Innehåll på denna sida

Waxyaalo ku saabsan dugsiyada iyo waxbarashada Iswiidhan

Somaliska (SOM)

Waxa dugsiga Iswiidhan loogu talogalay dhamaan caruurta Iswiidhan ku nool. Dugsigu waa inuu amaan yahay oo uu isla markaana yahay goob deggen si ay dadka oo dhami mabsuud ugu noqdaan. Waxay qeybtani ka hadleysaa sida ay Iswiidhan u shaqeeyaan dugsiyada xanaanada, waxbarashada dugsiyada hoose/dhexe iyo waxbarashada dugsiyada sare.

Elever som skrattar och har händerna i luften utomhus.

Waxbarashadu waa inay ardayga siinsaa aqoon iyo rabitaan inuu wax badan nolosha oo dhan barto labadaba. Si loogu gaadho heerka aqoonta ee waxbarashada la iska rabo ayuuardaygu macalinka ka heleyaa hagid iyo baraarujin. Arday kasta ayaa laga filayaa inuu sameeyo horumar intii macquula iyadoo loo eegayo hadafka iyo shuruurdaha, tani ayaa sidoo kale quseysa ardayda ay u sahlan tahay iney wax bartaan isla markaana deg dega u gaadhaan hadafka aqoonta marka loo eego ardayda kale.

Waxbarashada waa inay dimiquraadiyad ahaato iyadoo la ixtiraamayo xuquuqda aadanaha oo dimiquraadiyadu ay gundhig/aasaas u tahay. Ardayda oo dhan ayaa xaq u leh waxbarasho wanaagsan oo isku mida ah iyadoon loo eegaynin jinsi, aragtida nolosha, naafada, ciduu u galmoodo, qowmiyada qofku ka soo jeedo, diinta, da'da ama meesha qofku Iswiidhan kaga nool yahay. Dugsiga ayey ardayda oo dhami muhim u yihiin iyadoo ay tahay inuu dugsiga mar walba ka fikiro waxa u wanaagsan ardayga marka waxqabada dugsiga la qorsheynaayo. Carruurta, ardayda iyo dadka waaweyn waa inay wadajir u shaqeeyaan kana heshiiyaan xeerarka la wadaago si loo helo beyad shaqo oo wanaagsan.

Waxbarashada waa in lagu saleeyo baahida arday kasta si ay fursad ugu helaan inay dugsiga wax badan ka bartaan. Ardaydda ku hadasha af kale oo aan aheyn afka Iswiidhishka waxey xaq u yeelan karaan in loo dhigo afkooda hooyo iyo la taliyaha waxbarashada oo ku hadla afkooda hooyo ama afka uu sida ugu wanaagsan ugu hadlo ee luqada dugsiga.

Qof walba dugsiga boos ayuu ka helayaa

Degmada aad ku nooshahay ayaa kugu wargelineysa dugsiyada ka jira degmada. Waxaad codsan kartaa dugsiga aad dooneyso inuu ilmahaagu dhigto. Boggaan internetka ayaa ka arki kartaa dugsiyada ku dhow degaanka aad ku nooshahay adigoo dugsiyada kala duwan is barbar dhigi kara. Waxaad sidoo kale ka akhrisan kartaa sida ardayda dusgiga loogu meeleeyo ama waxad taa weydiin kartaa degmada aad ku nooshahay. Dugsiyada oo dhami waa lacag la'aan.

