tahay badanaaba in adigu waalid ahaan aad la joogto ilmahaaga maalmaha ugu horeeya. Ka dib ayaa ilmahaagu talaabo, talaabo ula qabsanayaa joogista dugsiga xnanaanada oo aan waalid la joogin. Dugsiyada xannaanada ee kala duwan waxa ay leeyihiin nidaamyo kala duwan dhinaca sida la qabsashadan u dhacayso iyo dhererka wakhtiga ay qaadanayso.

Su’aalaha aad is-weydiin karto keligaa

  • Miyaan anigu leeyahay rabitaano gaar ah dhinaca wakhtiga la qabsashada?

Su’aalaha aad weydiin karto dugsiga xannaano

  • Sidee ayay u dhacdaa la qabsashadu till?
  • Maxaa laga filayaa aniga waalid ahaan?
  • Miyaa ilmahaygu heli karaa wakhti la qabsasho oo dheer haddii taas loo baahdo?

La xiriirka adigaaga ah waalidka

Dugsiga xannaanada waa inuu wada shaqayn dhow oo is aaminaad badan leh la sameeyo adigaaga ah waalidka. Qaabka dugsiga xannaanadu u xoojinayaa xiriirka luu la leeyahay waalidka wuxuu u eekaan karaa siyaabo kala duwan. Qaarkood waxay diraan warqad toddobaadle ah taas oo ay kaga sheekeeyaan waxa carruurtu sameeyeen toddobaadkaas lagu jiro. Qaar kalena waxay wargelinta ku sameeyaan dhinac ah qalab dhijitaal ah, tusaale ahaan aab.

Waxaa xitaa caadi ah in shaqaaluhu wax yar kaaga sheekeeyaan sida ilmahaaga ay maalintaas u ahayd marka aad ilmaha ka soo kaxaynayso dugsiga xannaanada. Adigaaga waalidka ah xitaa waxaa lagugu soo dhawaynayaa inaad dhiibato su’aalo. Waxaa xitaa lagugu casuumayaa ugu yaraan hal wada-hadalka horumarka ah sanadkiiba hal mar. Wada-hadalka horumarka waa wada-hadal u dhex mara shaqaalaha dugsiga xannaanada iyo waalidka ilmaha. Waxay ku saabsanaan doontaa horumarka iyo waxbaridda ilmaha. Dugsiga xannaanada wuxuu xitaa diyaarin karaa noocyo kulamo kala duwan kuwaas oo aad kula kulmi doonto waalid kale.

Su’aalaha aad is-weydiin karto keligaa

  • Maxaan anigu u arkaa inay muhiim tahay dhinaca la xiriirka dugsiga xannaanada?

Su’aalaha aad weydiin karto dugsiga xannaano

  • Sidee ayaan u helayaa macluumaad ku saabsan waxa aad samaysaan iyo sida xaalada ilmahaygu tahay?

Carruurta u baahan taageero gaar ah

Dugsiga xannaanada waa in carruurta oo dhan fursad u helaan inay horumaraan, ciyaaraan oo wax bartaan si ku salaysan awoodahooda iyo baahidooda. Waxbarashadan waa inay tix-geliso laguna haboonaysiiyo dhammaan carruurta joogta dugsiga xannaanada. Carruurta u baahan taageero gaar ah oo ay sabab u tahay sababo jir ahaan, caqliyan ama kuwa kale waa inay taas helaan.

Xaqa dhinaca taageero gaar ah dugsiga xannaanada kuna qoran af Iswiidhish) External link, opens in new window.

Su’aalaha aad is-weydiin karto keligaa

  • Miyaa ilmahaygu leeyahay baahiyo gaar ah una baahanyahay taageero gaar ah?

Su’aalaha aad weydiin karto dugsiga xannaano

  • Sidee ayaa dugsiga xannaanada ugu shaqeeyaa carruurta u baahan taageero gaar ah?
  • Sidee ayaa dugsiga xannaanada u shaqeeyaa marka ay noqoto taageerada gaarka ah ee ilmahaygu u baahanyahay?
  • Waa kuwee xoojinta dugsiga xannaanadu saaro taageerada gaarka ah ee ilmahayga, tusaale ahaan dhinaca shaqaale?

