Innehåll på denna sida

Guriga xilliga firaaqada

Somaliska (SOM)

Waxa guriga xilliga firaaqada loogu talogalay ardayda u dhexeysa lix iyo 13 sano jir. Waxa uu furanyahay waqtiga dugsiga ka hor iyo ka dib iyo sidoo kale fasaxyada dugsiga marka ay waaliddiintu shaqeynayaan ama waxbaranayaan.

Sex fritidselever som står i bredd och ler.

Waxa uu guriga xilliga firaaqadu kaabayaa waxbarashada fasalka dugsiga xannaanada iyo ta dugsiga ilaa iyo fasalka lixaad. Ulajeeddada laga leeyahay guriga xilliga firaaqadu waxa weeye in uu dhiirri geliyaa horumarka ardayda iyo waxbarashadooda oo uu siiyo waqti firaaqo oo qiimo weyn leh. Isla mar ahaantaasna waxa uu guriga xilliga firaaqadu waalidiinta u suurto gelinayaa inay waalidnimada ku dhex wadaan shaqo wax kaa soo galaan.

Waxqabadyada guriga xilliga firaaqada

Guriga xilliga firaaqadu laba siyood ayuu dugsiga u kaabaa:

  • Isagoo qaabilaya ardayda xilliga maalintii ee aanay dugsiga joogin iyo inta fasaxyada lagu jiro.
  • Isagoo ardayda qeyb ahaan siinaaya khibrado iyo aqoon kale oo aanay dugsiga ku heli.

Fasalka dugsiga xannaanada, dugsiga iyo guriga xilliga firaaqadu waxay si wada jir ah gacan uga geysanayaan in uu ardaygu helo horuumar iyo waxbarasho dhan walba leh. Waxbarashadu waa in ay ahaataa mid ka warhaysa rabitaanka wax barasho ee ardayga, waana in ay ka shidaal qaadato baahida, xiisaha iyo khibradaha ardayga. Waxqabadka waa in lagu saleeyaa duruufaha kala duduwan ee ardayda.

Waxa uu guriga xilliga firaaqada furan yahay sanadka oo dhan marka laga reebo fasaxyada waaweyn ee Iswiidhishka iyo maalmaha sabti-axada. Ardaydu waxay fursad u haystaan in xilliga maalinti halkaas joogaan wakhtiga dugsiga ka hor iyo ka dib, waxaana la waafajiyay waaliddiinta shaqadooda ama waxbarashadooda iyo baahida ardayga.

Waxa guriga xilliga firaaqada badanaa la isla xiriirisiiyaa dugsiga. Wada xiriirsiintu waxay khuseyn kartaa shaqaalaha, lookaal/qolka iyo waxqabadka waxbaridda.

Ardayda da’doodu u dhexeyso 10 illa iyo 13 sano jir ayay degmadu xitaa u furi kartaa goobo xilliga firaaqada la tago. Waxqabadyada xilliga firaaqada ee furan waa qaxqabadyo waxbarid oo koox ahaaneed oo loogu talogalay ardayda dhigata fasalka 4 - 6. Waxqabadyada xilliga firaaqada ee furan ma aha khasab in la tago, waana in ay iyagoo isticmaalaaya waxqabasho waxbarid ah kaabaan waxbarashada dugsiga hoose-dhexe iyo qaab dugsi ahaaneed ee u dhigma. Waxaanay waxqabadyadu bixineynin xannaano iyo ka warheyn la mid ah sida kuwa guriga firaaqada ee waxay bixisayaan waxqabadyo kooxda da’ ahaan la waafajiyey.

Yaa aada guriga xilliga firaaqada?

Waxa uu degmooyinka waajibaad ka saaran yahay in ay waxbarasho guriga xilliga firaaqada siiyaan ardeyda laga billaabo xillid dugsiyeedka guga ee u ilmuhu 6 sano buuxinayo ilaa iyo sanadka uu ardaygu 13 sano jir buuxinaayo kuwa ay waaliddiintoodu shaqaynaya si ay lacag u helo ama wax bartaan, ama uu ardaygu leeyahay baahi gaar ah sabab la xiriirta xaaladda qoyska darteed.

Waxbarashada guriga xilliga firaaqda waa in la isa siiyaa sida ugu dhakhsaha badan ee uu ardaygu ugu baahan yahay boos nuucaas ah. Waxbarashada waxa la isku siinayaa meesha uu ilmahu dugsiga ka dhigto ama meel u dhaw. Ardayda sabab jiro ahaaneed, maskax ahaaneed ama sabab kale ugu baahan taageero gaar ah oo xagga horumarka ah waa in waxbarasho lagu siiyaa guriga xilliga firaaqada.

Kharashka

Degmooyinku waa inay ka qaadaan kharash macquul ah boosaska guriga xilliga firaaqada. Inta uu leegyahay kharashka la bixinayaa waxa go'aaminaaya heerka dakhliga ee waaliddiinta. Maanta ayay dhammaan degmooyinku adeegsadaan nidaam kharashka ugu badan (maxtaxa) ah. Waxa kharashka ugu badan micnahiisu yahay in xadka ugu sareeya ee kharashka ay kala duwanaadaan qoysaska kala duwan.

Dhammaan degmooyinku waxay adeegsadaan nidaam kharashka ugu badan (maxtaxa) ah. Waxa uu Maxtaxan ka dhigan yahay inta xadka ugu sareeya ee inta uu kharashka ugu badan ee qoysaska kala duwan laga qaadaayo.

Innehåll på denna sida