Haddii qoyskaagu Iswiidhan ku cusub yahay

Ardayda ku cusub Iswiidhan, ayuu dugsigu qiimeyn ku sameynayaa waxbarashadii hore uu ilmahaasi hore u soo dhigtay, aqoontiisa, waaya aragnimadiisa iyo waxa u xiiseeyo. Baaritaanka ayuu turjubaani ka qeyb qaadan karaa, turjubaankuna waa dhex dhexaad oo saameyna kuma laha qiimeynta. Haddii ilmahaagu todoba jir ka weyn yahay ayaa qiimeynta loo fulin doonaa sida ugu dhakhsaha badan ee suurtogalka ah. Haddii ilmahaagu todoba jir yahay oo uu isla markaasna dugsiga bilaabay ugu danbeynta tarmiinka deyrta sanadka ilmuhu todoba sano buuxinaayo, ayuu markaas maamulaha go'aan ka gaari doono sanad dugsiyeedka iyo fasalka ilmahaagu lagu daraayo.

Waxa uu dugsigu doonayo inuu kula shaqeeyo

Adiga ah waalidka ama ah masuulka/daryeelaha ayaa masuuliyad kaa saaran tahay in ilmahaagu dugsiga tago. Dugsiga ayaa kugu wargelin doono meesha ay mareyso waxbarashada ilmahaaga isla markaana kuugu yeeri doono si aad ula kulanto macalimiinta iyo masuuliyiinta/daryeelayaasha kale. Waa muhiim inaad warbixinta hesho oo aad isla markaana ka qeybqaadato kulamada. Waxa mar kasta dugsiga jooga macalin ilmahaaga ka masuul ah. La xiriir macalinka ilmahaaga haddii aad su'aalo qabto.

Waxyaaalaha ku saabsan casharada iyo maalmaha dugsiga

En elev som skriver på en whiteboard och en elev som pratar inför klassen.

Waxay ardaydu dugsiga tagaan Isniin illaa iyo Jimce. Waxey badanaa ardaydu la kulantaa macalimiin kala duwan inta ay maalinta dugsiga ku jiraan. Dugsiga ayaa siyaabo kala duwan ula shaqeeya ardayda isla markaana doorta qalabka waxbarasho ee ku haboon casharada.

Macalinka ayaa masuul ka ah waxa uu casharku ka kooban yahay isla markaana ka shaqeynaaya inay ardaydu hesho siyaabo kala duwan ee loo shaqeeyo. Waxay taasi noqon kartaa in macalinku fasalka hortiisa wax ka sharaxo, laakin waxa sidoo kale dhici karta in ardaydu kaligood shaqeeyaan. Mararka qaar ayey ardayda iyo macalinku sameeyaan booqasho waxbarasho ay ku booqanayaan goobo howlo ka socdaan oo dugsiga ka baxsan. Waxay ardaydu dugsiga ku qabtaan howlo waxqabad ahaaneed iyo kuwo tiyori ahaaneed labadaba inta maalinta dugsiga lagu jiro.

Elev som tar mat i skolmatsalen.

Ardayda ayay tahay inay casharka u isticmaalaya waaya aragnimadooda iyo waxa ay xiiseeyaan. Ardayda ayaa sidoo kale baranaaya inay si dhaleeceyna u fikiraan, su'aalo weydiiyaan isla markaana aqoon ku kasbadaan siyaabo kala duwan una eegaan dunida siyaabo kala duwan. Ardayda ayaa xilliga ay dugsiga joogaan badankiisa ku howlan shaqada dugsiga. Dugsiyo badan ayay sidoo kale heli doonaan layliyo kuwaas oo ay ka shaqeynayaan waqtiga dugsiga ka dib. Ardayda ayaa maalin kasta qado bilaash ah doona. Dugsiyo badan ayey ardaydu cunto kala duwan kala dooran karaan. Dugsiga la hadal haddii ilmahaagu dhigto cunto gaar ah u baahan yahay.

Qorshe waxbarasho oo gaar ah

Ardayda dalka ku cusub ee sanad dugsiyeedka 7-9 iyo dhamaan ardayda dugsiga sare iyo dugsiga sare ee gaarka ah waxey heleyaan qorshe waxbarasho oo gaar ah. Qorshan ayaa la socon doona ardayga xilliga waxbarashada oo dhan iyadoona dib loo eegayo haddii loo baahdo. Badanaa hal macalin ayaa ardayga qorsheha la diyaaraya, laakin waxa masuul ka ah maamulaha si loo helo qorshe iyo inuu ardayguna ka qeyb qaato.