Dugsiga xannaanada dhismayaashiisa

Dugsiyada xannaanada dhismayaashoodu way kala duwanaan karaan. Qaar ka mid ah dugsiyada xannaanada waxay lahaan karaan tusaale ahaan qol dhaq-dhaqaaq, qol farshaxan ama laga yaabee qol shaqo. Badanaaba waa suurtagal in la booqdo dugsiyada xannaanada ka hor inta aanad dooran dugsi xannaano. Qaabkaas ayaad ku arki kartaa sida dhismayaashu u eegyihiin, tusaale ahaan External link, opens in new window. sida ay u eegtahay halka carruurtu wax ku cunaan, halka ay ku nastaan iyo nooca fursadaha ciyaar ee laga helo.

Su’aalaha aad is-weydiin karto keligaa

  • Maxaa muhiim u ah aniga iyo ilmahayga marka ay noqoto dugsiga xannaanada dhismayaashiisa?

Su’aalaha aad weydiin karto dugsiga xannaano

  • Sidee ayaad u isticmaashaan dhismayaashiina, tusaale ahaan dhinaca waxbarasho, ciyaar iyo wakhtiyada cuntada?
  • Miyaad leedihiin qolol gaar ah, tusaale ahaan qol dhaq-dhaqaaq, qol farshaxan ama qol shaqo?

Deegaanka bannaanka dugsiga xannaano

Deegaanka bannaanka ee dugsiga xannaano qaabab kala duwan ayuu u horumarin karaa carruurta caafimaadkooda, horumarkooda iyo waxbaridooda. Dugsiyada xannaanada qaarkood waxay leeyihiin jardiinooyin waaweyn, halka qaar kalena leeyihiin kuwo yar. Waxaa laga heli karaa meelo lagu ciyaaro, sanduuqyo ciid ku jirto, leexooyin iyo alaab lagu ciyaaro bannaanka. Dugsi xannaano oo leh jardiino yar laga yaabaa in ay badanaaba u tamashlo tagaan duurka ama jardiinooyinka ciyaarta ee dugsiga xannaanada u dhow.

Su’aalaha aad adigu is-weydiin karto keligaa

  • Maxaa muhiim u ah aniga iyo ilmahayga marka ay noqoto dugsiga xannaanada deegaankiisa bannaanka?

Su’aalaha aad weydiin karto dugsiga xannaano

  • Sidee ayaad u isticmaashaan deegaanadiina bannaanka dhismaha, tusaale ahaan dhinac waxbarasho iyo ciyaar?
  • Miyaad badanaaba tagtaan meelo ka baxsan xaafadda dusgiga xannaanada? Halkee iyo intee in leeg badanaa?

Hey'adda arrimaha guryaha bogeeda intarnatka (boggan waa af Iswiidhish)

Hawlaha, ciyaar iyo nasashada dugsiga xannaano

Dugsiyada xannaanada waxay leeyihiin nidaamyo kala duwan looguna talogalay marka carruur ciyaarayso, nasanayso iyo joogista bannaanka dhismaha. Halkan ayaan ku sharraxaynaa wax yar oo ku saabsan sida taas u eekaan karto.

Hawlaha iyo ciyaar

Carruurta joogta dugsiga xannaano waa in lagu casuumo ciyaar xor ah iyo hawlo nidaamsan, gudaha dhismaha iyo bannaanka dhismaha labadaba. Dugsiyada xannaanada waxay lahaan karaan hawlo joogto ah oo dib u soo noq-noqda ayaamo toddobaadka ah oo cayiman, tusaale ahaan in meel loo baxo talaado kasta ama in la akhriyo sheeko xariiryo wakhti cayiman maalin walba. Dusiyo xannaano oo badan waxay xitaa qorsheeyaan hawlo dhinaca bannaanka dugsiga xannaanada ah, tusaale ahaan in la booqdo madxafyo iyo maktabado.

