Innehåll på denna sida

Waxbarasho dugsi hoose-dhexe

Somaliska (SOM)

Carruurta badankoodu waxay fasalka dugsiga xannaanada billaabaan marka ay lix sano jir yihiin. Waxay fasalka dugsiga xannaanada ka dib billaabayaan dugsiga hoose-dhexe ee sagaalka sano soconaaya.

Lärare som visar något i en bok för två högstadieelever.

Carruuta Iswiidhan deggan waxaa waajib ku ah in ay dusgi dhigtaan laga billaabo sanadka ay lix sano buuxinayaan. Markaas ayey carruurta badankoodu billaabaan fasalka dugsiga xannaanada. Fasalka dugsiga xannaanada ka dib waxay carruurtu billaabaan dugsi hoose-dhexe ama dugsi qaab kale ah oo u dhigma. Sanad dugsiyeed kasta wuxuu u kala qeybsanyahay laba xilli dugsiyeed, mid deyrta ah iyo mid guga ah.

Dugsiyadu waxay noqon karaan kuwa degmadu leedahay ama kuwa xor ah

Dugsiyada hoose-dhexe waxay noqon karaan kuwo degmada leedaha ama kuwa xor ah. Dugsiyada hoose-dhexe waxa badankooda iska leh degmada, waxaanay badiyaa carruurtu dhigtaan dugsi degmada ee gurigooda ugu dhaw.

Dugsi hoose-dhexe oo kasta wuxuu fursad u haysta in uu lahaado takhasusyo gooni ah, tusaale ahaan fasallo ingiriis ah, ama fasallo dhaqanka- iyo isboortiga ah.

Dugsiyada xorta ah waxay u furan yihiin dadka oo dhan, waxa lagu dhigayaana waa in ay u qalmaan waxa lagu bixiyo dugsiyada degmooyinka. Dugsiyada xorta ah waxaa leh cid kale (milkiile) oo aan degmada ahayn.

Waxbarashada dugsiga hoose-dhexe

Waxa waxbarashada dugsiga hoose-dhexe lagu bixin karaa qaabab kale dugsiga ah oo kala duduwan, marka laga reebo dugsiga hoose-dhexe, dugsiga hoose-dhexe ee carruurta baahida gaarka ah leh, dugsiga gaarka ah, dugsiga dadka Saamarka ah ama waxbarashada diyaargareynta ee qoob ka ciyaarka. Waxbarashada dugsiga hoose-dhexe ayaa xitaa qaabab kala duduwan loogu dhigi karaa waddanka dibaddiisa.

Waxqabadyada dugsiga hoose-dhexe

Dugsiga hoose-dhexe waa in uu ardayda siiyaa aqoon oo uu horuumariyo awooddooda ay si madax banaan aqoon ugu raadinayaan. Waxbarashada dugsiga hoose-dhexe waa in ay ardayda aqoon siisaa oo ayna gacan ka geysataa horuumarka shakhsi ahaaneed ee ardayda. Waa in ay ardayda u diyirsaa wax kala doorashada nolosha, xoojisaa xiriirada dhinacyada badan leh iyo dhexgalka bulshada, oo ayna siisaa aasaas wanaagsan oo lagu gaari karo in si firfircoon looga qeybqaadto nolosha bulshada. Dugsiga hoose-dhexe waa in uu bixiyaa gundhig wanaagsan oo uu waxbarasho ku sii wadan karaayo.

Qorshaha waqtiga iyo manhajka waxbarashada ee dugsiga hoose-dhexe

Qorshaha waqtiga ee dugsiga waxa ku qeexan maaddooyinka waxbarashada ku jira iyo sida loogu kala qeybinaayo fasalada kala duduwan. Ardayda dhigata dugsiga hoose-dhexe waxay xaq u leeyihiin tiro saacado wax loo dhigaayo oo la damaanad qaaday. Sanad dugsiyeed kasta wuxuu u qeybsan yahay laba xilli dugsiyeedyo, mid deryta ah iyo mid guga ah.

Ardayda dhigata dugsiga hoose-dhexe waxay dhiganeysaa Iswiidhish ama Iswiidhihska oo luqad labaad ahaan ah, Xisaab, Ingiriis, maaddooyin farshaxan-gacan laga qabto ah, farsamada, maaddooyinka cilmiga bulshada, maddooyinka sayniska, afka hooyo iyo luqadaha casriga ah.

Waxay maado kasta oo dugsigu leedahay manhaj waxbarasho. Waxa uu manhajku qeexayaa ula jeeddada laga leeyahay waxbarashada iyo aqoonta ilmahaaga la siiyo si uu maaddada ugu horumarro.

Waxqabadka dugsigu waa inuu waafaqsanyahay qiyamka dimuquraadiyadda ee bulshada, dhammaan dadka dugsiga ka shaqeynayana waa inuu ixtiraamaa qiimeha qof kasta iyo deegaankeenna. Dhammaan ardaydu waa in ay dareemaan kalsooni iyo in la ixtiraamayo, waana in shuruudo/duruufo isku mid ah dugsiga lagu siiyaa.

Qiimeynta iyo waxbarashada dugsiga hoose-dhexe

Waxa dugsiga ardayda lagu siinayaa macluumaad joogto ah oo ku saabsan waxa ay tahay inuu isagu ama iyadu barato marka loo eego hadafka laga leeyahay waxa la dhigayo. Macalinka, ardayga laftiisa iyo ardayda kale ayaa jawaab celin kiin kara taas oo ardayga u saamixi karta sare u qaadida waxbarashadooda. Macalinka iyo ardayga ayaa sidoo kale ka wada hadlaya sida uu ardaygu ugu hormari lahaa waxbarashdiisa iyadoo ku saleysan qiimeyn lagu sameeyey waxa ardaygu u baahan yahay iyo waxa uu hore u yiqiiney. Waxa muhiim ah in ardayga laftiisu uu fahmo waxbarashadiisa iyo baahida horumarka.