Qiimeynta iyo waxbarashada

Macalinka ayaa ardayga xilliga waxbarashada kala hadlaaya waxa loo baahan yahay si kor loogu qaado waxbarashadiisa iyadoo laga eegayo qiimeynta aqoonta ardaygu hore u lahaa. Macalinka, ardayga laftiisa iyo ardayda kale ayaa jawaab celin siin kara taas oo ardayga u saamixi karta sare u qaadida waxbarashadooda. Waxa muhiim ah in ardayga laftiisu uu isagu fahmo waxbarashadiisa iyo baahidiisa horumarka.

Wadahadalka horumarka

Ugu yaraan hal mar xilli dugsiyeed kasta waa in ardeyga, macalinka, iyo daryeelaha/masuulku ardeyda aan qaangaadhka aheyn ay kulmaan si ay iskula eegaan sida ardayga waxbarashiisu u socoto iyo ku qanacsanaanta ardaygu dugsiga ku qanacsan yahay. Waxa loo yaqaanaa wadahadalka horumarka ardayga. Ardayda dugsiga xanaanada waxa uu dugsigu fuliyaa wada hadalka horumarka ugu yaraan hal mar sanadkii. Wada hadalka ayaa sawir ka bixinaya horumarka aqooneed iyo kan bulsho ee ardayga.

Inta uu wadahadalku socdo waa inaad ka wada hadshaan sida uu dugsigu kuu taageeri karo oo uu una dhiirri gelin karo waxbarashada ardeyga. Kulanka wuxuu ardayga iyo waalidka/mas’uulka siinayaa fursad ay saammeyn ugu yeeshaan una qaataan mas’uuliyadda dugsi dhigashada ee ardayga. Halkan waxa ka mid ah waxyaalaha la isla soo qaadaayo wixii baahida la qabsiga dugsiga ah iyo haddaad gargaar gaar ah loo baahan yahay.

La qabsiga iyo taageerada

Ardayga khatarka ugu jirta inaaney gaarin hadafka casharka, ama qaba dhibaatooyin kale, waxey xaq u leeyihiin inuu dugsigu taageero. Waxay dhamaan ardayda oo dhan xaq u leeyihiin hagid iyo baraarujin la xiriirta casharada si ay ugu bartaan waxa ugu badan ee suurtogalka, iyo hadii loo baahdo in la helo is waafijin iyo taageero dheeraad ah. Is waafijin dheeraad ah iyo taageero gaar ah waxay tusaalle ahaan noqon kartaa in ardaygu helo warbixin si dheeraad ah uga faahfaahsan, tababar dheeraada ama caawimo si uu u fahmo qoraalka. Ardayda degdeg/ dhakhsaha ugu buuxiya shuruudaha aqoonta waxey u baahan yihiin in la siiyo casharo yara adag oo heerkooda ah si ay horumar u sameeyaan isla markaana wax badan u bartaan.

Qiimeynta iyo shahaaddo

Adiga iyo ilmahaagu ayaa heli doontaad warbixin is daba jooga oo ku saabsan meesha ay waxbarashadu u mareyso. Sanad dugsiyeedka 1 - 5 ayuu ardaygu heli doonaa qiimeyn maaddo kasta ah. Waxa loogu talogalay taa in ilmahaagu iyo adiga masuulka ka ah caruurta heshaan ogaataan meesha ay waxbarashadu u mareyso. Laga bilaabo sanad-dugsiyeedka 6 ayuu ilmuhu helayaa shahaaddo xilli dugsiyeed kasta. Marka shahaadadaa la siinaayo ayay macalimiintu ku qiimeynayaan aqoonta ilmahaagu kasbaday ee xilli dugsiyeedkaas. Shahaadada natiijiga ah ayuu ardaygu heleyaa markuu dhameysto maadooyinka laga qaato dugsiga hoose/dhexe oo dhan. Waxa taas la sameeyaa marka sanad dugsiyeedka 9-aad la dhameeyo. Shahaadada natiijiga ah ayaa lagu dalbadaa dugsiga sare.