Nasasho

Carruurtu badanaaba way nastaan ama seexdaan wakhti ka mid ah maalintii marka la joogo dugsiga xannaano. Sida nidaamyadu u eekaan karaan waxay ku xirantahay baahida ilmaha u ah gaarka. Dugsiyada xannaanada qaarkood carruurta yar waxay seexdaan bannaanka dhismaha iyaga oo ku jira faaganka carruurta. Dugsiyo xannaano oo kalena waxay carruurtu seexdaan gudaha dhismaha, tusaale ahaan furshaan yaala qol nasasho. Nidaamyada ah sida shaqaaluhu ugu oggolaadaan in carruurtu yara nasato waxay u eekaan karaan siyaabo kala duwan. Carruurta sii yara weyn waxay badanaaba ku mashquulaan hawl jawi xasiloon leh.

Joogista bannaanka dhismaha

Dhammaan dugsiyada xannaanada waxay leeyihiin joogis bannaanka ah, laakiin nidaamyadu waxay u eekaan karaan siyaabo kala duwan. Xitaa nidaamyada isla hal dugsi xannaano way kala duwanaan karaan iyadoo ku xiran da’da carruurta. Dugsiyada xannaanada qaarkood waxay carruurtu mar walba joogaan bannaanka marka waalidku ka tagaan iyaga saacad cayiman ka dib. Qaarkood waxay inta badan ku joogaan jardiinada dugsiga xannaano halka kuwa kalena ay carruurta u kaxeeyaan duurka ama goobaha lagu ciyaaro ee bannaanka dugsiga xannaanada.

Daryeelka xannaano ee ilmahaaga

Adigaaga ah waalidka ayaa dabcan garanaya nidaamyada adiga iyo ilmahaagu aad ku leedihiin guriga markay noqoto tusaale ahaan gelista suuliga, baddalka xafaayadda ama nadaafadda. Waxa kale oo xitaa jiri kara caadooyin amaan u abuura ilmaha, tusaale ahaan in la haysta mujuruc ama boombalo marka la nasanayo.

Si ilmahaagu u dareemo sidiisa caadiga ah waxaa fiican in la sheego nidaamyada iyo caadooyinka aad ku haysataan guriga, laakiin xitaa in la su’aalo dugsiga xannaanada caadooyinka ay leeyihiin.

Su’aalaha aad weydiin karto dugsiga xannaano

  • Sidee ayaa maalin iyo toddobaad caadi ah u eegyahay marka la joogo dugsiga xannaanada?
  • Intee in leeg ayaad badanaa joogtaan bannaanka?
  • Waa halkee meelaha aad badanaa booqataan ee dhow?
  • Wakhtiyadee ayaa carruurtu nastaan oo sidee ayay nasashadan u dhacdaa?
  • Maxaa dhacaysa haddii ilmahaygu aanay hurdo u iman xilliga nasashada?

Cuntada dugsiga xannaanada

Dugsiyada xannaanada waxay bixiyaan cuntooyin, tusaale ahaan qado, cunto fudud iyo mararka qaarkood quraac. Cuntada dugsiga xannaanada waa inay ahaato mid kala duwan oo nafaqada hodan ku ah.

Dugsiyada xannaanada qaarkood waxaa cuntada lagu kariyaa kijo weyn oo xarun ah ka dibna waxaa la keenaa dugsiga xannaanada. Dugsiyo xannaano oo kalena waxay leeyihiin cunto kariey gaar u ah oo sameeya cuntada.

Dugsiyada xannaanada waxay lahaan karaan nidaamyo kala duwan markay noqoto carruurta cunta quraacda, tusaale ahaan wakhtiga ay tahay inay carruurtu joogaan goobta. Dugsiyada xannaanada si waxbarid ah ayay uga shaqeeyaan qadada oo waxay carruurta u hawl-geliyaan qaabab kala duwan. Inta ay badanaaba tahay iyo marka dugsiyada xannaanada ay bixiyaan cuntada yar xitaa way kala duwanaan kartaa.

