Innehåll på denna sida

Afka hooyo iyo svenska som andraspråk

Somaliska (SOM)

Ardayda afkoodu hooyo yahay af aan iswiidhish aheyn waxey xaq u leeyihiin casharada afka hooyo. Haddii aad dooneyso in ilmahaagu helo casharka afka hooyo waa inaad markaa u dalabtaa.

Afka hooyo ayaa aad muhim ugu ah horumarka afka caruurta, aqoonsigooga, shakhsiyadooda iyo fakarkooda. Fursadda horumarka afka hooyo waxey sahashaa barashada af cusub iyo aqoontaba. Iskuulka ayuu xil ka saaran yahay abaabulka casharada ardayda afkoodu yahay af kale, si caruurtaasi fursad ugu hesho ay ku kobcin karaan afka (afka hooyo iyo afka iswiidhishka intaba) iyo aqoonta bar bar socota.

Casharka afka hooyo

Ardayda afkoodu hooyo yahay af aan iswiidhish aheyn waxey xaq u leeyihiin casharada afka hooyo. Helitaanka afka hooyo waxey sahashaa horumarinta afka iyo barashada maadooyinka kala duwan. Haddii aad dooneyso in ilmahaagu helo casharka afka hooyo waa inaad markaa u dalabtaa. Weydii iskuulka wadada la maro iyo shuruudaha la buuxinayo.

Caawiyaha waxbarashada ee afka hooyo

Ardaygu wuxuu caawimaad waxbarasho ee afkiisa hooyo heli karaa haddii ardaygu arrintaa u baahan yahay. Tan ayaan quseyn ardayda dalka ku cusub oo keliya. Ardayda dalka ku cusub waxey caawimaad waxbarasho ku heleyaan afka ay si wanaagsan ugu hadlaan iskuulka haddii uu yahay kaa af kale ee aan aheyn afkooda hooyo. Tusaalle ahaan waxa jira arday cusub kuwaasoo mudo badan qaxayey isla markaana iskuul ka soo dhigtay dal kale ee aan aheyn dalkooda hooyo isla wax ku soo dhigtay af kale oo aan aheyn afkooda hooyo. Ardaydani afkaas ayaa noqon kara afka ugu wanaagsan ee ilmuhu ku kobcin karo aqoontiisa. Caawiyaha waxbarashada ee afka hooyo ayaa ardayda ka caawinaya horumarinta aqoonta maadooyinka iskuulka iyo afka iswiidhishka.

Svenska som andraspråk

Waxbarashada maadaada iswiidhishka afka labaad (svenska som andraspråk) ayaa ardayda fursad u siineysa sidii ay ku hormarin lahaayeen afka iswiidhishka qoraal iyo akhris ahaanba iyagoo gaaraya heer ay afka ku soo gudbin karaan fikradahooda xaaladaha kala duwan iyo ujeedooyinka kala duwan. Casharadaa ayaa ardayga fursad siinaya uu ku hormariyo luqad ahaan iyo fikir ahaan, xiriir iyo barashadaba. Ardaygu waa inuu aaminaa luqadiisa. Casharada ayaa ardayga fursad u siinaya ku hadalka luqada iswiidhishka heerka af ahaaneed ee ardaygu taagan yahay, iyadoo aysan khasab aheyn in afku sax yahay dhinac kasta. Maamulaha ayaa goaan ka gaara inuu ardaygu helayo casharada. barashada maadaada iswiidhishka afka labaad.

Qaanuunada ka qeyb qaadashada ayey ku kala duwan yihiin dugsiga hoose/dhexe iyo kuwa sare. Ardayga doonayo inuu maadaada iswiidhishka afka labaad ku dhigto dugsiga hoose/dhexe waxa looga baahan yahay:

  • inuu afkiisa hooyo yahay af kale oo aan aheyn iswiidhish ama
  • ardayda af iswiidhishku yahay afkooda hooyo lakiin iskuul dalka dibadiisa wax ka bartay ama
  • arday ajnabi ah kaasoo afka iswiidhishka ugu baahan la hadalka masuul sharciyeed.

Midda kale waa in ardaygu u baahan yahay casharka barashada maadaada iswiidhishka afka labaad.

Arday dhigta dugsi sare isla markaana afkiisu hooyo yahay af kale aan iswiidhish aheyn wuxuu barashada maadaada iswiidhishka afka labaad ku dhigan karaa maadooyinka wadajirka ee dugsiga sare meesha uu ka qaadan lahaa maadada iswiidhishka.