Darajada shahaadadu waxay leedahay lix jaranjarooyin: A – F. Waxa natiijada lagu baasay la siinayaa A - E iyo F la siinaayo natiijo dhicitaan ah. Dugsiyada hoose/dhexe iyo kuwa sare ee carruurta baahida gaarka ah leh ah lama isticmaalo darajo. Fiiri qoraalka ka hadlaya waxbarashada dugsiga hoose/dhexe iyo tan dugsiga sare ee ku qoran carruurta baahida gaarka ah leh.

Waxyaabaha ku saabsan Fasalka diyaar garoowga

Si af Iswiidhishka dhaqso loogu barto ayuu ardayga dalka ku cusubi dhigan karaa fasalka diyaar garoowga isla marka uu cashar ka qaadanayoa fasalka caadiga ah. Waxa fasalka diyaar garoowga uu ardaydu ku dhigtaan maadooyinka lagu qaato sanad dugsiyeedka ardaygu dhigto. Ardaydu waxey fasalka diyaar garoowga ugu badnaan dhigan karaan laba sano. Ujeedadu waa in ardaydu sida ugu dhakhsaha badan ugu akhrisan karaan dhammaan maaddooyinka ku jira fasalkooda caadiga ah. Maamulaha ayaa go'aan ka gaaraaya marka aan casharada fasalka diyaar garoowga dib loogu baahneyn.

La talinta waxbarashada iyo xirfadaha

Ardayda dhamaan dugsiyada kala duwan ku jirta, marka laga reebo dugsiga xanaanada iyo fasalka dugsiga xanaanada, waxey xaq u leeyihiin la talinta waxbarashada iyo xirfadaha. La taliyaha waxbarashada iyo xirfada ayuu si joogto ah ardaygu ugu siinaaya taageero, warbixin iyo hagid si ardaygu ugu tijaabiyo fursadaha kala duwan si uu gaaro go'aanka kama danbeysta ah. Waxa taas shuruud u ah in la helo warbixin iyo aqoon ku saabsan nidaamka waxbarasho, ama nolosha shaqada iyo suuqada shaqada. La talinta waxbarashada iyo xirfadaha ayaa sidaa darteed udub dhexaad u ah siduu arday kastaa u qorsheyn lahaa mustaqbalkiisa.

Guriga xilliga firaaqada

Guriga xilliga firaaqada waxaa loogu talogalay inuu dhiirri geliyaa horumarka ardayda iyo waxbarashadooda kaabaya waxbarashada dugsiga iyo fasalka dugsiga xanaanada. Guriga xilliga firaaqada waxaa loogu talogalay inuu ardayda siiyo waqti firaaqo oo micno fiican leh iyada oo laga shaqeynayo luqad, wax abuurid, dabeecadda iyo dhaqdhaqaaq jir ahaaneed. Guriga xilliga firaaqada wuxuu ardeyda u furan yahay illaa teeramka guga ee sanadka ey buuxinayaan saddax iyo toban sano ka hor iyo ka dib wakhtiga dugsiga iyo sidoo kale wakhtiyada fasaxyada dugsiga ka dib. Taasina waxey u suurta gelinayaa waaliddiinta in ay shaqeystaan ama wax bartaan. Guriga xilliyada firaaqada wuxuu badanaa ku yaal isla dhismaha dugsiga ama agagaarka dugsiga.

Nabadgelyo iyo caafimaad

Tre gymnasieelever i en korridor.