Qaar ka mid ah dugsiyada xannaanada waxay bixiyaan cunto ay ku badantahay ta si deegaanka u fiican loo sameeyay ama ku salaysan dalaga dhirta. Dhammaan carruurta u baahan raashin ku haboon xasaasiyad waa inay taas helaan. Fursadda in la helo nooc kale oo ah raashin la haboonaysiiyay, tusaale ahaan haddii aad rabto in ilmahaagu helo raashin ku salaysan dalaga dhirta, way ku kala duwanaan karaan dugsiyada xannaanada.

Su’aalaha aad adigu is-weydiin karto keligaa

  • Maxaa muhiim u ah aniga iyo ilmahayga marka ay noqoto cuntada?

Su’aalaha aad weydiin karto dugsiga xannaano

  • Wakhtiyadee ayay wax cunaan carruurtu?
  • Sidee ayay u dhacdaa marka aad cunaysaan qadada?
  • Halkee ayaa lagu sameeyaa cuntada?
  • Miyaad bixisaan cunto loo sameeyay si u fiican deegaanka?
  • Fursado noocee ah oo kala duwan oo raashin ayaa jira? Tusaale ahaan haddii aan rabo in ilmahaygu helo raashin ku salaysan dalaga dhirta.
  • Sidee ayaad samaynaysaan haddii ilmahaygu wax cuni waayo?

Ku saabsan waajibaadka cunto ee dugsiga xannaanada kuna qoran Hey’adda raashinka bogeeda intarnatka (boggan wuxuu ku qoranyahay af Iswiidhish) External link, opens in new window.

Sinaanta gudaha dugsiga xannaano

Dugsiyada xannaano oo dhan waa inay u shaqeeyaan si ku salaysan in dadka oo dhan isku qiimo leeyahay oo carruurta loola dhaqmo si isku qiimo ah iyadoo aan loo eegayn jinsi, qawmiyad ama hoos u dhac awooda laxaad ee dhanka ilmaha ama qof ilmuhu ku xiriirsanyahay. Sida ku cad manhajka waxbarasho ee dugsiga xannaanada waa in dugsiga xannaanadu si firfircoon uga hortaggo takoorid ku salaysan

  • kön
  • aqoonsiga dhaafsan jinsi isku cabbirka
  • qawmiyad ka tirsanaan
  • diin ama wax kale oo la aaminsayahay
  • hoos u dhac awooda laxaadka ah
  • u janjeersanaanta jinsi
  • da’da.

Ujeedadu waa in ilmaha la siiyo fursad lagu horumaro xaalado isku mid ah.

Su’aalaha aad weydiin karto dugsiga xannaano

  • Sidee ayaad uga shaqaysaan in laga hortaggo takoorid loona horumariyo sinaanta u dhaxaysa jinsiyada?

Raadi macluumaad dheeraad ah oo ku saabsan dugsig xannaano tayadiisa

Bogga intarnatka ee degmada aad ku nooshahay waxaa badanaaba laga helaa warbixin ku saabsan dugsiyada xannaano ee degmadu leedahay ee laga helayo degmada, tusaale ahaan sharraxaadaha waxbarashada, macluumaadka xiriirka iyo qiimeynaha hawshan. Mararka qaarkood waxaa ku jirta xitaa cinwaanka intarnatka ee dugsiyo xannaano oo madax-bannaan iyo qiimaynahooda. Haddii degmadu aanay hayn wax warbixin ah waxaa badanaaba dugsiyada xannaano ee madax-bannaan leeyihiin boggag intarnat oo gaar u ah, halkaas ayaad ka akhrin kartaa wixii dheeraad ah.

Su’aalo la ururiyay aad weydiin karto dugsiga xannaano

Xiriirka intarnet ee hoose waxaanu ku ururinay suʼaalaha adigaaga ah waalid aad weydiin karto dugsiga xannaano ka hor intaanad dugsi xannaano u dooran ilmahaaga.

Su’aalo la ururiyay oo aad weydiin karto dugsiga xannaano (boggan waa af Iswiidhish)