Nuxurka boggan

Kani waa iskoolka iswiidhishka ah

Iskuullada Sweden waxa loogu tala galay dhamaan caruurta ku nool Sweden. Waa inuu amaan leeyahay isla markaana yahay goob deggen si ay dadkoo dhami mabsuud ugu noqdaan. Qeybtani waxey ka hadleysaa sida ay Sweden u shaqeeyaan dugsiyada xanaanada, kuwa hoose/dhexe iyo dugsiyada sare.

Dugsi xannaano iyo hawlo kale oo waxbarid

Dugsiga xannaanada waxaa loogu tala galay carruurta u dhexeysa hal sano iyo lix sano. Dugsiga xannaanadu waa in uu ahaadaa mid xiiso leh, aamin ah, carruurta halkaas dhigata oo dhanna waxbarasho fiican u leh. Haddii ay degmadu bixiso waxaa sidoo kale jiri kara hawlo kale oo waxbarid oo loogu tala galay carruurta u dhexeysa hal sano iyo 12 sano.

Fasalka dugsiga xannaanada, waxbarasho dugsi hoose-dhexe iyo guriga xilliga firaaqada

Carruurta badankoodu waxay fasalka dugsiga xannaanada billaabaan marka ay yihiin lix sano jir. Fasalka dugsiga xannaanada ka dib waxaa billaabanaya dugsiga hoose-dhexe ee sagaalka sano soconaaya. Guriga xilliga firaaqadu wuxuu dhameystir u yahay fasalka dugsiga xannaanada iyo waxbarashada dugsiga hoose-dhexe, wuxuu ardayda siinayaa xilli firaaqo oo micne weyn leh inta ay waaliddiintu shaqeynayaan ama waxbaranayaan.

Waxbarasho dugsi sare

Dhalinyarada dhameysatay dugsiga hoose/dhexe waxey dooran karaan iney sii wataan waxbarashada dugsiga sare taasoo aan qasab aheyn isla markaana lacag ahaan ah. Dugsiga sare wuxuu ugu horeyn ka kooban yahay barnaamijo qaran iyo barnaamij hordhac ah. Dhalinyarada garaadka dhiman waxey dhigtaan dugsi sare oo gaar ah kaasoo wax lagu barto afar sano.

Waxbarasho dadka waaweyn

Si uu qofku shaqo u helo waxaa badanaa lagu xiraa inuu heysto shahaaddo dugsi hoose/dhexe iyo mid sare. Qofka aan kuu guuleysana inuu shahaaddo ka qaato dugsiyada hoose/dhexe iyo kuwa sare wuxuu aqoontaa qaadan karaa isagoo qof weyn ah. Sidoo kale waa in qofku ku guuleystaa dugsiga sare si uu u qaato waxbarasho xirfad jaamacadeed ama waxbarasho kale ee jaamacadah.