Dugsigu waa inuu amaan yahay oo uu isla markaana yahay goob deggen si ay dadka oo dhami mabsuud ugu noqdaan. Waxay dugsiga shaqaalaha iyo ardayda si joogto ah uga wadda shaqaynaya inuu dugsigu noqdo goob qof kastaa ku dareemo ammaan iyadoo si ixtiraam leh la iskula kulmo. Carruurta, ardayda iyo dadka waaweyn waa inay ugu shaqeeyaan wadajir kana heshiiyaan xeerarka la wadaago si loo helo beyad shaqo oo wanaagsan.

Ma aha in cidna loo geysto habdhaqan meel ka dhac ah/ foolxun. Sidaa darteed ayuu dugsigu ugu leeyahay nidaam gooni ah iyo qorshe arrintaa lagaga hor tagaayo. Haddii uu qofi ilmahaaga si xun ula dhaqmo dugsiga dhexdiisa waa inaad marka hore la xiriirta shaqaalaha dugsiga. Haddii dhibaatadu halkeeda ka sii socotana ayaad la xiriiri kartaa degmada ama milkiilaha dugsiga hadduu dugsigu yahay mid gaar loo leeyahay. Waxa uu waajibaad ka saaran yahay inay baaraan waxa dhacay. Haddii ay u arkaan in loo baahan yahay ayay xitaa arinta wax ka qabanayaan. Haddii aanad wali taa ku qanacsaneyn ayaad la xiriiri kartaa Heyadda kormeerka dugsiyada.

Caafimaadka ardayda

Waxa uu dugsigu ka shaqeeya ka hor tagga caafimaad darada si uu ardeygu ugu caafimaad qabo. Waa in la heli karo koox caafimaad arday oo ay ka mid yihiin kalkaalisada dugsiga, dhaqtar dugsiga, dhaqtarka cilmu nafsiga, la taliye iyo shaqaale aqoon u leh baridda gaarka ah. Laga bilaabo fasalka dugsiga xanaanada ilaa iyo fasalka 9-aad waxey ardaydu baaritaan caafimaad heleyaan ugu yaraan sadax jeer. Kalkaalisada dugsiga ayaa ka caawinaysa arrimaha fudud ee caafimaad saacadaha dugsiga, laakin haddii ilmahaagu buko ama u baahan yahay daryeel caafimaad waxaad la xiriiri kartaa daryeelka bukaanka iyo caafimaadka ee ka baxsan dugsiga.

Dugsigu waa inuu ka wargeliyaa haddii arday dhibaato soo gaarto

Dhibaatada soo gaari karta waxa ka mida inaanu ilmuhu heysan nolol fiican iyadoo ay taasi ugu wacan tahay tusaale ahaan daryeel xumo ama rabshado/dilmo guriga looga geysto, ama dagaal ka dhaca dugsiga. Haddii uu dugsigu ka shakiyo in ilmuhu dhibaato soo gaartey waxa waajib ku ah inuu wargeliyo taa xafiiska adeegga bulshada. Xafiiska adeegga bulshada ayaa masuul ka ah in caruurta iyo dhalinyarada degmadu haystaan koritaan sugan. Marka xafiiska adeegga bulshada ashkato la soo wargeliyo ayay badanaa xaaladda kala hadlaan dugsiga iyo guriga si loo helo xal wadajir ah oo wanaagsan. Waxa dhici karta inuu xafiiska adeegga bulshadu baaritaan kadib go'aan ku gaaro inaan loo baahneyn in arrinta wax laga qabto, taasi micnaheedu ma aha in qofka wargelinta soo gudbiyey uu wax qalad ah sameeyey. Dhamaan shaqaalaha dugsiga jooga waxaa waajib ku ah inay sida ugu dhakhsaha badan ugu soo sheegaan isla marka ay ka shakiyaan in ilmaha dhib soo gaaray, xitaa haddii ka dib la ogoaado inaaney dhibaato soo gaarin ilmaha oonay jirin wax laga walwalsan yahay.