Dugsiga sare
Somaliska (SOM)
Loogu talogaly dhalinyarada da'da 16 iyo 20 sano jir u dhaxeysa.
Dhalinyarada dugsiga hoose/dhexe dhameysatay waxey dooran karaan iney sii wataan waxbarashada dugsiga sare taasoo aan qasab aheyn isla markaana lacag ahaan ah. Waxa dugsiga sare uu ugu horeyn ka kooban yahay barnaamijo qaran iyo barnaamij hordhac ah.
Dugsiga sare waxa loogu talogalay dhalinyarada dadoodu u dhaxeyso 16 iyo 20 sano jir. Waxaad dugsiga sare bilaabi kartaa ugu danbeynta sanadka aad 20 sano buuxiso. Ka dib markaad 20 sano jir buuxiso ayaa waxa jira fursad waxbarashada dadka waaweyn wax lagaga baranaayo. Dugsiga sare waa mid aan qasab aheyn isla markaana lacag la'aan ah.
Ujeedada ugu muhimsan ee waxbarashada dugsiga sare waa in la gudbiyo aqoon oo la abuuro fursado uu ardaygu ku helaayo oo uu ku horumarinaayo aqoontooda. Waxbarashadu waa inay kor u qaado horumarka ardayga ee uu qof masuuliyadiisa ku qaadaayo, iyadoo isla markaana si toosa uga qeybqaata oo uu horumariyo nolosha xirfad iyo bulsho ahaaneed.
Dugsiyada sare ayaa loo abaabuli karaa siyaabo kala duwan
Waxaa jira dugsiyo sare oo ay degmadu leedahay, qaar xor ah iyo qaar maamulka gobolka. Waxa dhamaan dugsiyada masuuliyad ka saaran tahay iney raacaan sharciga dugsiga, waxyaabaha ay ka midka yihiin waxbarashadu ka kooban tahay waxbarashadu iyo darajo siinta/bixinta.
Dugsi sare oo kasta waxa uu fursad u haysta in uu lahaado takhasu u gooni ah, tusaale ahaan fasallo ingiriis ah, ama fasallo dhaqanka- iyo isboortiga ah.
Dugsiyada xorta ah ayaa cid kastaa loo ogol yahay iyadoo waxbarashadooduna ay u qalanto tan laga bixiyo dugsiyada degmada. Dugsiyada xorta ah ayaa leh milkiile kale oo degmada aheyn.
Baarnaamijyada qaran
Waxa tiro ahaan jira 18 barnaamij oo qaran, kuwaas oo lix ka mid ahi yihiin kuwo bixiyo barnaamijyo loogu diyaar garoowo jaamacad iyo 12 barnaamijyo xirfadeed ah. Waxa uu barnaamij kasta soconayaa saddex sano.
Dhamaan ardayda qaadata barnaamijyada jaamacad u diyaar garowga waa iney shaqo dugsi sare sameeaan taas oo muujineysa in ardaygu diyaar u yahay waxbarasho sare oo kuliyadeed ama jaamacadeed.
Dhamaan barnaamijyada xirfadu waxa ku jira ugu yaraan 15 todobaad oo goob shaqo waxbarasho lagu qadanaayo iyadoo waxbarashdu ka dhacayso goob shaqada. Barnaamijka xirfadda ayaa xitaa loo sameyn karaa qaab dugsi sare ee ardayga wax lagu barayo, halkaas oo ugu yaraan waxbarashada kala barkeed ay goob shaqo ka dhaceyso. Dhamaan ardayda barnaamijka xirfadda dhigataa waa inay sameeyaan shaqo dugsi sare taas oo muujineysa in ardaydu diyaar u yahay inuu ka shaqeeyo waxay waxbarashadu u diyaarinayso.
Qofka aan u qalmin/gali karin barnaamijka qaran ayaa barnaamijka hordhaca helaaya. Waxay taasi bixineysaa fursad hadhow loogu galaayo barnaamijka qaranka ama uu uga qeyb qaato suuqa shaqada.