Wadahadalka horumarka ardayga ee dugsiga hoose-dhexe

Ugu yaraan hal mar xilli dugsiyeed kasta waa in ardeyga, macalinka, iyo daryeelaha/masuulku ay kulmaan si ay iskula eegaan sida ardayga waxbarashiisu u socoto iyo ku qanacsanaanta ardaygu dugsiga ku qanacsan yahay. Waxa loo yaqaanaa wadahadalka horumarka ardayga. Wada hadalka ayaa sawir ka bixinaya horumarka aqooneed iyo kan bulsho ee ardayga.

Inta uu wadahadalku socdo waa in laga hadlaa sida uu dugsigu u taageeri karo oo uu una dhiirri gelin karo horumarka ardayga iyo waxbarashadiisa. Kulanka wuxuu ardayga iyo waalidka/mas’uulka siinayaa fursad ay saammeyn ugu yeeshaan una qaataan mas’uuliyadda dugsi dhigashada ee ardayga. Halkan waxa ka mid ah waxyaalaha la isla soo qaadaayo wixii baahida la qabsiga dugsiga ah iyo haddaad gargaar gaar ah loo baahan yahay.

Fasalka aan shahaaddo la bixineynin waa in la bixiyaa qiimeyn shakhsi ahaaneed oo qoraal ah hal mar sanad dugsiyeedkiiba. Qorshaha horuumarka ee shakhsi ahaaneed waa in uu ka koobnaado qiimeyn qoraal ah iyo qorsheyn ku aaddan sii wadashada ardayga ee dusgiga.

Shahaaddo iyo darajo siinta dugsiga hoose-dhexe

Dhammaadka xilli dugsiyeed kasta laga billaabo fasalka 6 ayuu ardaydu shahaaddo ka heli doonaa maaddooyinka waxbarashooda ku jira. Maamuluhu ayaa sidoo kale go'aamin kara haddii fasalka 4-aad darajooyinka la bixinaayo. Shahaaddada natiijiga ah ayaa fasalka 9 marka la dhameeyo la qaadanayaa maadaama oo uu markaas ardaygu waxbarashda dugsiga hoose dhexe dhameystey. Waxa shahaaddada natiijiga ah ilmahu ku dalbanayaa dugsiga sare.

Darajada shahaadadu waxay leedahay lix jaranjarooyin: A – F. A-E waxay u taaganyihiin natiijo baasitaan ah, F-na waxay u taagantahay dhicitaan. Xarriijin ayaa shahaaddada la saarayaa haddii ardayga maqnaashadiisu uu aad u badnaa oo uunu macallinku shahaaddo saari karin.

Tababar (Prao)

Tababar (Prao) waxa loola jeedaa samaynta jihaynta nolosha shaqada iyo in taasi ay tahay in ardaygu uu tijaabiyo sida ay tahay in laga shaqeeyo goob shaqo. Dhamaan ardayda dugsiyada hoose dhexe, dugsiyada khaaska ah iyo dugsiyada hoose dhexe ee khaaska ah waxa ay samayn doonaan tababar (Prao) sanad dugsiyeedka 8 iyo/ama 9. Waxa ay ku qoran tahay sharciga iskoolka.

Aqoon ku saabsan suuqa shaqada

Si uu usamayn karo mustaqbalka doorasho fiican waa muhiim in ilmahaadu helaan aqoon ku saabsan suuqa shaqada iyo waayo aragnimo badan ee qaybaha kala duwan ee xirfadda iyo laamaha. Tababar (Prao) waxa uu ka saacidayaa ilmahada inuu aragti ka helo aqoonnada iyo kartiyada kala duwan kuwa ee ay ubaahan tahay nolosha shaqada. Tusaale kartida waxa ay noqon kartaa inuu bilaabid iyo mas’uuliyad qaado. Sidaas daraadeed ayay dhamaan ardaydu usamayn doonaan tababar (Prao).

Iskoolku wuxuu goobta shaqada kala shaqaynayaa tababar (Prao)

Iskoolka iyo goobta shaqadu waa ay isla shaqaynayaan si goobta tababarka (Prao) ee ilmahaadu unoqoto mid ku haboon oo ammaan ah. Waxa ay tusaale ahaan noqon kartaa in loo qabto gacanyare taageere uga ah ilmahaada goobta shaqada iyo inuu hubiyo inuu shaqo bixiyaha uu raacayo xeerarka jira ee ku saabsan waqtiyada shaqada iyo bii’ada shaqada. Ilmahaadu waxa uu ka caymisan yahay dhanka iskoolka xiliga uu socdo tababarka (Prao).

Iskoolku waxa uu ardayda udiyaarinayaa tababar (Prao)

Iskoolku waxa uu ka mas’uul noqonayaa inuu ilmahaadu ay si wanaagsan ugu diyaar noqdo xiligiisa tababarka (Prao). Inta badan ardaydu waxay helaan howlo ay dib usoo bandhigi doonaan marka ay dib ugu soo noqdaan iskoolka. Qaabkaasoo ay uga helayaan dhanka saaxiibada kale ee fasalka aqoonta ku saabsan goobaha kale ee shaqo iyo qaybaha xirfada.

Ma doonaysaa inaad wax badan kasii ogaatid tababar (Prao)?

Ma doonaysaa inaad wax badan kasii ogaato tababar (Prao), la xiriir hagaha shaqada- iyo waxbarashada ama macalin.