Innehåll på denna sida

Dugsiga gaarka ah

Somaliska (SOM)

Dugsiga gaarka ah waxa loogu talogalay ardayda maqalkoodu hooseeyo, aragtoodu hoos u dhacsan leh, cilad luqada oo aad u weyn qaba ama dhowr naafanimo oo leesku daray leh. Waxa waxbarashada la waafajinayaa baahida iyo fursadaha ardayga.

Waxbarashadu waxay guud ahaan u dhigantaa waxbarashada lagu bixiyo dugsi hoose-dhexe. Dugsiga gaarka ah wuxuu ka kooban yahay 10 sanad dugsiyeed.

Waxa wadanka ka jira toban dugsi oo leh takhasusyo kala dudwan. Dugsiyada kala duduwan waxaa loogu tal galay

  • Ardayda dhagoolka ah ama dhagaha culus
  • Ardayda cilada luqada oo weyn leh
  • Ardayda aragtida oo hoos u dhacsan leh iyo hal naafanimo oo kale
  • Ardayda dhagoolka ah ama dhagaha culus oo ay taas u weheliso naafanimo iyo ardayda dhagool iyo indhool nimo/dhago iyo indho la'aan ku soo dhalatay.

Sidee loo dalban karaa dugsiga gaarka ah?

Dalabka waxa loo dirayaa hey’adda waxbarista gaarka ah (Specialpedagogiska myndigheten ama SPSM) taas oo go’aan ka gaaraysa in ardayga dugsiga gaarka ah loo qaadanaayo.

Linkiga sida loo codsanaayo dugsi gaar ah iyo warbixin dheeri ah oo ku saabsan hey’adda SPSM waxaad ka heleysaa cinwaanka hoose.

Codsiga dugsiga gaarka ah ee fasallada 1-10 waxa laga sammeyn karaa bogga internetka ee hey’adda waxbarista gaarka ah.

Codsiga ku socota dugsiga gaarka ah iyadoo la soo maraayo bogga internetka ee SPSM Linkiga ku geynaaya bog internet oo kale

Qiimmeynta iyo habka wax baridda ee dugsiyada gaarka ah

Waxa dugsiga ardayda lagu siinayaa macluumaad joogto ah oo ku saabsan waxa ay tahay inuu isagu ama iyadu barato marka loo eego hadafka laga leeyahay waxa la dhigayo.

Macalinka, ardayga laftiisa iyo ardayda kale ayaa jawaab celin siin kara taas oo ardayga u saamixi karta sare u qaadida waxbarashadooda. Macalinka iyo ardayga ayaa sidoo kale ka wada hadlaya sida uu ardaygu ugu hormari lahaa waxbarashdiisa iyadoo ku saleysan qiimeyn lagu sameeyey waxa ardaygu u baahan yahay iyo waxa uu hore u yiqiiney. Waxa muhiim ah in ardaygu laftiisu uu fahmo waxbarashadiisa iyo baahida horumarka.

Wadahadalka horumarka ee dugsiga gaarka ah

Ugu yaraan hal mar xilli dugsiyeed kasta waa in ardeyga, macalinka, iyo daryeelaha/masuulku ay kulmaan si ay iskula eegaan sida ardayga waxbarashiisu u socoto iyo ku qanacsanaanta ardaygu dugsiga ku qanacsan yahay. Waxa loo yaqaanaa wadahadalka horumarka ardayga. Kulanka waxa lagu sharaxayaa horumarka waxbarasho iyo kan bulsho ee ardayga iyadoo la eegayo manhajka, qorshaha waxbarashada iyo shuruudaha aqoonta.

Inta uu wadahadalku socdo waa in laga hadlaa sida uu dugsigu u taageeri karo oo uu una dhiirri gelin karo horumarka ardayga iyo waxbarashadiisa. Kulanka wuxuu ardayga iyo waalidka/mas’uulka siinayaa fursad ay saammeyn ugu yeeshaan una qaataan mas’uuliyadda dugsi dhigashada ee ardayga. Halkan waxa ka mid ah waxyaalaha la isla soo qaadaayo ay ka mid yihiin wixii baahida la qabsiga dugsiga ah iyo haddaad gargaar gaar ah loo baahan yahay.

Fasalka aan shahaaddo la bixineynin waa in taas bedelkeeda ardeyga la siiyaa qiimeyn shakhsi ahaaneed oo qoraal ah hal mar sanadkiiba. Qorsheha shaqsi ahaaneed ee horumarka waa inuu ka koobnaado qiimmeyn qoraal ah iyo qorsheyn ku saabsan waxa dugsigu sameynaayo iyo waxa ardeygu sameynaayo iyo waxa uu waalidka/mas’uulku uu sameyn karro si ardaygu ugu horumaro sida ugu weyn ee suurtagalka ah.

Shahaaddo iyo darajo siinta dugsiga gaarka ah

Dugsiga gaarka ah waxa la isku siiyaa darajo laga bilaabo dhammaadka xilli dugsiyeedka deyrta fasalka 7. Shahaaddadu waxay leedahay lix derejo oo laga bilaabo A illaa F, halkaas oo F u taagan tahay natiijo aan la baasin. Dhamaadka fasalka 10-aad ayaa la bixiyaa shahaado natiiji ah.