Barnaamijka hordhaca
Barnaamijka hordhaca ayaa loogu talogalay ardayga aan u qalmin barnaamijada qaran ee dugsiga sare. Barnaamijka uu ardaygu gali karo waxay ku xiran tahay hadafka aad barnaamijka waxbarashada ka leedahay. Barnaamijka hordhaca waxa bedelkiisa la sameyn karaa in ilaa laba sano la sii dhigto dugsiga hoose/dhexe si loogu qalmo. Barnaamijka hordhaca ayaa loogu talogalay inuu qofka aan barnaamijka qaran u qalmin siiyo fursad uu ku soo galaayo barnaamij noocaas ah ama fursad kuu horseedeysa inaad shaqo hesho.
Qiimeynta iyo waxbarashada dugsiga sare
Waxaad dusgsiga ka heleysaa warbixin joogta ah ee ku saabsan waxa aad baratay marka loo eego hadafyada waxbarashada iyo hadafka casharada.
Macalinka, adiga laftaada iyo ardayda kale ayaa jawaab celin siin kara taas oo adiga kuu horseedi karta sare u qaadida waxbarashadaada. Macalinka iyo ardayga ayaa sidoo kale ka wada hadlaya sida uu ardaygu ugu hormari lahaa waxbarashdiisa iyadoo ku saleysan qiimeyn lagu sameeyey waxaad u baahan yahay iyo waxaad taqaano. Waa muhim inaad adiga laftaadu fahamsan tahay adigu waxbarashadaada iyo adiga baahidaada aad horumar u qabto.
Wada hadalka horumarka ee dugsiga sare
Ugu yaraan hal mar xilli dugsiyeed kasta waa inaad adiga, macalinkaaga, iyo daryeelaha/masuulku (haddii aad 18 sano jir ka yar tahay) ay kulmaan si ay iskula eegaan sidaad dugsiga ugu dhigato iyo sidaas uga hesho. Waxa loo yaqaanaa wadahadalka horumarka ardayga. Wadahadalka ayaa sawir ka bixinaya adiga horumarkaaga aqooneed iyo kan bulsho ahaaneed labadaba.
Inta uu wadahadalku socdo waa inaad ka wada hadshaan sida uu dugsigu kuu taageeri karo oo uu una dhiirri gelin karo adiga waxbarashadaada. Wada hadalkan ayaa adiga iyo masuulkaagaba siin doona fursad aad ku saameyn doonto oo aad masuuliyad uga qaadeyso waxbarashadaada. Halkan waxa ka mid ah waxyaalaha la isla soo qaadaayo wixii baahida la qabsiga dugsiga ah iyo haddii gargaar gaar ah loo baahan yahay.
Shahaaddo iyo darajo siinta dugsiga sare
Ardayda barnaamijka qaran dhigataa waxay heleyaan shahaaddo markay koorso kasta dhameeyaan. Waxa kooraso kasta uu leeyahay shuruuddo aqooneed oo sheegaya waxa loo baahan yahay in gaadho. Darajo ayaa la iska siinayaa dhamaadka kooras kasta iyo xilliga la fulinayo shaqada dugsiga sare.
Waxa barnaamijka hordhaca uu macalinka darajo ku bixiyaa marka kasta oo kooras dhamaado ama la dhigto maaddo dugsi hoose/dhexe.
Darajada shahaadadu waxay leedahay lix jaranjarooyin: A – F. A - E oo u taahan natiijo baasi ah iyo F oo u taagan shahaaddo dhicitaan ah. Markaad darajo ka hesho koorsooyinka oo dhan iyo shaqada dugsiga sare waxaad kadib heleysaa darajada kama danbeynta. Xariijin baa la marinayaa shahaaddada haddii uu maqnaashahaagu badnaa isla markaana aanu macalinku shahaaddo kugu siin karin maadada.